Ugaaskii Guud Ee Beelaha Daarood Oo Saakay Geeriyoodey

Ugaaskii Guud Ee Beelaha Daarood Oo Saakay Geeriyoodey
Codka Umadda Karaamaysan Ee QarankaTanadland.Warbaahinta Tanadland, By: Saxardiid.

Saakay waxaa caasimadda gobalka xariir ee (Galdogob) ku geeriyoodey ugaaskii guud ee beelaha Daarood, allaha u naxariistee (Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali).

Saakay waxaa caasimadda gobalka xariir ee (Galdogob) ku geeriyoodey ugaaskii guud ee beelaha Daarood, allaha u naxariistee (Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali). Ugaaska oo Islamarkaasna ahaa isimka haya saldanadda ugu facaweyn saldanadaha beelaha Daarood. Sidaynu ognahay shantii wiil ee uu (Daarood Ismaaciil) dhalay waxaa curad u ahaa (Kablalax Daarood), Waxaana curad ku xigeen ahaa (Tanade Daarood). Shantii daarood waxaa tafiir ka tegey afar nin oo kala ahaa (Sade), (Yuusuf), (Tanade) iyo (Ciise). Wiilashii Daarood waxaa ugu wiilal badnaa (Tanade Daarood) oo sideed wiil dhalay. Waxaana ku xigey (Sade Daarood) oo sadex wiil dhalay. Nasiibdaro (Sade Daarood) wuxuu dhintay iyada oo ay labo wiil u joogaan oo kala ah (Facayo) iyo (Mareexaan). Markaasna ay islaantu uur weyn u leedahay oo u caloosha ku jiro (Kuumade Sade). Markii uu sade dhintay, islaantii (Sade Daarood) caruurta u dhashay waxaa dumaaley (Kablalax Daarood) oo ay xaaskiisii wax u dhaliweydey. Waxaa xusidmudan in markii uu (Kablalax Daarood) dumaaley xaaskii (Sade daarood) inaysan wax ilmo ah u dhalin. Aalaa waxaa la yiraahdaa saldanaddii boqortooyada Tanade waxay bilaabatay maalintii uu reerku xujoobey oo bal nin walbow waxay kulatahay tali la yiri. Taladii (Daarood) uu ka carooday uuna ka fursanwaayey inuu qaatana uu Tanade ku taliyey.

Waxaa la yiraahdaa (Doonbiro Direed) waxay dhashay 8 gabdhood iyo 5 wiil. Qoyskuna wuxuu ka koobnaa 9 qofood oo dumar ah iyo 6 rag ah. Marka uu odaygu wiilashiisa la shiray ee uu taliya leeyahayna, Gabdhihii Daarood iyo (Doonbiro Direed) waxay ku maqnaayeen qabo. Marka Tanade wuxuu ku taliyey in gabdhaha daarood iyo (Doonbiro Direed) talada wax-lagasiiyo, dagaalkana si wadajir ah loogalo. Wuxuuna yiri halhayska caanbaxay ee ah “Taladeenu Maantay Tafonaagood Bay Ku Jirtaa Ee Aynu Dhawro”.

Saakay waxaa caasimadda gobalka xariir ee (Galdogob) ku geeriyoodey ugaaskii guud ee beelaha Daarood, , allaha u naxariistee (Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali). Islamarkaasna ahaa isimka haya saldanadda ugu faca weyn saldanadaha beelaha Daarood.

Sidaynu ognahay shantii wiil ee uu (Daarood Ismaaciil) dhalay waxaa curad u ahaa (Kablalax Daarood), Waxaana curad ku xigeen ahaa (Tanade Daarood). Shantii daarood waxaa tafiir ka tegey afar nin oo kala ahaa (Sade), (Yuusuf), (Tanade) iyo (Ciise). Wiilashii Daarood waxaa ugu wiilal badnaa (Tanade Daarood) oo sideed wiil dhalay. Todobo wiil oo iskubah ah iyo wiil bahgooni ah. Waxaana ku xigey (Sade Daarood) oo sadex wiil dhalay. Nasiibdaro (Sade Daarood) wuxuu dhintay iyada oo ay labo wiil u joogaan oo kala ah (Facayo) iyo (Mareexaan). Markaasna ay islaantu uur weyn u leedahay oo u caloosha ku jiro (Kuumade Sade). Markii uu sade dhintay ayaa islaantii (Sade Daarood) caruurta u dhashay waxaa dumaaley (Kablalax Daarood) oo ay xaaskiisii wax u dhaliweydey.

Waxaa xusidmudan in markii uu (Kablalax Daarood) dumaaley xaaskii uu walaalkiis (Sade daarood) ka dhintay inaysan wax ilmo ah aysan u dhalin. Aalaa waxaa la yiraahdaa saldanaddii boqortooyada Tanade waxay bilaabatay maalintii uu reerku xujoobey oo bal nin walbow waxay kulatahay tali la yiri. Taladii (Daarood) uu ka carooday uuna ka fursanwaayey inuu qaatana uu Tanade ku taliyey.

Waxaa la yiraahdaa (Doonbiro Direed) waxay dhashay 8 gabdhood iyo 5 wiil. Qoyskuna wuxuu ka koobnaa 9 qofood oo dumar ah iyo 6 rag ah. Marka uu odaygu wiilashiisa la shiray ee uu taliya leeyahayna, gabdhihii Daarood iyo (Doonbiro Direed) waxay ku maqnaayeen qabo. Marka Tanade wuxuu ku taliyey in gabdhaha daarood iyo (Doonbiro Direed) talada wax-lagasiiyo, dagaalkana si wadajir ah loogalo. Wuxuuna yiri halhayska caanbaxay ee ah “Taladeenu Maantay Tafonaagood Bay Ku Jirtaa Ee Aynu Sugno”.

Hadalkaas oo la sheegay in odaygii (Daarood Ismaaciil) ahaa uu markii hore aad uga carooday, uuna yiri “Maxamadow Taladaada Tafo Naagood Allaha Geliyo”.

Laakiin taladii uu odaygu dhibsaday dan ayaa loogafursanwaayey markii ay dumarkii yimaadeena taladii reerka ayaa lala wadaagey. Dagaalkii la filayey markii uu dhacayna kaalinta ugu muhiimsan ayey dumarka daarood ka qaateen. Guushii uu reerku guuleysteyna waxaa libinta inteeda badan lahaa gabdhaha daarood.

Markaas kedib Daarood intuu noolaa ayuu taladii reerka ku wareejiyey. Talada reerkana wuxuu ku wareejiyey Tanade. Maxamed-na waa’u duceeyey oo wuxuu ku yiri (Tanaad), wuxuuna ugu yeerijirey (Tanade). Ducada kale ee uu rabi ku liibaaney umadda reer Tanadland waxa weeye “Taladiina Tafo Naagood Allaha Geliyo”. Umaddo badan oo waxaa jira waqtigaan xaadirka ah marka nin islaanta u dhaxda ee caruurta u dhashy uu is’afgaranwaa dhexmaro, aan garanayn inay uleeyaan maahane si kele oo ay ula macaamilaan. Intaas waxaad maqlaysaa reer la leeyahay “Balaayo gabar idinsiisay kuwaasi waa cawaan oo dumarka waa’ay dilaan”. Balse umadda reer Tanadland macaamilka ay dumarkooda iyo gabdhahooda kuladhaqmaan waa dhaxal soojireen ah, odaygii Tanade ahaa ayaana lagadhaxlay oo laga soo gaarey. Awooda iyo iskuduubnaanta umadda karaamaysan ee reer Tanadland -na waxaa udubdhexaad u ah, dhaqankaas soojireenka ah ee waligeed umadda reer Tanadland jiilba uu jiilka kale u gubinayey.

Curadnimada (Tanade Daarood) wax shaki la gelinkaro maaha. Sanadkii 1905 -tii ayey dunidu ogaatey unuga sinjiga aabaha qaada ee looyaqaan (Y chromosome). Magaalada aan deganahay baaritaanka sinjiqaadaha (Y-chromosome testing) waa ($80) sideetan doolar oo keliya afartii qofood. Marka labo qofood ama sadex la baarayana qarashku intaas wuu ka yaryahay. Soomaaliya shaybaarada ku yaalana markay ugu badato waxay qaadanayaan ($10). Marka sadexda (Sade Daarood) reer kiiba 3 nin oo ka socda sinjiqaadahooda la baaro, waxaa cadaanaysa in Tanade uu curadkii Daarood yahay. Maxaa yeelay waa hubaal in (kablalax Daarood) uusan wax waraso ah uusan ka tegin.

Sababta oo ay tahay sinjiqaadaha (Y-chromosome) waxaa qaada raga oo keliya, beelaha (Facayo Sade), (Mareexaan Sade) iyo (Kuumade Sade) sinjiqaadahooda dhanka aabaha ee (Y chromosome), iyo kan dhanka hooyada ee (X chromosome) wuxuu noqonayaa iskumid. Maxaawacay beelahaasi waa dad siman oo isku’aabe iyo isku’hooyo ah. Laakiin Daaroodka kale faraq ayaa u dhexaynaya. Marka hadii ay jirto qolo isuhaysata inay yihiin (Kuumade Kablalax), oo aaminsan in uu (Kuumade) ahaa ina kablalax sidaasna wax ku raadinaya. Ha’u diyaargaroobeen in loocadeeyo asalkooda dhabta ahi inuu yahay (Kuumade Sade).

Kablalax markuu xaaskii (Sade) uu dumaaley cida inteedii kale waa u ka guurey isagoo u jeedadiisu ay ahayd in uu (Kuumade Sade) wiil ka dhigto. Marka uu kablalax reerkii uu ka dhintay walaalkiis uu la dhuuntay (Facayo Sade) iyo (Mareexaan Sade) waxay ahaayeen wiilal aad u yar-yar. Laakiin waadanbe oo ay weynaadeen ayey adeeradood u sheegeen in (Kuumade) yahay yaraankii aabahood. Sababta uu kablalax hooyadood ula dhuuntayna ay ahayd in uu wiilka walaalkood ah uu sheegto. Waana wax caam ah beelaha daarood oo dhamina ay ogyihiin in kablalax uu madhalays ahaa oo uusan wax waraso ah ka tegin.

Marka la baaro sinjiqaadaha (Y chromosome) warasada sadexda beelood ee kala ah (Facayo Sade), (Mareexaan Sade) iyo (Kuumade Sade). Waxaa cidii uu tuhun ugajiro u cadaanaysa in Daarood curadkiisu uu yahay (Tanade Daarood). Saldanadda reer Tanadland-na ay saldanadaha kale ee beelaha daarood ka sarayso oo ay hoosyimaadaan.

Ugaaska guud ee beelaha Daarood (Dr/Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali) allaha u naxariistii wuxuu xijaabtey saakay. Ugaasku wuxuu ka mid ahaa dhaqaatiirtii ugu horeeyey ee ka hawlgala isbitaal martiini. Wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirta soomaaliyeed ee indha dhaqaatiirtii ugu horeysey. Wuxuuna ahaa dhakhtarkii labaad oo reer Tanadland ah oo derajada maamulaha isbitaalka mertiini noqda.

Ugaas Dr.Axmed wuxuu ahaa caalin mufti ah oo diinta iyo axkaamta islaamka ku xeeldheer, Ugaas Axmed wuxuu ahaa xeeldheere had iyo jeer umadda uu hogaamiyaha u yahay abaabula. Wuxuu ahaa ganacsade hormuud ah oo udubdhexaad u ahaa iskaashatooyinkii ugu horeeyey ee reer Tanadland ay aas-aasaan. Waxaaba la orankaraa ma’ay jirto iskaashato ganacsatada reer tanadland ay leeyihiin oo uusan Ugaas Axmed talo ku lahayn waxna ka abaabulin.

Ugaas Axmed wuxuu ahaa nin aad u hadal debacsan oo farxaan ah, ugaasku mudo dheer oo hilaadii 15 sano ku dhawaad ah ayuu xanuunsanaa oo u magaalada (Abu Dubai) deganaa. Ugaaska rabi janadii fardowsa ahayd ha noogeeyee wuxuu ku xijaabtey saaka isbitaalka guud ee gobolka Xariir.

Ugudanbay, aniga oo ku hadlaya afka wadaniga xalaasha ah ee umadda karaamaysan, waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa beesha Daarood geerida naxdinta leh ee ku timid ugaaska guud ee beelaha Daarood (Ugaas/Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali). Waxaan kaloo si gaar ah tacsi ugu dirayaa umadda karaamaysan ee reer Tanadland ee u ugaasku ka dhashay. Waxaana uguhorayn aan rabi uga baryayaa inuu ugaaska jantu’fardowsa noogeeyo. Marka xigana waxaan leeyahay meesha waynu u wada soconaaye rabi samir iyo iimaan haynagawadasiiyo.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda
Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos