Taariikhdii Gudoomiye (Axmed “Carab” Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi)

Taariikhdii Gudoomiye (Axmed “Carab” Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi)
Sawirka Gudoomiye (Axmed "Carab")

Gudoomiye (Axmed "Carab" Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi) Wuxuu Ahaa Gudoomiyihii Ugu Horeeyey Ee Magaalada Kismaayo Intaan Gobanimada La Qaadan 1954-1960 -Kii

axmed-carab-1
Arar:

Gudoomiye (Axmed “Carab”) awowgiis (Suldaan Aw-Cilmi) markuu ahaa ahaa 19 jirka wuxuu ahaa nin caan ah oo ku tilmaaman fahmad badni iyo aqoon. Wuxuu kaloo ahaa wadaad caalin ah oo cilmiga diinta yaraan lagu ababshey. Mudo gaaban kedib (Aw-Cilmi) wuxuu u bayray dhanka beecmushteriga, wuxuuna bilaabay inuu debeda u dhoofiyo badeecado ay ka midyihiin, Hargaha, Baalka gorayada, Xoolaha nool iwm. In mudaa markii uu (Aw-Cilmi) beecmushteri ahaa oo uu xoolo badan ka tabcaday ayuu wuxuu aqoonkororsi u raadsadey dalka Masar. Wuxuuna galay jaamacadda caanka ah ee Al Azhar.

Sanooyin danbe goortii uu (Aw-Cilmi) waxbarashadiisii jaamacadeed uu soo dhamaystay, wuxuu bilaabay socdaal in uu ku maro wadamo dhawr ah oo ka mid ahdunida muslimka. Sida Sacuudiga, Masar, Turkiga, Ciraq, Kenya iyo Uzbekistan. Sidoo kale (Aw-Cilmi) dhalinyaronimadiisii magaalooyinka uu booqday waxaa ka mid ahaa magaalooyinka (Maka), (Madiina), (Qaahira), (Baqdad), (Istanbul), (Mombasa) iyo (Samarkand).

Intaanu (Aw-Cilmi) wadanka Soomaaliya uusan imaan wuxuu ka soodegey magaalada Mombasa, isaga oo markab ganacsi ka soo raacay magaalada Jidda ee wadanka sacuudi carebiya. Sanadkii 1789 kii ayuu (Aw-Cilmi) yimid magaalada Kismaayo isagoo doon u raran wata oo u magaalada Mombasa kala yimid. Sida la sheegay waagaas magaalada Kismaanyo waxay ahayd tuulo yar oo laasas ceelbiyood ah leh. Laasas kaas oo isugujira laasas dhano ah oo biyahood xoolaha iyo dadkuba aysan cabikarin. Iyo laasas xeebta ka durugsan oo biyo fiican leh. Nolosha tuulada Kismaayo na waxay ku tiirsanayd
reer miyiga dega degaamada u ogog leh laaso kismaayo.

Sanadkii 1789 -kii (Aw-Cilmi) markuu yimid magaalada Kismaayo wuxuu ka dhisay masaajid daar ah masaajidkii ugu horeeyey ee laga dhiso. Waagaas maalada Kismaayo hal daar ahi kama aysan dhisnayn. Tuuladuna waxay ku koobnayd hareeraha laasaha Kismaayo oo ka fog xeebta. Dadka reer Kismaayo oo dhami waxay isku raacsanyihiin in magaalada Kismaayo sabada ugu qadiimsani inay tahay xaafadda Calanley, Xaafadda xalanleyna waxay ka soo askuntay suuqyaraha xaafada calanley, kawaanka malaayga hareerihiisa iyo meesha doomaha lagu sameeyo. Qaasatan hotel qiilmawaaye halka uu hada ku yaalo iyo ilaa inta u dhexaysa buurta bacaadka ah ee dhanka galbeedka ka xigta xeebta calanley.

(Aw-Cilmi) wuxuu ahaa nin aad u garaad sareeya. Intaanu magaalada Kismaayo imaan aad ayuu uga warhayey axwaasha ka jirta laaska kismaayo. Saas darteed wuxuu ku soo talogalay inuu magaalada ka hirgeliyo ganacsi oo doomo ganacsi uu ku sameeyo. Waana sababta uu u saantay oo u degaanka uga dhigtay xeebta Calanley, gaar ahaan halka ilaa iyo hada doomaha magaalada Kismaayo lagu sameeyo ee u dhow kawaanka malaayga. (Aw-Cilmi) markuu laaska Kismaayo soo degey oo uu waaqica ka jira uu indhihiisa ku arkay, wuxuu doon ku keenay laaska Kismaayo rag iyo dumar badan oo beesha (Reer Muumin Xaaji) ah. Dabeedna wuxuu rag badan baray xirfadda doomosamaynta. Reer miyiga soomaaliyeed marka ay haamaha iyo dhiilaha ay saabka u samaynayaan, waxay xidido kala soo baxaan geedka sarmaanta. Xididka iyo laamaha dhirtana soomaalidu waa ay yaqaaniin marka dab lagu halaamacoodiyo inay sahlantahay in sahal loo loodiyo. Laakiin laaska Kismaayo intaanu (Imaam Aw-Cilmi) imaan, alwaax la halaamacoodiyo iyo doomo la sameeyo midna lagama aqoon. Walow dadka reer Tanadland ee xeebaha gobalada Nugaal iyo Bari dega ay hido u leeyihiin farsamada doomosamynta oo ay mudo dheer doomaha waaweyn ay samaynjireen.

Baajuunta iyo dadka kale ee reer Tanadland oo kismaayo doomaha ku sameeyaana waxay ka barteen doomosamaynta dadkii ka dhaxlay farsamada (Aw-Cilmi), khaasatan ragii reer (Muumin Xaaji) ee uu (Aw-Cilmi) baray sida doomaha xamuulka qaada ee shiraaca ku socda loo sameeyo. Markuu (Aw-Cilmi) laas kismaayo uu mudo gaaban joogey, oo u laaskii Kismaayood ganacsi ka sameeyey doomihiisuna badeecadaha qaarna dhoofiyaan kuwana ay soo dejiyaan. Masaajidkii xeebta calanley uu ka dhisayna uu noqday meel cilmiga loo soo doonto oo heer kasta oo ay tahay dadka diinta lagu baro, ayaa waxaa aad u faaftay in imaam (Aw-Cilmi) uu yahay shiikh culuunta diinta ku xeel dheer oo meekhaan sare ka gaarey. Markaas ayaa dadka gobalka J/h degan iyo degaamada ku dhow-dhowi waxay bilaabeen, in masaladii la bixinwaayo iyo gartii ku cuslaataba inay yiraahdaan “aynu u tagno xaakin (Aw-Cilmi)”.

Beledka laaska Kismaayo markuu kobcay oo ay noqotay magaalo ganacsigeedu uu ku xiranyahay bad iyo biri, Dadka reer Tanadland ee magaalada Kismaayo deganina ay ku kooban yihiin beesha reer (Muumin Xaaji). Ayaa beesha reer (Muumin Xaaji) waxay u doorteen xaakin (Aw-Cilmi) in uu u noqdo suldaan. Suldaan (Aw-Cilmi) wuxuu ahaa nin qoraa ah, wuxuuna qoray sadex kutub oo ay labo kutub ku saabsanyihiin diinta islaamka. Kutaabka kalana uu ku saabsanyahay taariikhda islaamka iyo xusuus-qor waxyaabihii uu ku soo arkay wadamadii uu soomaray.

Taariikhdii (Axmed “Carab”)

Ganacsade (Axmed “Carab” Suldaan Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi) beel ahaan wuxuu ka dhashay beel ka mid ah labada beelood oo ugu waaweyn beelaha reer (Cali “Khayr”). Beeshaas oo ah beesha (Muuse Cali “Khayr). Reer “khayr” marka 5 oday hoos looga dhaadhacana waa nin (Muumin Aadan) ah. Cida (Muumin Aadan) na wuxuu ka sii yahay beesha reer (Maxamed Muumin). Reer (Maxamed Muumin) na wuxuu ka sii yahay ree (Xaaji Cali Muumin). Reer (Xaaji Cali Muumin) na wuxuu ka sii yahay beesha reer (Muumin Xaaji). Axmed “Carab”) abtirsiinyihiisa marka dib loo raaco ilamaa iyo (Muumin Aadan) kuligood
waa wada “Xaaji, Aw, Muumin iyo Fiqi. Taas waxaa weheliya, ganacsade (Axmed “Carab”) isirkiisa tan iyo laga soo bilaabo (Muumin Aadan) waxay kuligood ahaayeen dad mutacalimiin ah. Ganacsade (Axmed “Carab”) na wuxuu ahaa nin sida aabihiis iyo awooweyaashiis yaraan cilmiga lagu habay.

Mideeda kale, ganacsade (Axmed “Carab”) aabihiis iyo awowgiisba intaan loo dooran isimnimada iyo intay xilka hayeenba waxay ahaayeen niman beecmushteri ah, badeecadaha qaar dhoofiya kuwana soo dejiya oo doomo leh. Axmed “Carab” wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadkii 1919. Axmed “Carab” wuxuu ahaa yaraantiisii nin aad u fahmad badan oo hoodo iyo nasiib leh. Metalan sidaan filahayo badankiinu inaad ka war haysaan, iskoolada gaarka loo leeyahay ee luqadaha carbiga iyo ingiriiska lagu barto oo ku yaala magaalada Xamar intii u dhexaysey 1970 -ka ilaa 1988 -ka waxaa iska lahaa ganacsato reer Tanadland. Tusaale ahaan waxaan garanayaa mar wadada iskuxirta guriga shaqaalaha iyo isgoyska kaasabalbalaare reer Tanadland ay 5 iskool ay ku lahaayeen. Iskoolada luqadaha lagu barto ee magaalada Xamar ku yaala ganacsatada reer Tanadland waxay uga ganacsanjireen hab ka duwan sida umadaha kale ay uga mushtaraan.

Ganacsatada reer Tanadland iskoolada lagu barto luqadaha ee ku yaala magaalada xamar kuligoo waxay ahaayeen guryo filooyin ah oo laami saaran, qolalka ay ka koobanyihiina ay ugu yartahay 4 qol. Lakiin iskoolada soomaalida kale ay leeyihiin waxay u badnaayeen hal ama labo qol oo laami saaran. Iskoolada ay magaalada Xamar ku lahaayeen ganacsatada reer Tanadland, luqadaha lagubarto marka ay hanaqaadaan waxaa lagu siyaadinjirey fasalo xisaabta iyo maadooyinka kale lagu barto. Waxayna u abaabulaayeen oo ay ahaayeen iskaashato macalimiin ah. Mushaarka ay macalimiinta aan iskaashatada ku jirin ee la shaqaaleeyaana waxay qaadanjireen mushaar ka badan. Midka ay qaataan macalimiinta iskoolada dowladda wax ka dhiga. Balse ganacsatada reer Tanadland ee luqadaha lagu barto ku leh magaalada Kismaayo haba yaraadaan’e, waxay magaalada Kismaayo ku lahaanjireen iskoolo ka fac-weyn kuwa xamar ku yaala oo luqaddaha lagu barto.

Markii sanadkii 1943 -ka la aas-aasay ururka SYL (Jaamac “Joocaar”), (Axmed “Carab”) iyo xaakin (Axmed “Garaani”) waxay ka mid ahaayeen 5 -ta nin ee ugu muhiimsan dadka xubnaha ka ah ururka. Xaakin (Axmed “Garaani”) wuxuu ahaa ninkii aas-aasay faraca xisbiga SYL ee gobalka mudug iyo gudoomiyaha xisbiga ee gobalka. Ganacsade (Axmed “Carab”) na wuxuu ahaa aas-aasaha xisbiga SYL ee gobalka J/H iyo gudoomiyaha xisbiga. Ganacsade (Jaamac “Joocaar”) na wuxuu ahaa ganacsadaha ugu mihiimsan ganacsatada xubnaha ka ah ururka SYL, oo hantida ugu deeqa xisbiga lahaana wargeyska keliya ee codka u ahaa xisbiga SYL ee la oranjirey (Etihad Al Sha’ab).

Halgankii Xisbiga SYL Ee Gobalka J/H Iyo Doorkii Uu Ku Lahaa Ganacsade (Axmed “Carab”) :

Ganacsade Axmed “Carab” markuu waxbarashada dugsiga sare uu ka baxay, wuxuu u wareegey dhanka ganacsiga. Wuxuuna abuuray shirkad la yiraahdo (Kuju kuuza nje na kuagiza) oo xarumo ku leh magaalooyinka Kismaayo iyo Mombasa. Shirkad daas oo ka mushtarta soodejinta iyo dhoofinta badeecadaha. Dadka soomaalida ahina ay u yaqiineen shirkadda doomaha laga kireysto ee (Kuju). Ganacsade (Axmed “Carab”) wuxuu lahaa 2 doomood oo waaweyn oo u mid aabihiis (Suldaan Xaaji Maxamuud) uu siiyey midna uu isagu samaystay. Ganacsade (Axmed “Carab”) wuxuu ahaa nin wacyigiisu uu sareeyo. Axmed “Carab” wuxuu ahaa nin gurigiisu uu madxaf yahay oo ay yaalaan buugaag badan oo muhiim ah. Axmed “Carab” sida la sheegay wuxuu qumaati ugu hadlijirey 4 luqadood. Sida (Carabi), (Talyaani), (Ingiriis) iyo (Sawaaxili). Walow ay jirt luqada in sawaaxiliga dadka ganacsatada ah oo aan galtida ahayn ee reer waamo badidoodu inay yaqaaniin. Mideeda kale (Axmed “Carab”) wuxuu ahaa nin qoraa ah oo wargeysyada afka talyaaniga iyo carabiga lagu daabaco wax ku qora. Qaasatan wargeyska afka carabiga lagu daabaco ee (Etihad Al Sha’ab) oo u wax ku qorijirey. Wakiilna uu uga ahaa mulkiilaha
wargeyska magaalada Kismaayo.

Sida igu maqaalo ah, Axmed “Carab” wuxuu ahaa nin codkar ah oo abaabul badan hadalkiisana dadku aysan ka xiisagoyn. Axmed “Carab” intuu ahaa gudoomiyaha ururka SYL wuxuu maqaalo lidi ku ah isticmaarkii talyaaniga uu ku qorijirey wargeysyo ay leeyihiin ganacsato talyaani ah iyo wargeyska (Etihad Al Sha’ab). Wuxuu kaloo qudbado dheer-dheer oo bulshada lagu wacyigelinayo uu ka jeedinjirey xarunta xisbiga SYL ee Magaalada Kismaayo. Wuxuuna bulshada uu gu guubaabinjirey in ay kacdoonsameeyaan hubaysan ay sameeyaan, oo ay gumeysiga dhiigmiiratada ah ee dalkooda haysta ay iska kiciyaan. Axmed “Carab” wuxuu ahaa nin geesi ah oo hal’adayg badan. Waxaana isticmaarkii talyaanigu ay xireen tiro 20 jeer ka badan. Isticmaarkuna markay loodinwaayeen waa ay ka quusteen. Sanadkii 1954 -ka markii soomaalidu ay xukun daaqiliyada qaadatay, Axmed “Carab” waxaa loo doortay gudoomiyihii ugu horeeyey ee magaalada Kismaayo ay yeelato.

Gobalka banaadir walow uu ahaa halka warshadaha iyo bangiyada ugu badan ee ganacsatada gumeystaha talyaanigu ay ku yaaleen, gobalka J/H wuxuu ahaa degaanka labaad dhaqaalaha iyo hantida ugu badan ay ku haystaan. Gobalka J/H wuxuu kaloo ahaa gobalka beeraha ugu badan ay ka fasheen soomaaliya oo u dhaqaalahoodu ku tiirsanaa. Markaasna waxay ahayd mar wadanka talyaaniga oo ka mid ahaa xulufadii naasiga ee dagaalka looga adkaaday ay isdhiibeen, wadanka talyaanigana la bur-buriyey oo iyaga markaas loo ariminahayo. Talyaaniguna waxay ka cabsi qabeen in soomaaliya dagaal looga saaro. Axmed ” Carab) na waa u dareensanaa marxaladda xun ee ay talyaanigu ku jiraan. Marka qoraaladiisa wuxuu ugu sheegijirey talyaaniga inay dan u tahay inuu si nabad ah wadanka uga boxo.

Booqashadii (C/laahi Ciise) iyo (Dr. Axmed Caato Xassan Dayuurad) Ay Ku Yimaadeen Magaalada Kismaayo :-

Sidaad ogsoontihiin taaariikhdu markii ay ahayd (07/01/1948) waxaa magaalada Xamar yimid gudi xaqiiqo raadis ah oo ka socda qaramada midoobey. Ujeedadooduna ay ahayd in dadka soomaaliyeed afti laga qaado, inay rabaan madaxbanaani buuxda amase xukun daaqili. Marka xisbiga SYL waxay go’aansadeen inay wafti u diraan socdaal dheer oo ay ugu gogol xaarayaan shirka qaramada midoobey ee New York. Si ay wakiilada quwadaha waaweyn ee reer galbeedka ay uga dhaadhiciyaan rabitaanka umadda soomaaliyeed ee ah xornimo buuxda inay doonayaan. Marka taariikhdu markii ay ahayd (17/08/1948) waxaa magaalada Kismaayo booqasho hawleed ku yimid gudoomiyaha guud ee xisbiga SYL (C/laahi Ciise Maxamuud) iyo gudoomiye ku xigeenka guud ee xisbiga SYL (Dr. Axmed Caato Xassan Dayuurad).

Waftigaan qorshahoodu wuxuu ahaa inay shir uga qaybgalaan magaalada Baris bilowga bisha oktobe ee 1948. Inta shirka golaha qaramada midoobey ee New York aanay teginna, qorshahoodu wuxuu ahaa inay sii maraan magaalada London (30/10/1948) si ay dowlada ingiriiska ula xaajoodaan.

Jaale (Dr. Axmed Caato Xassan Dayuurad) wuxuu ahaa nin reer Tanadland ah oo ku dhashay magaalada Eyl, kana soo jeeda beesha (Reer Xassan) oo ka mid ah beelaha reer (Ugaas Cismaan) ee dega gobalka Nugaal. Sanadkii 1960 -ka iyo intii ka horeysey soomaaliya waxaa dhif iyo naadir ku ahaa qof PHD haysta oo wax ku soo bartay wadamada afka ingiriiska iyo faransiiska ku hadla. Maadaama dadka wadanka talyaaniga jaamacadihiisa taqasuska PHD -ga ka qaata aysan ilaa iyo hada la heer ahayn dunida kale. Oo taqasuska PHD -da talyaanigu ay la heer tahay taqasuska MS ta. (Dr. Axmed Caato) oo wax ku soo bartay wadanka ingiriiska wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey oo wata takhasuska PHD -da rasmiga ah, oo maamule ka noqda dugsiyada sare ee gobalka banaadir. (Dr. Axmed Caato) wuxuu ku hadlijirey waxna uu ku qorijirey 3 luqadood. Oo kala ah (Carabi), (Ingiriis) iyo (Talyaani). (C/laahi Ciise Maxamuud) na wuxuu ahaa nin beesha (Sacad Siciid) ah oo ku dhashay magaalada afgooye.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos