Taariikhda Magaalada Garoowe “Garowley” Iyo Isbedeladii Ay Soo Martay

Taariikhda Magaalada Garoowe “Garowley” Iyo Isbedeladii Ay Soo Martay

Magaalada Garoowe waageedii hore waxaa la oranjirey (Garowley) waxayna ahaanjirtey degaan u gaar ah oo aan lagu tarixin dadka reer Tanadland, qaasatan beelaha reer Khayr. Sida (Haashim "Cali Khayr"), (Maxamuud "Cali Khayr") iyo (Muuse "Cali Khayr"). Waagii hore magaalada (Garowley) waxay ahaanjirtey sabo aad u qurxoon oo labo tog oo waawey na ay hareeraha ka maraan. Labada tog inta u dhexaysa na ay tahay kaymo jiq ah oo u ka baxo geedka Garow-ga la yiraahdo.

Magaalada Garoowe waageedii hore waxaa la oranjirey (Garowley) waxayna ahaanjirtey degaan u gaar ah oo aan lagu tarixin dadka reer Tanadland, qaasatan beelaha reer Khayr. Sida (Haashim “Cali Khayr”), (Maxamuud “Cali Khayr”) iyo (Muuse “Cali Khayr”). Waagii hore magaalada (Garowley) waxay ahaanjirtey sabo aad u qurxoon oo labo tog oo waawey na ay hareeraha ka maraan. Labada tog inta u dhexaysa na ay tahay kaymo jiq ah oo u ka baxo geedka Garow-ga la yiraahdo. Sabada (Garowley) degitaankeeda beelaha (Reer Khayr) waxay ku saanteen labo waxyaalood.

1) Iyadoodoo u geyiga nugaaleed yahay geyi barwaaqo ah, oo ah geyiga soomaalidu ay degto oo dhan arada ugu togaga badan. Ayaa hadana degsiimada (Garowley) waxay ku taal dal carosan ah. Waayadii hore waxaa u dheeraa damalo waaweyn oo degaanka garowley oo dhan haraynjirey inta yar ee degsiimada ah mooyaane.

2) Hareerahana ay ka maraan labada tog ee kala ah togga (Majo-maqarshe “Toga Garoowe”) iyo togga (Lafo-gurato).

Garowley 2
Togga (Majo-maqarshe) waa togga weyn ee magaalada Garoowe ka mara galbeedka iyo waqooyiga. Togga (Lafo-gurato) na wuxuu magaalada garoowe ka maraa docda koonfur-bari. Degsiimada (Garowley) waagii ay degeen dadka reer Tanadland waxay ku koobnayd xaafadda (Waaberi) oo ah halka magaalada Garoowe ay ka soo askuntay, ilaa iyo hadeerna ah xaafadda ay dadka reer Tanadland ugu badanyihiin xaafadaha magaalada Garoowe. 500 oo Sanadood ka hor (Garowley) waxay ahaanjirtey dhul jiq ah oo ay kaymuhu ku hagooganyihiin, oo xaafadda (Waaberi) oo markaas la deganaa mooyee dhulka intiisa kale aan cad-ceeda la arki karin.

Garowly 3
Waayo danbe oo 200 oo sanadood ka yar, degsiimada (Garowley) waxaa beelaha reer Tanadland la soo degey labo jifo oo beesha harti ah. Jifooyin kaas oo kala ah (Nuur Axmed) iyo (Ciise Maxamuud).
Aradii barwaaqada ahayd ee (Garowley) hartigu markii uu soo degey narsigii baa alle ka qaaday!!. Markii hore aradii dhirtii garowga ahayd baa ka dhamaatay. Markii danbana togii waagii hore la oranjirey (Bad-jiir) ayaa biyo yareeyey, oo noqday toga haatan loo yaqaan toga (Majo-Ma-Qarshe).

Waagii hore intaanu hartigu nala soo degin degsiimada (Garowley) halka ay haatan ku taalo xaafadda (Waaberi) waxaa ku oolijirey, labo harood oo waaweyn oo aysan marna biyuhu ka gurin. Laakiin markii uu togii waagii hore la oranjirey (Bad-jiir) uu biyo yareeyey, harooyinkii xaafadda Waaberi ku oolijirey waxay isu bedeleen ilo-biyeedyo. Ilo-biyoodyadaas oo kala ah (Isha waaberi) iyo (Isha Wadajir). Oo marka uu jiilaalku xumaado mooyee dadka hada magaalada Garoowe ku nooli ay u dabaal tagaan. Waayo danbe markii uu nabaadguur ku dhacay degaankii barwaaqada ahaa ee (Garowley), oo dhirtii garowga ahayd ay ka dhamaatay. Ayaa waxaa dhacday in degaankii magicii laga bedeley oo loo bixiyey (Garoowe).

Beelaha Dega Magaalada Garoowe Iyo Sida Ay U Kala Degaan :-

Beesha Harti magaalada Garoowe waagii hore waxay ka degijirtey xaafadda (Wadajir). Beelaha reer Tanadland na waxay magaalada Garoowe ay ka degijireen xaafadda magaalada Garoowe ugu qadiimsan ee (Waaberi). Laakiin intii bur-burkii ka danbeysey oo ay magaalada Garoowe ay aad u balaaratay waxaa samaysmay xaafado cusub, oo kuligood ka farcamay xaafadaha qadiimka ah ee (Waaberi) iyo (Wadajir). Intooda badanna ahaanjirey waagii hore laamo ka tirsan labada xaafadood ee (Waaberi) iyo (Wadajir). Sida xaafadaha (Hanti-Wadaag), (Horseed), (Hodan), (Bilan) iyo (Kowda Ogoosto).

Guud ahaan dadka reer Tanadland markay ugu yaraadaan shacabka magaalada garoowe ku nool waa 45%. Hartiguna qiyaas ahaan waa 54%. Halka umadaha kale oo dhan oo ay ugu badantahay beesha Raxanweyn
ay isku yihiin qiyaas ahaan 1%. Xaafadaha cusub ee magaalada Garoowe walow laysla dego hadana xaafadaha waa la kala sheegtaa. Oo qolaba xaafad ayey u badantahay.

Isbedelka Cusub Ee Magaalada Garoowe :-

Isbedalka ka dhacay intii isbahaysiga xaaraanta ah ee hartigu uu ku habsadey magaalada garoowe waxaa ugu muhiimsan, jifooyin beesha Habar-majeerteen ah oo waagii hore aan magaalada Garoowe degijin, oo tan iyo waagaas magaalada tartiib-tartiib u soo degayey. Degaan ahaan iyo beecmushteri ahaana uga batay jifada (Nuur Axmed), oo waayadii hore ahaanjirtey beesha 3aad ee ugu badan beelaha dega magaalada Garoowe. Jifooyinka Habar-majeerteen ee magaalada ku soo batay ayaa badankoodu waxay magaalada u soo doonteen shaqo, waxayna shaqooyin ka heleen hay’adaha magaalada degan oo ku kooban beesha Dhebayaco iyo shaqsiyaad faro ku tiris ah oo Hartiga kale ah.

Waxaa kaloo magaalada Garoowe ku soo batay intii uu bur-burku dhacay kedib dadka reer Tanadland oo ku ficiltamaya magaalada. Waxaa kaloo magaalada garoowe ku soobatay meheradaha ay leeyihiin beecmushteriga reer Tanadland, oo nooc walbaba leh. Dhanka awooda dhaqaale marka ay noqoto, reer Tanadland waxaa magaalada Garoowe u taala hanti ka balaaran mida beesha Sacad ay ku leedahay magaalada Gaalkacyo. Metalan cadadka iyo tayada hoteelada beecmushteriga reer Tanadland ay ku leeyihiin magaalada Garoowe wax u dhigma kuma ay laha beesha Sacad magaalada Gaalkacyo.

Dadka reer Tanadland na waxay hada ugu badanyihiin xaafadaha (Waaberi), (Hanti-Wadaag), (Hodan) iyo xaafadda (Horseed) oo waagii hore ahaanjirtey laan ka mid ah xaafadda (Waaberi). Xaafadaha dadka reer Tanadland ay ku badanyihiin ee magaalada garoowe ayaa waxaa aad ugu badan shaqo-la’aanta, iyo dadka camal la’aanta u dhooban suuqyada iyo baararka.

Bedka Magaalada Garoowe ;-

Baaxadda dhulka ay ku fadhido magaalada Garoowe marka loo eego magaalooyinka Bosaso iyo gaalkacyo aad buu u yaryahay. Magaalada Garoowe aniga qiyaastayda xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee (Horumar) iyo (Garsoor) waa’ay ka yartahay. Laakiin magaalada qofkaan indhihiisa ku arag marka uu maqlo xaafadaha badan ee ay magaaladu ka koobantahay, waxaa laga yaabaa qof kaasi inuu u fasirto magaalo aad u balaaran inay Garoowe tahay.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan.

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos