Suldaanka Gobalka Nugaal Oo Booqasho Howleed Ku Tegey Degaamada Bandarbayla Iyo Iskushuban Ee Bariga Tanadland

Dhawaan waxaa socdaal hawleed ku tegey degaamada (Bandarbayla) iyo (Iskushuban) sulldaanka gobolka Nugaal (Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud Abokor).

Dhawaan waxaa socdaal hawleed ku tegey degaamada (Bandarbayla) iyo (Iskushuban) sulldaanka gobolka Nugaal (Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud Abokor). Suldaan (Suldaan Subeyr) ayaa hada wuxuu ku suganyahay gobalka bari mudo bil ah, waxaana la filayaa isaga iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo inay u soo kicitimaan degaamo kale oo ka tirsan gobalka Bari. Socdaalka (Suldaan Subeyr) uu ku tegey degaamada gobalka bariga Tanadland ku yaala, ayaa waxay isugu jiraan arimo badan oo isbiirsaday. Waxaana ugu horeeya ceel-biyood riig ah oo cusub oo magaalada (Mareero) ee degmada Iskushuban laga hirgelinayo. Sidoo kale (Suldaan Subeyr) arinta labaad ee ugu muhiimsan ujeedada socdaalkiisa ayaa waxay tahay, in uu ka qaybgalo munaasibadda caleemosaarka nabaddoon (Abshir Maxamed Axmad). Nabadoon (Abshir Maxamed Axmad) oo aabihiis ka dhaxlay xilka nabaddoonimada ayaa wuxuu ka soo jeedaa laf ka mid ah lafaha beesha (Maxamuud Ugaas Cali”khayr”) ee dagmada Iskushuban. Waxaana nabadoonka dhowaan lagu caleemosaaray magaalada (Mareero).

Suldaan (Suldaan Subeyr) ayaa marka uu socdaalka hawleed uu u soo dhamaado waxaa la filayaa in uu dib ugu soo noqdo qasriga uu ku leeyahay
xaafadda Waaberi ee magaalada Garoowe.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos