Shidaaleyaasha Oo Noqday Ganacsiyada Ugu Macaashka Badan Ee Ay Soomaalidu Ka Mushtarto

Shidaaleyaasha Oo Noqday Ganacsiyada Ugu Macaashka Badan Ee Ay Soomaalidu Ka Mushtarto

Haweeney Reer Tanadland Ah Oo Labo Shidaale Ka Furatay Magaalada (Goma) Ee Wadanka Congo Iyo Labo Qoys Oo Reer Tanadland Oo Magaalada Soo Degey.

Goma City 1
Arar :-

Mudo haatan laga joogo 15 sanadood ayaanu meel xaflad ah waxaanu ku kulanay dad badan oo reer Tanadland ah. Sabaduna waa beledka Nairobi la yiraahdo. Goobtaas waxaanu ku kulanay dad aad tiro badan oo xigaalo iyo sokeeyaba leh. Madasha ragii aanu ku kulanay waxaa ka mid ahaa nin ganacsade weyn ah oo reer Tanadland ah, oo dhawr ganacsi oo kala duwan ku leh wadamada Kenya iyo Tanzania. Khaasatan magaalooyinka labada wadan ee ku hareeraysan harada Victoria sida (Kisumu), (Migori) iyo (Mawanza). Nin kaas waxaan ka waraystay dadka reer Tanadland iyo soomaalida kale ee aradaas ku nool. Warbixintii uu nin kaasi isiiyey waxaaan ku ogaadey inay soomaali badani ay ku nooshahay magaalooyinka (Kisumu), (Migori) iyo (Mawanza). Ganacsiyo wax ku ool ah iyo goobo waxbarashona ay Soomaalidu hal kaas ku leeyihiin. Magaalada dahabka laga qodo ee (Geita) oo Wadanka Tanzania ku taalana hada ay ganacsato Soomaali ah oo qandaraasleyaal ahi ay soo degeen. Khaasatan shirkad nin reer Tanadland ahi uu leeyahay oo katarabiilo, Iska’rogeyaal iyo baabuur gaadiika xambaara leh.

Wuxuu kaloo ii sheegay in magaalada (Migori) ay 4 xaas u deganyihiin ninka ugu taajirsan ganacsatada beesha (Awrtable) ee Kenya, oo u magaalada Mombasa ka soo guurey. Ganacsato beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen ahina ay ku badanyihiin. Waagaas waxaan aad ula fajacay waxa dadka Daaroodka ah dhulkooda ku diray oo ay nolosha laajinimada ah u door bideen.

Goma City
Sanadkaan aynu ku jiro bilowgiisii magaalada (Goma) oo ku taala wadanka Congo, khaasatan daanta galbeed ee harada (Kivu) oo kala barta xuduuda wadamada Rwanda iyo Congo. Waxaa soo degey labo qoys oo reer Tanadland ah, oo magaalada u soo degey hawlo ganacsi. Intaanay labadaas qoys aysan magaalada soo degin, waxaa magaalada laga hirgeliyey labo shidaale. Shidaaleyaashaas oo ay leedahay haweeney reer Tanadland ah oo maalqabeen ah. Labada nin oo ay qoysas koodu magaalada (Goma) soo degeena waxay maamuleyaal ay ka yihiin labada shidaale.

Petro Africa 2
Soomaalida ku nool wadamada bariga afrika oo dhan shidaaleyaashu waa waxa ugu faa’iidada badan ee ay ka mushtaraan. Saas oo ay tahay marka loo eego shidaaleyaasha ku yaala Soomaaliya aad ayey uga qaalisanyihiin. Hadaad rabtid inaad magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo aad shidaale ka furatid. Marka ganacsatada qalabka shidaaleyaasha soo dejiyaa ay qalabka kuu keenaan. Haanta aasiddeeda iyo dhismaha shidaalaha oo airkudhishin leh, markay ugu badato waxay kuugu kacayaan $70,000. Laakiin shidaaleyaasha bariga africa waa qaali. Meelaha muhiimka ah ee ku yaala magaalooyinka waaweyn oo ku haboon shidsaaleyaasha, booska oo keliya qiimihiisu waa inta u dhexaysa $300,000 ilaa $500,000. Qarashka shidaalaha oo dhamina wuxuu kuugu kacayaa $1,000,000.

Faraqa kale oo u dhexeeya shidaaleyaasha Soomaaliya ku yaala iyo shidaaleyaasha wadamada kale ee bariga Afrika ku yaala, waxa weeye bedka ay ku fadhiyaan. Shidaaleyaasha soomaaliya ku yaala baaxadda dhulka ay ku fadhiyaan aad buu u yaryahay. Oo waa labo boos ilaa 3 boos, markay ugu bataana waa 3000SQM. Laakiin shidaaleyaasha ku yaala wadamada kale ee bariga Afrika, bed kooda waxaa ugu yar 3 Acres ama dhul 3 garoon oo kubadda cagta lagu cayaaro baaxad le’eg. Amase dhul baaxaddiisu ay tahay 12140.6 SQM.

Balse magaalada (Goma) oo ka mid ah magaalooyinka bariga Congo oo ay Soomaalidu mudo dheer shidaalka keenijirtey, qiimaha dhismaha shidaaleyaashu aad bay uga jabanyihiin magaalooyinka bariga Africa ku yaala. Labada shidaale ee laga dhisay magaalada (Goma) sanadkaan bilowgiisii ayaa midkiiba waxaa ku baxay qarash ah $500,000.

Petro Africa 3
Iyadoo ay saas tahay, ayaa waxaa jirta in 17 kii sanaddood ee ugu danbeeyey shirkaddaha shidaalka ka ganacsada ee Soomaalidu horukac balaaran ay sameeyeen. Sanadkii 2000 ka ayey ahayd markii ugu horeysey oo shirkad ay soomaaliyi leedahay ay markab kuwa shidaalka qaada ay kireysato, oo ay wadanka Tanzania ay shidaal ka soo dejiso. Shirkad daasina waxay ahayd shirkadda (Petro Africra). Shirkad daasna waxaa ku xigey (Hass Petroleum) oo faraceeda magaalada (Dar es Salaam) uu ku yaalo xaafadda (Kigamboni). Iyadoo ay saas tahay ayaa waxaa jirta in qaabka ay shirkadda (Petro Africra) u ganacsato uu yahay qaab isla-lahaansho “Franchise” ah. Hab kaas isla-lahaanshoha ah ayaa ganacsato farabadan u suurogeliyey in siyaalo farabadan ay uga faa’eedeystaan ka ganacsiga shidaalka.

Metalan marka aad leedahay 4 ama 6 gaari oo booyadaha shidaalka qaada ay saaranyihiin, gawaaridaaduna aysan istaagin oo qandaraas aan kala go’in ay haystaan. Lacag badan ayaa bishii iyo sanadkiiba kuu dhigmaysa. Marka meeshii aad gaadiid kale ka soo iibsanlahayd, waxaa kaaga faa’iido badan inaaad hal shidaale aad furatid. Oo markaas intaad shirkadda (Petro Africra) aad heshiis la geshid aad “Franchise” keeda ka mid noqotid. Markaas ka dib shidaalka gaadiid kaagu u qaado ayaad gadanaysaa oo ad sii gadaysaa. Oo waxaad joojinaysaa in gaadiid kaaga lagaa kireysto oo aad shidaal dad kale leeyahay aad u qaadid. Muhiimadda koobaad ee ganacsigaagana waxaad ka dhigaysaa shidaalka iibsigiisa, raridiisa iyo sii iibintiisa. Dabeedna waxaad u baahantahay hadba marba marka ka danbeeya, inaad hesho gaadiidka shidaalka qaada iyo shidaaleyaal aad ku ganacsatid oo isku dheelitiran.

Booyadaha waaweyn ee bariga Afrika laga isticmaalo ayaa shidaalka ay qaadaan wuxuu joogaa $100,000. Balse ganacsatada hal shidaale wax ka badan ama hal booyad shidaal ka badan iibsada, waxaa jira macaamil lagula dhaqmo oo ka jaban xoogaa. Kuna xiran hadba cadad ka shidaalka aad iibsanaysid inta uu le’egyahay.

Waxaa igu maqaalo ah in marka hada ah shidaaleyaasha ganacsatada reer Tanadland ay ku leeyihiin bariga Afrika, lagaba yaabo inay ka badanyihiin shidaaleyaasha soomaalida kale ay ku leeyihiin bariga Africa oo dhan marka laysku daro. Xawaaraha kobaca dhismaha shidaaleyaasha reer Tanadland ayaa waxaa sabab u ah dhawr arimood oo kala ah.

1) Nooca haamaha shidaaleyaasha ee dhulka la geliyo oo aan bir ahayn, qiimehooduna uu aad u jabanyahay.
2) Shirkadda (Petro Africra) oo marka ay qalabka shidaaleyaasha soo iibsanayso soogadata xadi badan, si looga jebiyo qiimaha.
3) Haamaha shidaaleyaasha oo ay samayso shirkadda (Petro Africra).
4) Shirkadda (Petro Africra) oo leh shaqaale farsamo yaqaaniin ah, gaadiid ka xamuulka qaada ee wiishka leh iyo katarabiilada dhulka lagu qodo.

Arinta kale oo muhiimka ah waxa weeye, laasim waxaa ah marka aad heshiis wax-wadaqabsi aad la gashid shirkadda (Petro Africra). Sumad dooda iyo kalar kooda waa inaad shidaaleyaashaada iyo gaadiid kaaga aad ku buufisaa.

Aalaa meesha suuqa leh ee ku hoon in shidaale laga sameeyo waxaa soo ogaada darawalada gaadiidka xamuulka ee reer Tanadland wada. Haweeneyda reer Tanadland ee magaalada
(Goma) 2-da shidaale ka furatay, oo degan magaalada (Dar es Salaam) ayaan u baahnayn inay hada kedib u safarto wadanka Congo. Maadaama shirkadda (Petro Africra) shaqaalahoodu ay lacagta uga soo uruuriyaan ganacsatada macaamilka la leh shidaaleyaashooda.

Labadaan shidaale oo sanad kaan bilowgiisii laga hirgeliyey magaalada (Goma) ee wadanka Congo, oo ay leedahay haweeney reer Tanadland ah. Oo ka soo jeeda beesha ree (Xaaji Cali Muumin). Ayaa indhowaale’ba dadka reer Tanadland ee ku nool wadamada bariga Afrika ay aad u hadal hayeen. Maadaama wadanka Congo aan horay loogu ogeyn Soomaali ku nool, bal ganacsi warkiisa daayoo!!. Walow magaalooyinka ku yaala bariga dalka Congo oo looga hadlo afka sawaaxiliga, ay Soomaalidu isaga galoobixijireen modo 60 sanaddood ka badan. Oo ay shidaalka iyo badeecado kale ay geynjireen.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos