Reer Tanadland Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Magaalada Kismaayo

Reer Tanadland Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Magaalada Kismaayo

Reer Tanadland Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Magaalada Kismaayo Iyo Shirkadda Dhismaha Ee (Wadani Properties LLC) Oo Daartii Ka Gubatey Booskeedii Daar Dheer Ka Dhisaysa.

Reer Tanadland Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Magaalada Kismaayo Iyo Shirkadda Dhismaha Ee (Wadani Properties LLC)

Sidaan filayo inaad badankiinu ka warhaysaan, taariikhdu markii ay ahayd (02/01/2014) Waxaa ka dhacday magaalada Minneapolis arin masiibo ah. Masiibadaas oo ku dhacday daar dad badan oo soomaaliyeed ay ku noolyihiin. Masiibodaasi waxay ahayd in daar ay leedahay shirkadda (Wadani Properties LLC) ay gubatey. Shilkaas qasaare weyn ayaa ka dhashay waxaana ku dhintay allaha u naxariistee sadexda marxuum ee kala ah, 1) Aamino Faarax, 2) Axmed Faarax iyo 3) Cabdiqani Aadan. Waxaana ku dhaawacmay 14 qofood oo soomaaliyeed. Daarta gubatey oo ku taal xaafadda (Cedar-Riverside) ee dariiqa (516 Cedar Ave) ayaa gebi-ahaanba dabku uu bur-buriyey. Qaraxa dabka dheliyey oo daarta bur-buriyey ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado.

Shirkadda (Wadani Properties LLC) ayaa waxaa iska leh nin reer Tanadland ah oo maalqabeen ah. Iyadoo ay saas tahay, ayaa hadana waxaa jirta sida la sheegay in mulkiilaha shirkadda (Wadani Properties LLC) uu maamulka magaalada Minneapolis ka codsaday, inuu dhulka banaan dhiso si loodhawro bilicda magaalada. Taasoo ah qaynuun caalami ah oo dunida inteeda badan looga dhaqmo. Iyadoo la sheegay in hada mulkiilaha shirkadda (Wadani Properties LLC) loo ogolaaday naqshadda daarta uu doonayo in uu ka dhiso dhulka ku yaal wadada (516 Cedar Ave).

Sawirka Xarunta Shirkadda (Wadani Properties LLC)
Wadani Properties LLC 2
Xarunta Shirkadda (Wadani Properties LLC)
2200 E. Franklin Ave. Ste. 204
Minneapolis, MN 55404

Dhawaan magaalada kismaayo waxaa ka dhacay shir muhiim ah oo ay yeelatay umadda reer Tanadland ee magaalada ku dhaqan. Shirkaas waxaa ka soo qaybgalay gudi ka socdey dadka reer Tanadland ee ku nool xeryaha qaxootiyada ee keenya. Qorshe lagu taakulaynayo dadka reer Tanadland ee xeryaha kenya ka soo laabanaya ayaa shirkaas layskula meeldhigay. Balse qodobka ugu muhiimsan ee ajandaha shirka looga hadlay, wuxuu ahaa in umadda reer Tanadland ee reer waamo ay ka arinsadaan danahood. Sidii qorshe mideysan iyo higsi horumarineed ay u yeelanlahaayeen. Ka qaybgaleyaasha shirka oo dhami waxay isla qireen in umadda reer Tanadland ee ku nool gobalka J/H, ay ka gaabiyeen doorkii dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay gobalka ku lahaanjireen.

Arimaha layslameeldhigay laguna ducaystey waxaa ka mid ah sidii qurbejooga reer Tanadland waamo, loogu dhiirigelinlahaa inay dalkooda ku soo laabtaan oo ay u horumariyaan. Waxyaabaha dadka reer Tanadland ay aadka uga caraysanyihiin waxaa kamid ah, in afartii nin ee ku heshiiyey maamul ku sheegii fashilmay ee Jubaland ninkii reer Tanadland u sixiixay oo ahaa (Cabdiwaaxid Axmed “Carb” Suldaan Xaaji Maxamuud). In beeshiisa xataa hal wasiir aanan la siin oo balanfuryo lagu sameeyey. Dhowaan hadii alle idmo waxaa la filayaa in (Col. Suldaan Xusseen Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi) uu socdaal hawleed dibeda ugu kicitimo. Waxaana la filayaa in uu socdaalkiisa ugu horeeya uu ku gaaro magaalooyinka Nairobi iyo Dubai. Markaasna uu ka sii aado magaalada Atlanta ee cariga maraykanka. Sidaad ogtihiin suldaanku waa nin ganacsade ah oo ganacsatada waaweyn ee soomaaliyeed lagu tiriyo. Sanadkii 1980 -kii Magaalada Atlanta ee wadanka maraykanka waxaa deganaa labo nin oo maalqabeeno ah oo ganacsiyo faraxyobadan ku leh.

Nin wuxuu ahaa (Eng. Jeylaani Xassan “Shufeer” Siciid Shiikhdoon) oo markaas dhowr iyo labaatan maqaayadood lahaa, maqaayadahaas oo ah maqaayadaha looyaqaan (Blimpie -America’s best-dressed sandwich). Markaasna 13 ka mid ahi ay ku yaaleen magaalada Atlanta iyo hareeraheeda. Ninka kale ee maalqabeenka ah oo magaalada Atlanta ganacsiyada ku lihi wuxuu ahaa (Col. Suldaan Xusseen Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi). Oo markaas labo shidaale ku lahaa magaalada Atlanta.

Suldaanku sidookale waa nin degaamo badan, Magaalada Atlanta guri ayuu ku leeyahay. Magaalada Minneapolis na guri ayuu ku leeyahay oo waa u degaan. Magaalada Kismaayo na guri ayuu ku leeyahay oo hada iyo wixii ka danbeeya waxay noqondoontaa degaankiisa rasmiga ah. Laakiin hada ujeedada socdaalkiisa oo dhami wuxuu ku saabsanyahay, inuu dibedjooga reer Tanadland ee reer waamo uu ku soo wareego oo u ka soo dhaadhiciyo sidii ay u fulinlahaayeen hadafka iyo go’aamada umadda. Isaga oo ku guubaabinaya inay xamaamadooda ka qaataan debedaha oo nolosha dagaagnimada ah ee ay ku noolyihiin ay ka baxaan. Sidaas darteed suldaanku wuxuu ku jiraa dadka raca hore ah ee la filayo shadaaftood dibedaha inay ka soo aruursadaan. Dalkooda iyo dadkoodana ay ku bilaan waxay ku tarikaraan oo dhan.

Taariikhda Magaalada Kismaayo Iyo Umadda reer Tanadland: –

Dad badan oo shirka Kismaayo ka soo qaybgalay waxay xuseen ganacsatadii reer Tanadland ee magaalada Kismaayo aas-aasay. Sida (Bashiir Maxamuud Diiriye “Bashiir Qoslahaye” oo ahaanjirey mudo dheer ninka magaalooyinka (Marka) iyo (kismaayo) ugu hantida badan. Sidaynu ognahay magaalada Kismaayo waxy magaalo noqotay sanadkii 1894-tii. Intii ka horeysey waqtigaas magaalada Kismaayo waxay ahayd tuulo reermiyigu barqadii xoolaha, caanaha iyo subaga ay u soo iibgeystaan, muraadka ay magaalada u yimaadeen marka ay ka fushadaana ay casar dheer ka caraabaan. Tuulada Kismaayo waagaas waxay ahayd koonfurta xaafadda Calanley ee ku teedsan xeebta Kismaayo.

Sanadkii 1894-tii hantiile Bashiir “Qoslahaye” wuxuu ahaa ninkii magaaleeyey magaalada kismaayo oo hoteelka labada dabaq ah ee (Hotel Loolan) ka dhisay. Si dadka reermiyiga ah ee tuulada Kismaayo nolosheedu ay ku tiirsanayd ay magaalada ugu negaadaan, oo ay u seexdaan ugana cunteeyaan. Hoteelkii ugu horeeyey ee lagadhiso magaalada Kismaayo waxaa la dhisay sanadkii 1894 -tii. Waana heteelka caanka ah ee (Hotel Loolan) oo ku yaala bartamaha xaafadda Calanley. Markii uu hoteelka dhisay Bashiir “Qoslahaye” na waxaa laga joogaa 120 sano. Bashiir Maxamuud Diiriye “Bashiir Qoslahaye” wuxuu ku dhashay magaalada marka ee gobalka SH/H. Beel ahaana wuxuu ka dhashay beesha (Maxamuud Cali). Aabihiisna wuxuu ahaa nin naaquude ah oo doomo leh.

Taariikhda reer Tanadland ay ku leeyihiin magaalada kismaayo wax yar hadaan ka iraahdo. Magaalada kismaayo intii ay tuulada ahayd Daaroodku waa u ku yaraa. Dadka tuulada kismaayo deganina waxay u badnaayeen beelaha miyiga tuulada kismaayo u dhow-dhow degan Siiba beelaha (Gaaljecel), (Biyamaal) iyo (Shiikhaal). Isimkii ugu horeeyey ee tuulada kismaayo lagu caleemosaaro waxaa la doortay 1806 -dii, Wuxuuna ahaa (Suldaan Aw-Cilmi). Laakiin suldaanka beel gaar ahi maysan dooran ee beelihii tuulada deganaa oo dhan baa doortay. Dadka reer Tanadland ee tuulada Kismaayo degan waagaas waxay ahaayeen ganacsato. Aw-Cilmi na waxaa ganacsiga u weheliyey wuxuu ahaa wadaad caalim ah oo tuulada Kismaayo masaajidkeeda imaam ka ah. Reer Tanadland beelaha (Gaaljecel), (Biyamaal) iyo (Shiikhaal) waxaa ka dhexeeya isbahaysi soojireen ah oo aad u qoto dheer. Taasoo suurogelisey in magaalada Kismaayo ay ku lahaanjireen mudo dheer hal isim oo beelahaas oo dhan ka dhexeeya.

Sanadkii 1944 bilowgeedii markii magaalada Kismaayo laga aas-aasay ururkii gobanimo doonka ahaa ee SYL. Xubnaha ururku waxay gudoomiyaha guud ee ururka SYL ay u doorteen in uu noqdo (Axmed “Carab” Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi). Sanadkii 1954 -kii makii gobanimada nusqaanka ah la helay, Gudoomiyihii ugu horeeyey ee ay magaalada Kismaayo yeelato waxaa loo doortay ganacsade/halgamaa (Axmed “Carb” Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi). Xilkaas oo uu hayey Axmed “Carab” tan iyo markii uu dalku xornimo buuxda qaatay sanadkii 1960 -kii.

Beelaha reer Tanadland waxay leeyihiin dhaqan soojireena oo laysku tixgeliyo. Ugaaska reer Tanadland marka uu la shiro beel hoosaaddiisa (Muumin Aadan) oo ay go’aan cidu qaadato, waxaa dhaqan ahaanjirtey in uu yiraahdo beesha ree (Cali Muumin) duceeya idinkaa karaamadii reerka badankeedii noohayee”. Ugaasku marka ay dhacdo in uu gaar ulashiro reer (Maxamed Muumin) talada ay goostaan waxaa ku duceeya la oranjirey beesha (Bihni Biciidyahan). Ugaasku marka uu la shiro beesha reer (Xaaji Cali) na go’aanka la qaato wuxuu inooguduceeya oranjirey beesha (Muumin Xaaji). Sababta oo ay tahay beesha reer (Muumin Xaaji) waa reer karaamo siyaado ah inay leeyihiin lagu tixgeliyo. Waa reerka keliya ee beelaha reer Tanadland afar muumin ku abtirsada oo isxiga. (Muumin Xaaji), (Cali Muumin), (Maxamed Muumin), (Muumin Aadan).

Taariikhdii Maalqabeen (Axmed Kamtiirey Aw- Maxamed Liibaan) :

Dadka reer Tanadland waa dad aad iyo aad u tayo badan oo fir-fircoon, dadka reer Tanadland ee gobalka J/H na fir-fircoonida umadda reer Tanadland lagu yaqaaan kama ay marna. Ninka umadda reer Tanadland ee gobalka jubada hoose ugu waxqabadka badan, inta nool iyo inta mootanba sidaad ogtihiin waa nin beesha reer (Xaaji Cumar) ah. Saciim (Axmed Kamtiirey Aw – Maxamed Liibaan) wuxuu ahaa ninka ganacsatada gobolka J/H ugu beeraha badan waqtigii gumeysigu uu dalka haystey, iyo intii gobanimada ka danbeyseyba. Aalaa dadka reer Tanadland (kamtiirey) iyo (Bashiir “Qoslahaye”) naynaasta waxba looguma daro. Sababta oo ay tahay qof kasta oo reer Tanadland ahi Taariikhdooda iyo ina’ayahooda waa u yaqaan.

Maalqabeen (Axmed Kamtiirey Aw- Maxamed Liibaan) dadka reer Tanadland ee waamo waa u ka duwanyahay, wuxuuna uga duwanyahay waa ninka magaalada (Kamtiirey) ee uu aas-aasay loogu magacdaray. Magaalada (Kamtiirey) oo ka tirsan degmada (Jamaame) ee gobalka J/Hoose waxaa aas-aasay (Axmed Kamtiirey Aw- Maxamed Liibaan). Axmed “Kamtiirey” wuxuu umadda reer Tanadland ee J/h uu u ahaa udubdhexaad. Wuxuu ahaa ninka beeshiisa ugu hantida badan uguna deeqsisan. Wuxuu kaloo ahaa nin madaale ah oo aad u abaabul badan. Umadda reer Tanadland ee waamo waxay lahaanjireen mudo dheer hantidhawr guud. Ganacsatada reerka ayaana qaraamaadka si joogtaa isaga ururinjirey. Ruux reer Tanadland ah hadii uu gaari xamuul ah ka gadoomo am mehered uu lahaa ay waxyeelo ka gaarto, Ama ay dooni badeeco ugu rarnayd ay kaladegto. Qofkaas waa la xoolaynjirey waxaana lagu taakulaynjirey kaydka loogutalagaly in arimahaas lagu fuliyo.

Aalaa waxaa dhicijirtey hadii uu qof reer Tanadland ahi yimaado magaalada Kismaayo, oo uusan wax qaraabo iyo ehel ah toona aysan magaalada u deganayn. Islamarkaasna uusan wax dhaqaale ah haysan. Waxaa lagu oranjirey suldaanka ma’utagtay oo ma soo salaantay?. Haduu markaas qofku uu yiraahdo maya weli isma anaan arag?. Qofkaas waxaa lagulatalinjirey in uu suldaankiisa u tago oo uu soo salaamo. Qofkaasi marka uu suldaanka u tago haduu xoolo u baahanyahay waa loo xoologoynjirey. Haduu socdaal yahayna wax uu ku dhoofo iyo jiscin baa laysagu darijirey.

Waxaan garanayaa shir ka dhacay magaalada mareerey beerta ugu weyn, oo u leeyahay maareeyaha wershadda sonkorta ee mareerey (Dr. Axmed Khaliif Cabdile “Axmed Shaati Cade”). Shirkaasi wuxuu ahaa shir arimo ganacsi ku saabsan. Markab shidaal sida oo nin (Reer Faarax) ah u raran iyo arimo kale looga hadlayey. Tujaartii reer Tanadland ee waamo oo dhami shirkaas waa ay ku dhamaayeen, waxaa kaloo ka soo qaybgalay shirkaas duqii magaalada kismaayo (Eng. Cabdi Warfaa). Waxaa kaloo shirkaas ka soo qaybgalay dhawr sargaal oo u gaashaanle ugu hooseeyo. Waxaana ka xusikaraa taliyihii dugsiga tababarka ciidamada ee magaalada Kismaayo. 1) G/sare Faarax Xaaji Salaad, 2. G/sare C/casiis Caaqil Xuseen Cali Ciise. Waxaan kaloo shirkaas kula kulmay afar sarkaal oo walaalo ah oo uu gaashaanle darajadooda ugu hooseeyo. Oo u dhaly (Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi). Ninka ugu dada weynina wuxuu ahaa (G/sare. Suldaan Xusseen Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi) oo aabihiis shirka uga wakiil ahaa.

Shirkaas xalladda uu lahaa, tolkay siday u dadaalahayaan iyo hanaanka ay u wadashaqaynayaan qashuuc dartiis xaada ayaa i istaagtey. Ganacsatadu markay muraadkoodii fushadeen, ayaa durba waxaa la gudogalay arimihii yar-yaraa ee beesha oo waxkaqabashada u baahnaa. Shirka waxaa noofuray oo dawguu lahaa qaadsiiyey ganacsade (Xaaji Axmed Afmagad), wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyey nin marka uu hadlo ay tolkiis wada dhoolacadeeyaan kalsoonida ay ku qabaan iyo siday ugu hanweynyihiin darteed. Nin kaasina wuxuu ahaa ganacsade Axmed “Kamtiirey”.

Raga nin walba miisaan gooniya buu tolkiisa ku dhexleeyahay, ragu waa u kala waxqabad badanyahay oo u kala abaabul iyo waxtar badanyahay. Dhan kasta oo laga eegaba Axmed “Kamtiirey” wuxuu u ahaa umaddiisa hormuud waxtarbadan oo ay ku hirtaan. Dadaalka uu wado (G/sare. Suldaan Xusseen) ujeedadiisu waa in umadda reer Tanadland ee waamo ay is abaabulaan, lana meelmariyo qorsheyaasha umaddu ay qorshaysatay.

Shirka waxaa noofuray oo dawguu lahaa qaadsiiyey ganacsade (Xaaji Axmed Afmagad), wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyey nin marka uu hadlo ay tolkiis wada dhoolacadeeyaan kalsoonida ay ku qabaan iyo siday ugu hanweynyihiin darteed. Nin kaasina wuxuu ahaa ganacsade Axmed “Kamtiirey”.
. By:Saxardiid

Hadaan u soonoqdo shirkii reer Tanadland ee dhowaan magaalada Kismaayo ku qabsoomay waxaa la qaatay halhayskii (Bashiir “Qoslahaye”) ee ahaa loolan. Bashiir “Qoslahaye” wuxuu ahaa nin aad u waxqabad badan oo hanti badan ku tabcay magaalooyinka waaweyn ee koonfurta soomaaliya oo dhan sida (Marka), (Xamar), (Kismaayo) iyo (Baydhabo). Marka Bashiir “Qoslahaye” qof ay isyaqaanaan ay isarkaan oo lagu yiraahdo ” War bashiir bal waran?”, Bashiir “Qoslahaye” wuxuu oranjirey oo halhays u ahyd “Loolan baan ku jiraa oo xaalkayga lagama sheekaynkaro”. Shirkii magaalada kismaayo ka dhacay muhiimaddiisu waxay ahayd sidii loowajihilahaa loolanka ka socda magaalada Kismaayo. Sidaad ogtihiin mulkiilaha cusub ee (Hotel Loolan) waa nin maalqabeen weyn ah oo cida (Reer Xaaji Cali) ah. Hadana wuxuu ku suganyahay magaalada Kismaayo. Wuxuuna shirka ka sheegay in uu hoteelka bur-burinayo. Uuna rabo in uu halkaas ka dhiso daarta soomaaliya ugu dheer oo uu sheegay inay noqondoonto (Hotel Loolan).

Daartii Shirkadda (Wadani Properties LLC) Oo Dib Loo Dhisayo:

Sidaan filayo inaad badankiinu ka warhaysaan, taariikhdu markii ay ahayd (02/01/2014) waxaa ka dhacday magaalada Minneapolis arin masiibo ah. Masiibadaas oo ku dhacday daar dad badan oo soomaaliyeed ay ku noolyihiin. Masiibodaasi waxay ahayd in daar ay leedahay shirkadda (Wadani Properties LLC) ay gubatey. Shilkaas qasaare weyn ayaa ka dhashay waxaana ku dhintay allaha u naxariistee sadexda marxuum ee kala ah, 1) Aamino Faarax, 2) Axmed Faarax iyo 3) Cabdiqani Aadan. Waxaana ku dhaawacmay 14 qofood oo soomaaliyeed. Daarta gubatey oo ku taal xaafadda (Cedar-Riverside) ee dariiqa (516 Cedar Ave) ayaa gebi-ahaanba dabku uu bur-buriyey. Qaraxa dabka dheliyey oo daarta bur-buriyey ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado. Daarta gubatey ayaa waxay ka koobnayd labo qaybood oo sare oo la deganyahay iyo qaybta hoose oo ahayd suuq-yare (Utanga) la yiraahdo.

Shirkadda (Wadani Properties LLC) ayaa waxaa iska leh nin reer Tanadland ah oo maalqabeen ah. Iyadoo ay saas tahay ayaa hadana waxaa jirta sida la sheegay in mulkiilaha shirkadda (Wadani Properties LLC), uu maamulka magaalada Minneapolis ka codsaday inuu dhulka banaan dhiso. Si loodhawro bilicda magaalada. Taasoo ah qaynuun caalami ah oo dunida inteeda badan looga dhaqmo. Iyadoo la sheegay in hada mulkiilaha shirkadda (Wadani Properties LLC) loo ogolaaday naqshadda daarta uu doonayo in uu ka dhiso dhulka ku yaal wadada (516 Cedar Ave).

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan.

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos