Maxaad Kala Socotaa Degmada Ugu Khayraadka Badan Gobalka Xariir Ee Halabooqad?

Maxaad Kala Socotaa Degmada Ugu Khayraadka Badan Gobalka Xariir  Ee Halabooqad?

Magaalada Halabooqad waxay leedahay, dugsi H/DH, dugsi sare, dugsi farsamada gacanta ah iyo labo iskuul oo xanaanoda caruurta ah. Waxay kaloo leedahay 2 suuq oo laga adeegto. Kawaan casri ah oo xoolaha lagu qalo iyo suuq hilibka lagu gado.

Magaalada Halabookhad 10
Degmada Halabooqad waxaa lagu tiriyaa inay tahay degmada ugu qayraadka badan degmooyinka ku yaala gobalada dhexe oo dhan. Degmada Halabooqad waxaa caasimad u ah magaalada Halabooqad. Magaalada Halabooqad waxay magaalada Gaalkacyo ay uga beegantahay 12KM dhanka waqooyi, waxaana mara wadada laamiga ah ee loo yaqaan (Wadada Halabooqad). Degmada halabooqad waxaa hoosyimaada degaamada magaalada Gaalkacyo waqooyi ka xiga oo dhan, ilamaa iyo inta laga gaaro degmada Daarasalaam.

Magaalada Halabookhad 11
Magaalada Halabooqad waxaa lagu tiriyaa magaalo ka mid ah magaalooyinka ay gaarka u leedahay beesha (Maalismoge), oo ka mid ah beelaha reer Tanadland ee koonfureed. Shacbiweynaha reer Tanadland ee ku nool magaalada Halabooqad qiyaas ahaan waa 50,000. Guud ahaan shacabka magaalada Halabooqad ku noolna waa 61200 oo qofood. Sababta oo ay taha magaalada waxaa ku nool 1200 oo qofood oo koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay.

Halabookhad 5
Magaalada Halabooqad waxay leedahay, dugsi H/DH, dugsi sare, dugsi farsamada gacanta ah iyo labo iskuul oo xanaanoda caruurta ah. Waxay kaloo leedahay 2 suuq oo laga adeegto. Kawaan casri ah
oo xoolaha lagu qalo iyo suuq hilibka lagu gado.

Magaalada Halabookhad 2
Degaamada degmada Halabooqad oo ah dhul hodan ku ah biyaha iyo beeraha, walow weli sidii la rabey aan looga faa’iideysan oo dadka reer Tanadland aysan maalgelin ku samayn. Taariikdu markii ay ahayd 1972 -kii ayaa dowladdii kacaanka ahayd waxay gobalka mudug ay u soo dirtay, khubaro uu hogaaminayo (Dr. Siciid Xaakin Axmed Karaani). Khubaradaasi waxay wateen labo gaari oo riigaga ceelasha lagu qodo ay saaranyihiin iyo 4 gaari oo xamuul ah. Iyo gaari nooca raaxada ah ee looyaqaan 4WD oo marshedis ah.

Magaalada Halabookhad 9
Waagaas (Dr. Siciid Xaakin Axmed Karaani) wuxuu ahaa maareeyaha wakaaladda biyaha. Ujeedada uu gobalka mudug u yimidna waxay ahayd in uu magaalada Gaalkacyo oo biyo fiican laga waayey uu ceelal riig ah uu ka qodo. Degaamada baadiyaha ahna uu ceelal riigag ah ka qodo hadba sida loogu kala baahi badanyahay. Weliba muhiimadda ugu weyn ee socdaalkiisu waxay ahayd in ceelal biyahoodu ay tayo wanaagsan leeyihiin laga qodo xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Halabookhad 15
Waayadii hore ilaa iyo hadeer taanba waxaa jirtey in ceelasha dadka guryahooda ugu dhex yaala in biyahoodu ay adagyihiin oo aysan fiicnayn. Qubaradii wakaaladda biyuhu 2 ceel oo tijaabo ah ayey waxay ka bilaabeen magaalooyinka gaalkacyo iyo Halabooqad. Markaas ayaa waxaa dhacday arin mucjiso ah. Magaalada Gaalkacyo ceelkii laga qoday 380 M markii la qoday ayaa waxaa la gaarey biyo badan oo wiyeer ah oo culus. Magaalada Halabooqad na markii 8M la qoday ayaa waxaa loo dhacay biyo dhadhan wanaagsan oo xareed oo kale ah. Khubarada Wakaaladda biyuhu waxay wateen riigag maraykanka laga keenay oo iskadaa biyee ceelal badrool lagu qodikaro. Oo loogu talogalay degaamada saxaraha ah inay biyo ka soo saaraan.

Halabookhad 2
Khubaradii wakaalada biyuhu markii ay biyo badan ka heleen meesha uu hada ku yaalo ceelkii dowlada ee Halabooqad, oo ay biyo gaareen markii ay qodeen 8M. Ayey ceelkii waxay geliyeen qalab Sona ah oo sheegaya masaafada dhan walba ah ee ay biyuhu ku fadhiyaan. Baaritaan kaas waxaa lagu ogaadey in magaalada Halabooqad ay ka hoosayso haro biyood aad u baaxad weyn. Markaas ayaa khubaradii wakaaladda biyuhu waxay ku taliyeen, qorshe ah in magaalada Halabooqad tuubooyin waaweyn la geliyo oo magaalada Gaalkacyo la gaarsiiyo. Qorshihii khubarada wakaaladda biyaha waxaa ka horyimid oo diidey beelaha reer Tanadland. Oo sheegay in qayraad kooda dabiiciga ah inaysan ogolayn in cid kale ay la wadaagto.

Hadaba Khayraad Kaas Dabiiciga Ah Sidee Ayey Dadka Reer Tanadland Uga Faa’iideystaan:

Halabookhad 1
Magaalada Halabooqad waxay ku caantahay beerashada dalagyada kala duwan ee ay ka mid yihiin, Saytuunka, Canbaha, Liin Dhanaanta, Liin babeelmada, Liima Ugunjida, Avocado-da, Babaayga, Qaraha iyo qudaarta noocyadeeda kal duwan. Magaalada Halabooqad waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horeeyey gobalka Xariir oo biyogelinta laga hirgeliyo, intii u dhexayse 1995-tii ilaa 1998. Walow ay weli jiraan dad ay guryaha ugu dhex-yaalaan ceelal 4m ah oo biyo macaan.

Gebagebo:-

Magaalada Halabookhad 14
Degmada Halabooqad iyo degaamada kale ee hoos yimaada waa degaamo biyuhu ay ka dhowyihiin oo ceelgaab ah, kuna wanaagsan beerashada dalagyada kala gedisan. Balse waxaa nasiibdaro weyn iyo wax lala yaabo ah, in ilaa iyo hada uusan jirin hal qof oo keliya oo reer Tanadland ah. Oo inta cagaf-cagaf iyo mashiinada beeraha lagu falo inta soo iibsaday, beero waaweyn oo 400 oo Acre ilaa 700 oo Acre ah degmada Halabooqad ka hirgeliyey.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan.

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos