Maleeshiyada Soodegey Buurta Sanguduud Oo Xasuuq Iyo Dhac Ba’an Ku Haya Beesha Sacad

Maleeshiyada Soodegey Buurta Sanguduud Oo Xasuuq Iyo Dhac Ba’an Ku Haya Beesha Sacad

Ciidan kaan yarkaa oo 100 ka nin ah ayaa reermiyiga beesha Sacad kadeedey, oo biyaha balida iyo togaga ku jira ka hor istaageen. Dhawaanahaan oo dhanna xoolaha ka soo dhacahayeen beesha Sacad. Maadaama beesha Sacad Ciidamadii difaacilahaa ay ku maqanyihiin magaalada Cadaado oo u Xaaf ka kaxaystay!!.

Shalay subaxnimadii hore, beesha Sacad waxay dagaal yar oo arbushaad ah ay ku qaadeen labo aag. Aagag gaas oo kala ah ciidamada fadhiya buurta (Sanguduud) dhaladeeda. Oo meeshaas loo geeyey inay reermiyiga beesha Sacad ay ka qixiyaan degaamadooda. Aaga kale oo beesha Sacad ay weerarka arbushaada ah ay ku qaaday waxa weeye ceelka Godad. Beesha Sacad weerarka xoogiisa waxay ku qaaday maleeshiyada weerarada joogtada ah reermiyigooda ku haya ee fadhiya buurta Sanguduud bakaddeeda.

Meesha lagu dagaalamay oo ah degaan reer Tanadland ay leeyihiin, oo koonfur bari uga beegan ceelka (Gacnofale). Qiyaas ahaana u jirta ceelka (Gacnofale) masaafo 12km ah. Harada (Dhextaal Camayyeed) daanta bari ee (Sarmaanley), waxaa isku urursaday rag aad u hubaysan oo 300 oo nin ah oo reer Tanadland ah. Laasaha (Doorshaanle) iyo (Qaydare) oo geelasha badankoodu ay joogaana, ciidan reer Tanadland ah oo 250 nin ah ayaa ku sugan. Ciidamada beesha reer (Ugaas Cismaan) oo fadhiya daanta bari ee (Dhextaal Camayyeed), ayaa ilaalo ka haya geelasha reer Tanadland ee faraha badan oo dur-duuranaya togaga iyo baliyada hodanka ah ee Dhextaal-camayyeed. Maadaama ay filahayeen in goor ay noqotaba, beesha Sacad intay weerar soo qaado oo ay dhanka Bitaale uga timaado. Ay soo weerari doonto maleeshiyada yar oo fadhiya buurta Sanguduud dhaladeeda. Marka ay maleeshiyada mahabarka ah intooda badan ay laayaanna, firxad kooda dhanka kaliya ee u furan inuu u baxsado. Waa inay buurta dhanka bari uga daataan oo ay harada soo dhex galaan.

Harada (Dhextaal Camayyeed) waa haro aad u qurux badan oo bartankeeda ay ku taalo buur aad u weyn, oo la yiraahdo Dhextaal-Camayyeed. Buurta dhaladeeda na waxaa ku yaala dhir waaweyn oo toomo ah. Buurta (Dhextaal Camayyeed) hareeraha dhanka bari iyo galbeed waxaa ka xiga durduro iyo togag waaweyn. Dhinacyadana waxaa uga teedsan buuro dhaadheer. Harada (Dhextaal Camayyeed) buuraha docda galbeed uga teedsan waxaa ka mid ah buuraha (Dameer Cad) iyo (San guduud). Dhanka bari na waxaa uga teedsan buuraha (Sarmaanley) iyo (Qar-qoora Dheer). Waana haro hodan ah oo abaar kasta oo dhacda dooga iyo biyuhu aysan ka idlaan.

Beesha Sacad waxaa haysata masiibo aysan xamilikarin oo abaar ah. Degaamada beesha Sacad mudo sadex sanaddood ah iyadoo uusan wax roob ihi ka di’in. Ayaa intaas waxaa u weheliya dayrta hada lagu jiro oo xoogaa shuux ah mooyaane, degaamada beesha Sacad wax roob ahi uusan ku hoorin. Dad badan ayaa waxay aaminsanyihiin in beesha Sacad mudo aan fogeyn ay ku qasbanyihiin inay gobalka Mudug ay ka qaxaan oo ay isaga haajiraan. Maadaama aysan nolol ku haysan oo ay abaarta 3 sanaddood jirsatey ay xoolihii uga dhamaadeen. Walow ay jirto in ardhawaale ay si tartiib-tartiib ah reer miyigoodu ay gobalka uga haajirayeen. kedib markii xoolihii ay ka dhamaadeen oo baad iyo biyo ay u waayeen.

Masiibada kale oo beesha Sacad haysata waxa weeye talo xumo, oo waxaa alle uu ku saladay dad waxmagarato ah oo dad kooda ah oo nolol iyo nabad u diidey. Labo maalmood ka hor, ciidamada reer Tanadland ee fariisinkoodu uu yahay magaalada (Teerage), sahankoodu waxay ku toogteen labo nin oo Sacad ah inta u dhexaysa Teerage iyo Bandiiradley. Labadaan nin ayaa waxay wateen geel macaluul u baqtiyey oo ay sartu ku dhegantahay.

Dagaalkii gardarada ahaa oo ay beesha Sacad ku soo qaaday galbeedka xaafadda Garsoor markii lagu jebiyey oo uu dhamaaday. Beelaha (Cismaan yuusuf) iyo (Maalismoge) waxay saldhigyo ciidan ay ka sameeyeen oo ay ciidan xoog leh dejiyeen, magaalooyinka (Saaxqurun) Iyo (Teerage). Ujeedada ciidamadaas halkaas looguu ururiyeyna waxay ahayd. Maadaama la ogaa marka jiilaalku uu ku xumaado beesha Sacad inay xoolahooda ula soo cararayaan dhulka barwaaqada ah ee (Saaxkhurun) iyo (Teerage). Maadaama uu Sacad kibrey oo u gaarey heer uu anaga shanta nala soo galo. Reer miyigoodu marka ay laamiga ka soo talaabaan in la laayo. Hadii ay nimanku weerar soo qaadaana in si fiican loo karbaasho oo tuulada Bandiiradley laga qabsado.

Balse maadaama reermiyiga beesha Sacad ay yihiin dad silicsan oo abaari ay dabada ka eryeyso, tan iyo markii la soo dejiyey ciidanka reer Tanadland (Saaxkhurun) iyo (Teerage) bartamihii sanadkii 2016 -ka. Ciidamada reer Tanadland waxay dileen rag xayn ah oo xoolodhaqato ah oo xadka ka soo talaabay. Laakiin dagaalada ka socdey dhawaanahaan bariga Gobalka Mudug iyo kuwa la filayo inay ka dhacaan mudooyinka soo socda. Waa siyaasad qoto dheer oo beesha Sacad looga sifaynahayo bariga gobalka Mudug. Ayna soo abaabushey beesha Habar-majeerteen oo ku talo gashay inay naf iyo maal u hurto sidii loo fulinlahaa qorshehaas.

Sababta Iyo Qorshaha Beesha Sacad Bariga Gobalka Mudug Looga Sifaynahayo :

Sidaad ogsoontihiin, beesha Sacad degaamo farobadan bay ku leedahay bariga gobalka Mudug oo ka tirsan degmada Jiriiban. Weliba intaas waxaa weheliya, ceelasha ku yaala dooxada hodanka ah ee Golol kuligood waxaa wada leh beelaha Sacad iyo (Cismaan Yuusuf). Beesha Habar-majeerteen waxay ku lahaanjirtey hal ceel oo keliya waagii hore Golol. Ceel kaasna waxaa qoday nin Gumasoor ah. Waana ceelkii Habar-majeerteen lagu xifaalaynjirey oo la oranjirey (Af-gumasoorley) intaan dowladdu aysan magaca ka bedelin. Oo aysan u bxin magaca cusub oo hada loo yaqaan ee ah (Af-barwaaqo). Isagiina saad la socotaan jifada reer (Nimcaale) baa ka qaaday oo hada yeeshay.

Degaamada Bariga Gobalka Mudug Sida Loo Kala Leeyahay :-

Degaamada Reer Tanadland:

Aan ka bilaabo tuulooyinka ku teedsan wadada wadaagsin ee u dhexeeya Gaalkacyo iyo Seemade. Ceelka Goddad oo magaalada Gaalkacyo u jira 25km waxaa weligeed wada lahaanjirey Sacad, (Cimaan Yuusuf) iyo looboge. Oo ceelal laaso ah oo qadiim ah oo ay xooluhu ka cabaan ku leh. Wadada wadaagsin tuulada Goddad ku soo xigta waa ceelka (Gacnofale). Ceelka (Gacnofale) oo ah ceelasha ku yaala gobalka Mudug ceelka ugu qadiimsan uguna baaca dheer marka ay qoton dheerida noqoto. Ceelka Gacnofale wuxuu ku yaalaa meel dooxo ah oo ay ku hareeraysanyihiin kaymo hadi iyo dhegweyn u badan. Waxaana iska leh beesha (Cismaan yuusuf). Gacnofale tuulada ka xigta dhanka jiriiban waa tuulada iyo ceelka qadiimka ah ee (Ceel Bardaale). Ceelka (Ceel Bardaale) maadaama uu ku yaalo cirifka waqooyi ee dooxada golol waa ceel hareeraha ay ka xigaan toomo Dhegweyn, Hadi iyo bardeyaal ah. Waxaana iska leh beelaha (Muumin Aadan), (Fiqi-Ismaaciil) iyo (Maalismoge).

Tuulada (Bali-Busle) waxay ku taalaa meel kala barta deegaanta looyaqaan caduun iyo ciid. Tuulada Bali-busle dagaamada waqooyiga ka xiga ee u dhexeeya Buurtinle iyo Bali-busle waa ciid qurxoon oo guduudan, sida degaamada ciidka meelaha qaarkoodna waxaaba ka baxa yicib iyo geed gaab oo dhan. Dhanka koonfur tuulada Bali-busle 20km markaad uga baxdo waxaad galaysaa dooxada Golol. Dhanka barina ilaa aad ka gaartid xeebta bari ee gobalka mudug na waa dhul caro-cun ah. Oo riig mooyee aan ku haboonayn in ceelal laga qoto. Daaqsintana aan ku wanaagsanayn oo geel iyo ari toona dhaqashadiisa aan ku haboonayn.

Tuulada Bali-busle waxaa bartankeeda mara wadada wadaagsin, riiga dadka iyo xooluhu ay ka cabaana wuxuu uga yaalaa tuulada dhanka bari. Tuulada Bali-busle oo kala barta degaamada Habar-majeerteen iyo reer Tanadland. Tuulada Balibusle wadada wadaagsin daaraha uga teedsan koonfur iyo degaankaba waxaa iska leh beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge). Bali-busle wadada wadaagsin dhanka xiga buurtinle na waxaa shirko ku ah, 5 lafood oo beesha Habar-majeerteen ah sida (Nuux Jibraahiil), (Gumasoor), (Maxamed Cumar), (Cabdi Ciise), iyo (Mahad Qoyane).

Waagii dowladda kacaanka ahi ay jirtey, tuulada marka madax looga dhigo nin cida (Muumin Aadan) ah matooriistaha tuulada waxaa laga dhigijirey nin (Mahad Qoyane) ah. Marka nin cida (Muumin Aadan) ah tuulada matooriiste looga dhigana nin (Mahad Qoyane) ah ayaa tuulada loo dhiibijirey. Waagii aniga tuulada Bali-busle iigu danbeysey waxaa madax ka ahaa nin la yiraahdo (Maxamuud Dalmar) oo jifada (Reer Mahad) ah. Ceelka riiga ah oo ahaa meel xasarad badan, oo aalaa waqtiga jiilaalka ay tahay geeljiruhu ay isku uleeyaana. Waxaa madax ka ahaa nin cida reer (Xirsi Muumin) ah oo la yiraahdo (Muuse Dhaloweyn).

Saas oo ay tahay, degaamada riigaga leh oo dhan waa degaano cusub oo 60 ilaa 70 sanaddood la deganaa. Laakiin degaamada qadiimka ah ee baadka iyo biyaha hodanka ku ah oo beelaha Sacad iyo (Cismaan Yuusuf) ay qarniyaasha badan ku noolaayeen. Waa dooxada Golol ee biyaha iyo baadka xoolaad hodanka ku ah. Beelaha (Cimaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) waxay dooxada hodanka ah ee Golol ay ku leeyihiin, 67 ceel oo ay ugu fac weynyihiin ceelasha (Gacno-fale), (Camay), (Ceel Bardaale), (Laaman-hadi), (Laaso Dheer-dheer), (Libintir), (Hagoogane), (Laaso Dhirin-dhir), (Qaydare), (Laas Dahare), (Laaso Cadale) iyo (Galaanle). Mideeda kale golol waxaa ku yaal 17 dahar oo odayaasha waaweyn ee beelaha (Cimaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) ay ku aasanyihiin.

Degaamada Beesha Habar-majeerteen Ay Ku Leedahay Bariga Mudug

Beesha Habar-majeerteen oo ah beesha ugu degaamada yar bariga gobalka Mudug waxay leeyihiin tuulada (Seemade) oo ay beesha reer (Fiqi-Ismaaciil) la wadaagaan. Tuulada (Bali-busle) oo la wada leeyahay. Laakiin marka ay noqoto degaan Habar-majeerteen u qaas ah, waxay leeyihiin waxaa jira magaalada Jiriiban oo ah xarunta degaanka Jiriiban.

Degaamada Beesha Sacad Ay Ka Degto Dooxada Golol Iyo Bariga Mudug

Dooxada golol beesha Sacad waxay ku leedahay ceelasha iyo degaamada labaad oo ugu balaaran. Walow ceelasha beesha Sacad ay ku leedahay ay u badanyihiin ceelal dhano ah oo dadka iyo duunyadu aysan cabi karin. Degaamada beesha Sacad ay ku leedahay dooxada Golol iyo dhulka caduunka ah ee ku yaala bariga gobalka Mudug. Aan ka bilaabo ceelka (Af-barwaaqo) oo xaduun ku yaal. Ceelka (Af-barwaaqo) ilaa iyo intii loo gaaro xeebta bari ee gobalka Mudug. Degaamada iyo ceelasha dhanka koonfureed ka xiga qaxaabaha ugu dhurwaaga badan gobalka mudug oo dhan ee (Qawlalo-cad), Ceelkii ninkii reer (Xirsi Muumin) ee (Qoryo-guban) la oranjirey uu abtigiis ku gawracay ee (Laas Mirifle) iyo dooxooyinka dhanka koonfureed ka xiga oo dhan. Qaxabta ugu weyn qaxabaha ku yaala dooxada Golol ee (War-qabta) oo ay ku baxday sheekada caanka ah ee “La Jir”. Degaamada koonfurta ka xiga oo dhan. Sheekada “La Jir” nin Habar-majeerteen ah oo lafta reer (Nimcaale) la xidid ahaa, ayaa ninkii reer (Nimcaale) intuu bireeyey ninkii gabadhiisa qabey maydkiisii wuxuu ku ridey qaxabta (War-qabta) si aan raqdiisa loo arag. Markaas ayaa gabadhii markay nin keedii ay weydey waxay aabaheed ku tiri “Aabow nin kaygii waxaan u malaynayaa in lagu ridey qaxabta (War-qabta) ee bal kaalay oo ila soo fiiri”

Gabadhuna waxay u malayneysey inay nin keedii ay dad kale dileen oo marna isma aysan lahayn, aabahaa ayaa nin kaagii diley. Ninkii Sacad gabadhiisii ayuu inta soo raacay markay qaxabta dusheedii ay yimaadeen, intuu gabadhiisii qaxabtii ku tuuray wuxuu ku yiri hawraarta caan baxday ee ah “La Jir”. Nin kaasi wuxuu gabadhiisa u diley, intay nin cadow ah oo Habar-majeerteen ah ay ii keentay bay hadana raqdiisa raad-raadin teeda ay igu wareerinaysaa”. Qisadaasi waxay muujinaysaa cadaawadda gaamurtey ee weligoodba ka dhexaysey Habar-majeerteen iyo Sacad.

Ujeedada Ay Beesha Habar-majeerteen U Doonayso In Beesha Sacad Laga Sifeeyo Bariga Mudug

Beesha Sacad waa gar inay la fajacaan oo ay is-weydiiyaan “War degaan kaan weligayo beelaha reer Tanadland waanu la soo degijirey, baadka iyo biyahana waanu wada wadaagijirey ee maxay tahay sababta maantay ciidanka naloo hor dhigay, oo naloogu diidanyahay deeq daas uu rabi waray arada”.

Beesha Habar-majeertee cabsi weyn ayey ka qabtaa beelaha Habargidir, Mareexaan, Murursade iyo Wacaysle inay maamulgoboleed ka Galmudug ay ku midoobaan. Hadii beelahaasi ay maamulgoboleed ay ku midoobaan dagaalna uu dhoco, beesha Habar-majeerteen waxay ogtahay in sahal lagu qabsanahayo oo aaqiro loo dirahayo. Marka ujeedadoodu waxa weeye in inta beesha Sacad aysan xulufo helin, oo beelaha gobalada dhexe iyagu dhexdooda ay isku mashquulsanyihiin. In laga faa’iideysto oo beesha Sacad degaamada bariga Mudug iyo dooxada gololo laga qixiyo. Waana arinta u sababta ah in Habar-majeerteen
ay ku hayso duulaan joogto ah beesha Sacad. Iyagoo hada soo degey degaan reer Tanadland ay leeyihiin beesha Sacad na uga duulahaya.

Hadaba beesha Habar-majeerteen si ay qorshahaas u fuliso, waxay ciidan yar oo 80 nin ah iyo 20 nin oo calooshooda u shaqaysteyaal ah ay keeneen buurta (Sanguduud). Iyaga oo ay u jeedadoodu tahay, in dadka reermiyiga ah ee beesha Sacad oo ay abaarta ba’an ee sadex sano jirsatey ay hayso. Inay ka hor istaagaan oo ay u diidaan dhulkii ay waligoodba u soo naq raacijireen. Arintaani beesha Sacad aad bay uga caraysiisay, waana sababta ay weerarada isdebajooga ah ay ugu hayaan mooryaanta doolaalada ku yimid deegaanka (Dhextaal Camayyaad).

Ninka aan la hadlay ee ciidamada reer Tanadland oo fadhiya daanta Sarmaanley, waxaan ka waraystay labada weerar oo ay saakay beesha Sacad ay ku qaadeen maxaysatada habar-majeerteen. Nin kaasi wuxuu iigu jawaabey in ciidamadii iyo hubkii beesha Sacad badan koodii uu ninkii qamarjiga ahaa ee la lahaa (Xaaf) uu kala tegey. Wuxuu kaloo uu intaas ii raacshey, in beesha Sacad waxoodu aysan dagaal ahayn ee ay tahay tuuryeyn aan micno lahayn. ILaa iyo hadana dhawr jeer oo isxigey oo ay weeraro yar-yar qaadeen, dhawrkii jeerba way ku guuldaraysteen oo qasaaraha dhimashada iyo dhaawucuba xagooda ayuu u badnaa.

Ciidan kaan yarkaa oo 100 ka nin ah ayaa reermiyiga beesha Sacad kadeedey, oo biyaha balida iyo togaga ku jira ka hor istaagey. Dhawaanahaan oo dhanna xoolaha ka soo dhacahayey beesha Sacad. Degaamada ka hooseeya tuulada Bitaale oo dhana waxaa la sheegay in aan habeenkii dab laga shidin. Weerarada joogtada ah ee dooxataynta ah oo lagu hayo darteen. Arinta kale oo jirta waxa weeye degaamada ku yaala bariga gobalka mudug waxaa ku yaala jidad “Shaag” loo yaqaan oo badan. Oo dalka shiinuhu uu ka sameeyey wakhtigii kacaanka dooxada Golol oo dhan. Meesha baadiyaha ah oo lagu dagaalamayna meel 1km wax ka yar u jirta waxaa mara jid baabuurtu ay maraan oo shaag ah. Wado daas oo meel dhexe ka goysa wado (Af-barwaaqo) iyo (Bitaale) isku xirta.

Waxaa kaloo hubaal ah in beesha Sacad markii ay weerareen ciidanka yarkaa oo fadhiya buurta Sanguduud ay ogaayeen, inay 100 nin oo keliya ay yihiin iyo hubka ay haystaan. Xog taasna ay u gudbiyeen beesha (Muumin Aadan) oo rabey in xoogaaga agoonta ah la warjeefo. Laakiin nasiibdaro beesha Sacad reer miyigooda dulman dagaal niman u diyaar ah maaha oo tabar u haya, ee waa niman lagu kalifay inay dagaalamaan oo ka fursan waayey. Weerar kaanina wuxuu ahaa weerarkii afraad oo ay qaado beesha Sacad ayna ku guuldareystaan.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos