Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac “Harqaan”) Iyo Weriye (Axmed Xasan “Cawke”)

Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac “Harqaan”) Iyo Weriye (Axmed Xasan “Cawke”)

Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac "Harqaan") Iyo Weriye (Axmed Xasan "Cawke"), Abwaan (Oogle) Wuxuu Kamid Yahay Raga Farakutiriska Ah Oo Ay Umada Reer Tanadland Ku Leeyihiin Majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed.

Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac “Harqaan”) Iyo Weriye (Axmed Xasan “Cawke”), Abwaan (Oogle) Wuxuu Kamid Yahay Raga Farakutiriska Ah Oo Ay Umada Reer Tanadland Ku Leeyihiin Majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed. Dabcan marka ay noqoto xaga fanka waxaad moodaa in dadka reer Tanadland iyo fanku ayba kala xanaaqaan oo ay xinifi u dhexayso. Waa marag ma doonto inaysan guud ahaan dadka reer Tanadland fanka aysan dan iyo heelo ka lahayn. Dabeec ahaan dadka reer Tanadland fanka iskuma ay shiidaadeeyaan.

Reer Tanadland wax mu’alif ah oo riwaayadaha iyo heesaha sameeya waxay ka lahaayeen gudoomiyihii kooxda horseed (Maxamed “Cago beled”. Fanaaniinna sadex nin oo keliya. Taas waxaa ka sii daran dadka reer Tanadland maaha guud ahaan dad wax muhiimad ah siiya fanka. Mideeda kale dadka reer Tanadland waxay dabeecad ahaan ay u badanyihiin dad aan jeclayn dhegeysiga heesaha oo dhan. Saas darteed fanaanka reer tanadland waa ay adagtahay in uu taageero iyo tixgelin ka helo umaddiisa.

Aniga qudhaydu fanka iyo fanaaniinta mid koodna ma xaaleeyo, umana arko wax muhiim ah oo istaahila in waqti laysaga lumiyo.

falaakiin, waxaan aaminsanahay in qofka reer Tanadland ah ee fanaanka noqda inay waajib muqadas ah tahay in umadda reer Tanadland ay taageero dhan kasta ah la garab istaagto.

Dadka reer Tanadland dhaqan ahaan waxay aad u qadariyaan hobalada heesaha cayaaraha jaandheerta, walasaqoda iyo dhaantada curiya oo ku heesa.
Marka maxaa u diidey dhalinyarada reer Tanadland ee ku fiican curinta iyo ku luqaynta heesaha hidaha iyo dhaqanka aynu u leenahay sida fanaanka weyn ee reer Tanadland, abwaan, mulaxaniiste, al fanaan (Aadan “Goobe”).

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos