Labada Haweeney Ee Warshadleyd Soomaalida Ugu Caansan.

Labada Haweeney Ee Warshadleyd Soomaalida Ugu Caansan.
Codka Umadda Karaamaysan Ee QarankaTanadland.Warbaahinta Tanadland, By: Saxardiid.

Maxaad Kala Socotaa Labada Haweeney Ee Warshadleyda Soomaalida Ugu Caansan Oo Reer Tanadland?

Marwo (Drs. Farxiya Xirsi Warsame) waa haweeneyda warshadleyda dumarka ah ee Soomaalida ugu warshadaha badan. Docda kalana waa qofka labaad oo ugu warshaddaha badan ganacsatada Soomaalida oo dhan. Shakhsiga keliya ee ka warshadaha badanna waa (Eng. Maxamed Xaaji Ciise “Maxamed Dheere”). Marwo (Drs. Farxiya Xirsi) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Lasar Industries Limited) iska leh. Xirfadda (Drs. Farxiya Xirsi) waxa weeye dhaqqleyahanad. Ganacsato (Drs. Farxiya) waxay modo dheer ay ahaanjirtey ku xigeenka maamulaha guud ee bangiga (Barclay Bank) ee dalka Tazania. Ganacsato (Drs. Farxiya) aabaheed (Xirsi Warsame) waa nin maalqabeen ah. Waana ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo wadanka Tansazania ka sameeyey shirkadii ugu horeysey ee gaadiika xamuulka qaada
1960 -kii.

Walaalkkeed (Dr. C/raxmaan Xirsi Warsame) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Petro Africa Ltd) oo ah shirkad shidaal shirkadii ugu horeysey oo ay Soomaaliyi leedahay, oo bilowday inay maraakiibta waaweyn shidaalka ku keento wadanka Tanzaaniya sanadkii 2002 -ka. Laguna tiriyo inay tahay shirkadda ugu shidaaleyaasha badan shirkaddaha shidaalka ee Soomaalida oo dhan. Sidoo kale marwo (Drs. Farxiya Xirsi) waxay walaalo yihiin mulkiilaha iyo CEO-ga shirkadda caanka ah ee (Dhow Financial Ltd) prof. Mohamed Hersi Warsame. Shirkad daas oo ah shirkadda keliya ee bangiyada iyo dowladda Tanzaniya u tababarta shaqaalaha, kalana talisa maaraynta bangiyada islaamka. Warshadley (Drs. Farxiya Xirsi) da’da ka yar (AVV. Faadumo Xirsi Warsame) xirfad deedu waa qareenada shirkadaha waaweyn u dooda “Corporate Lawyer”. Waxayna ay shirkad qareen ah ay ku leedahay magaaalada ay Soomaalidu ku badantahay ee (Columbus) ee gobalka Ohio.

Arar :-

Aqristow bal isweydii haweeney Soomaaliyeed oo wershad leh. Hubaal waxaa ah in badan oo idinka mid ahi inaysan sheeko ku maqal shaahidna aysan ku arag haweeney soomaaliyeed oo warshadley ah. Sidaad ogsoontihiin meheradda mushtarka warshaduhu waa wax ku cusub Soomaalida. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana waxaan qiyaasayaa, in inbadan oo idinka mid ahi aad shaqsiyan u taqaanaan labada haween ee u maqaalkaani ku saabsanyahay.

Maqaalo dhowr ah ayaan waxaan horay uga qoray ganacsatada reer Tanadland, inay ganacsatada kale ee Soomaalida ay uga horeeyaan shirkadaha dhismaha iyo bangiyada. Iyadoo ay saas tahay ayaa hadana waxaa jirta in ganacsatada reer Tanadland ay yihiin ganacsatada beecmushteriga soomaaliyeed ugu warshadaha badan. Maqaal kaanina wuxuu ku saabsanyahay labo gabdhood oo reer Tanadland ah oo warshadley ah, islamarkaasna ah labada haweeney ee ugu caansan dumarka Soomaaliyeed ee warshadleyda ah.

Gogol Dhig :-

Waeshedleyda raga ah ee reer Tanadland waxaa aabe u ah (Cabdulaahi Yuusuf Indhocaad), oo ah mulkiilaha iska leh wershadda hargaha iyo saamaha ee ugu weyn Soomaaliya. Waxaana ugu xariifsan raga warshadleyda ah ee reer Tanadland (Eng. Maxamed Xaaji Ciise “Maxamed Dheere”). Ganacsade (Eng. “Maxamed Dheere”) ilaa iyo hada waa ninka ganacsatada reer Tanadland ugu warshadaha badan. Ganacsade (Eng. “Maxamed Dheere”) waa mulkiilaha shirkadda (Victoria Juice Company Ltd). Shirkadda (Victoria Juice Company Ltd) waxay ka koobantahay 3 warshadood oo sameeya 10 nooc oo cabitaano kala duwan ah. Oo ah noocyada la yiraahdo (Tamu Fruit Juice). Shirkadda (Victoria Juice Company Ltd) waxay kaloo leedahay 2 warshaddood oo yar-yar oo sameeya cabitaanada budada ah ee la qaso iyo biyaha caagadeysan.

Beesha (Reer Axmed) walow ay tahay laf hoose oo (Ugaas Cismaan Ugaas Yuusuf) afar oday hoos uga dhaadhaca, hadana waxaa lagu tiriyaa beesha (Reer Axmed) inay yihiin hormuud ku dayasho leh. Oo beelaha reer Tanadland ugu fir-fircoon. Tusaaale ahaan beesha (Reer Axme) waxaa ka dhashay (Dr. Cabdinaasir Aadan Ibraahim “Dabcasar”) oo ah ninka labaad ee ugu taajirsan beecmushteriga reer Tanadland. Ganacsade (Eng. “Maxamed Dheere”) oo ilaa iyo hada ah ninka tujaarta reer Tanadland ugu warshadaha badan. Oo isaguna ah nin beesha (Reer Axmed) ah. Beesha (Reer Axmed) waxaa kaloo ka dhashay (Dr.Maxamuud Yuusuf Xaashi “Maxanuud Gabal”) oo lagu tiriyo in uu ka midyahay 10 -ka nin ee ugu taajirsan tujaarta reer Tanadland.

Dhanka xirfadleyaasha reer Tanadland marka ay noqoto, kaalinta ganacsatada (Reer Axmed) ay uga jiraan beecmushteriga reer Tanadland. Waxaadba moodaa inay dhanka xirfadaha ay buro dheeryihiin.

1) Sida (Col/Sh/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) oo ah ninkii ugu horeeyey ee duuliye diyaaradeed noqda oo Soomaalia ah.
2) (Prof. yuusuf Maxamed Cabdi) xisaabyahanka ugu weyn xisaabyahaniinta Soomaalida.
3) (Prof. faadumo Calidaahir Cabdi) oo ah haweeneydii ugu horeysey ee bare sare ka noqota jaamacadii umadda.

Haweenka Reer Tanadland Iyo Doorka Ay Kaga Jiraan Beecmushteriga Reer Tanadland :-

Habdhaqanka dumarka reer Tanadlad iyo doorka fir-fircoon ee ay weligood ku lahaayeen bulshada reer Tanadland, waxay leedahay asal iyo taariikh sugan. Sidaad ogtihiin Daarood markuu qoyska ahaa curadkii reerka ayaa kaalintiisii gabay. Odaygana waxaa loo baahday nin xilka reerka hogaamintiisa kala wareega. Taas oo ah in Tanade uu aabihiis wixii gar ah uu ugu garaabo, Marka odayga taladiisa talo reeka uga door-roon uu hayana uu reerka u soo bandhigo. Waxaynu ognahay in qof walba uu yaqaan debeeca waalidkiis iyo fekerkiisa. Uuna odorosikaro marka ay talo noqoto sida uu wax u rabo. Daarood wuxuu ahaa nin dabeecad kulul. Taas waxaa inoo cadaynaya Daarood markii ay soo foodsaartay marxaladdii ugu qalafsanayd. In wiilashiisa kuwii kula taliyey sidii uu rabey xataa waa u canaantay. Odayga markaas Da’aadiisu waxay ahayd 80 ilaa 90 sano jir hadysanba intaas ka weyneyn. Taas waxaa inoo cadaynaya nin baa wuxuu ku taliyey in odayga 4 dhoomood dhexdood loo gureeyo oo rati la saaro.

Reerku markaas wuxuu ahaa 3 qoys waxaana reer iyo barbaar lahaa Tanade iyo Sade. Daarood iyo wiilashiisii kale markay go’aan iskumid ah ay gaareen. Tanade arinkaas waa u ka soo horjeestey. Wuxuuna ku taliyey in talada iyo hawsha reerka la wadaago. Dumarkuna inta ay ka imaanayaan la sugo. Markaasna qof walba uu ra’yigiisa dhiibto oo go’aan midaysanna la qaato. Taladii uu Tanade soo jeediyey ayaana markii laysuyimid la qaatay oo laysku raacay. Aakhirkiina reerku uu hadafkiisii ku gaarey oo lagu tanaaday.

Dadka reer Tanadlad dhacdodaas waa’ay ku faanaan waxayna muujinaysaa in hal’adaygu uu yahay sinji ay dhaxal u heleen. Qofka bini’aadanka ah waxaa wanaagsan marka uu go’aan qaadanayo in uu meel dheer wax ka fiirsho oo uusan talada ku deg-degin. Marka uu go’aan gaarana uu ku adkaysto go’aankiisa oo uusan marna ka tanaasulin.

Qorshe kasta iyo hadaf kasta oo u qofu rabo in uu ka jibogaaro waxay ku xirantahay qofka hal’adayggiisa. Aalaa waxaa dhacda in aad aragoto qof ganacsade ah oo mashruuc ganacsi bilaabaya dhismihiisa, hadana waxaad arkaysaa qofkii oo isagoon mashruucii weli ebyin ay wax kale u hilaaceen. Oo mashruuc kale oo ganacsi hadana bilaabay. Dadka noocaas ahi ganacsiga kuma ay wanaagsana. Sababta oo ay tahay waxaa ka maqan xasiloonidii ay uga gungaarilahaayeen hadafkooda.

Waatuma (Drs. Farxiya Xirsi Warsame)?

Marwo (Drs. Farxiya Xirsi Warsame) waa haweeneyda warshadleyda dumarka ah ee Soomaalida ugu warshadaha badan. Docda kalana waa qofka labaad oo ugu warshadaha badan ganacsatada Soomaalida oo dhan. Shakhsiga keliya ee ka warshaddaha badanna waa (Eng. Maxamed Xaaji Ciise “Maxamed Dheere”). Marwo (Drs. Farxiya Xirsi warsame) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Lasar Industries Limited) iska leh. Xirfadda (Drs. Farxiya Xirsi) waxa weeye dhaqaaleyahanad. Ganacsato (Drs. Farxiya) waxay modo dheer ay ahaanjirtey ku xigeenka maamulaha guud ee bangiga (Barclay Bank) ee dalka Tanzania. Ganacsato (Drs. Farxiya) aabaheed (Xisi Warsame) waa nin maalqabeen ah. Waana ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo wadanka Tansazania ka sameeyey shirkadd gaadiika xamuulka 1960 -kii.

Walaalkkeed (Dr. C/raxmaan Xirsi Warsame) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Petro Africa Ltd). Shirkad daas oo ah shirkad shidaal shirkaddii ugu horeysey oo ay Soomaaliyi leedahay, oo bilowday inay maraakiibta waaweyn shidaalka ku keento wadanka Tanzaaniya sanadkii 2002 -ka. Laguna tiriyo inay tahay shirkadda ugu shidaaleyaasha badan shirkaddaha shidaalka
ee Soomaalida. Sidoo kale marwo (Drs. Farxiya Xirsi) waxay walaalo yihiin mulkiilaha iyo CEO-ga shirkadda caanka ah ee (Dhow Financial Ltd) prof. mohamed Hersi warsame. Shirkad daas oo ah shirkadda keliya ee bangiyada iyo dowladda Tanzania u tababarta kalana talisa maaraynta bangiyada islaamka. Warshadley (Drs. Farxiya Xirsi) da’da ka yar (AVV. Faadumo Xirsi Warsame) xirfad deedu waa qareenada shirkadaha waaweyn u dooda “Corporate Lawyer”. Waxayna ay shirkad qareen ah ay ku leedahay magaaalada ay Soomaalidu ku badantahay (Columbus) ee gobalka Ohio.

Marwo (Drs. Farxiya) mudo haatan laga joogo labo sanaddood waxay magaalada Nairobi ay ku booqatay (Eng. “Maxamed Dheere”). Waxayna ugu tagtay xarunta warshadihiisu ay ku yaalaan si ay ula soo tashato. Khaasatan, jaalaley (Drs. Farxiya Xirsi) waxay ugu tagtay jaale (Eng. “Maxamed Dheere”) inuu kala taliyo qaabka ugu haboon ee dhismaha 4 warshadood oo is feer yaala.

Sida:
1. Warshad samaysa xafaayadaha caruurta (Baby Diapers), 2. Warshad samaysa suufka dumarka (Women’s Tampons), 3. Warshad samaysa xaashiyaha musqulaha (Toilet Papers), 4. Warshad samaysa xaashiyaha duufka iyo dufanka la isaga tiro ee loo yaqaan (Tissue Paper).

Hadaba sida igu maqaalo ah, sanadkaan aynu ku jirno ee 2015 -ka horaantiisii waxaa la ebyay 4 afarta warshadood ee aan kor ku soo sheegay. Warshadahaas oo ku yaala kuligood xarunta shirkadda (Lasar Industries Limited) ee magaalada Daarasalaam. Wadanka Tanzania shirkadda (Lasar Industries Limited) shirkadda ugu weyn ee tartanka kula jirta waa shirkadda (Saba Industries Limited). Shirkadda (Saba Industries Limited) waxaa leh nin eeshiyaan ah oo leh warshad soo saarta xaashiyaha musqulaha iyo xaashiyaha diifka iyo dufanka la isaga tiro.

Waa Tuma Iyaduna Marwo (Safiyo Maxamed Xirsi)?

Marwo (Safiyo Maxamed Xirsi) beel ahaan waa beesha reer (Xaaji Cali Muumin), waxayna ka sii tahay beesha (Reer Xaaji Xuseen).

Hantiiley (Safiyo) waa dumarka Soomaaliyeed intaan arkay qofka ugu hawlkarsan. Sidoo kale intaan ogahay Marwo (Safiyo) waa haweeneyda labaad ee ugu caansan dumarka Soomaaliyeed oo warshadleyd ah. Si kale hadaan u iraahdana, marwo (Safiyo) waa nooca ay u badanyihiin beecmushteriga dumarka Soomaaliyeed oo ah qardojeex iyo qararaf.

Anigu markaan iska hadlo ganacsiga yaraan baan ku bilaabay, ardayga markaan ahaa gelinna waxbaan baranjirey gelinka kalana wiil mushtara oo wax tabcada ayaan ahaa. Markii aan kayd-hayaha ahaa oo an wakaaladda daawada joogeyna ganacsigaygu gobolada dalka intooda badan ayuu ku xiraa. Waagaas waxaan ogaadey in dumarka soomaaliyeed ay raga beecmushteriga uga faro dhuu-dhuubanyihiin. Suuqa ugu muhiimsan suuqyada Soomaaliya ku yaala berigaas wuxuu ahaa suuqii bacadlaha aa ee magaalada xamar ku gubtey. Dhawr nin oo farokutiris ah maahane suuqa waxaa iska lahaa dumarka beecmushteriga ah ee Soomaaliyeed.

Berigaas isaga ah, waxaa naga yaabiyey anagoo daawooyinkii aduunka ugu tayada fiicnaa haysana. Oo dhakhaatiirtii ay nala shaqaynayaan oo ay dadka u qorayaan daawooyinkii aanu iibineyney, ayaa waxaa suuqii naga qabsaday dumar qararaf ah. Dumarkaas oo magaalada (Buulo-xaawo) ka soo gelinjirey daawooyin aan waxtar lahayn dalka. Daawooyinkaas oo ahaa daawooyin dalka keenya lagu sameeyey oo aad u liita.

Mideeda kale dumarka Soomaaliyeed ee beecmushteriga ah waxay u badanyihiin hooyooyin ubad koriya oo bar-baariya. Marwo (Safiyo Maxamed Xirsi) na hormadaas ayey ku jirtaa walow intii badnayd ay u koreen, oo jaamacado iyo kolejyo ay ku jiraan. Intii u dhexaysey sideetamaadkii iyo todobaatameeyadii, magaalooyinka ay soomaalidu ku badanyihiin ee waqooyiga amerika dadka reer Tanadland waxaa lagu xifaalaynjirey inay hilibleyaal yihiin. Arintaas waxaa u sabab ahaa labo arimood.

1) Dadka reer Tanadland oo todobaatameeyadii iyo sideetamaadkii aad u galay waqooyiga america soomaalida kalana uga horeeyey.

2) Ganacsiga hilib xalaalka oo ka mid ah ganacsiyada ugu muhiimsan ganacsiyada yar-yar, ganacsatada reer Tanadland na ay u badnaayeen lahaanshaha suuqyada hilib xalaalka.

Xaajiyo (Safiyo Maxamed Xirsi) waxay ka mid ahayd dadkii sideetamaadka bilowgiisii ku galay wadanka maraykanka isboonsarka, oo ay dowladda maraykanku qaaday. In mudaa xaajiyo (Safiyo) waxay lahaanjirtey dhawr ganacsi oo kala ah (Hilib Xalaal) ku dhexyaal dukaan weyn oo suuq ah iyo shirkad taksiile ah.

Wadanka imaraadka carabta (UAE) dhowr goor baan cagta mariyey, runtiina aad baan ula yaabay dadaalka iyo waxqabadka ganacsatada Soomaaliyeed. Waxaana la orankaraa shirkaddaha meeldhexaadka ah iyo kuwa waaweyn ee Soomaalidu waxay deganyihiin imaraadka. Siiba magaalooyinka (Dubai) (Cujmaan) iyo (Emirates City). Magaalada Dubai dumarka Soomaalida ganacsigoodu sida magaalooyinka kale, wuxuu u badanyahay dukaamo bacadleyaal iyo dahableyaal ah. Weliba gabadha dukaamada dahableyaasha ah ee ugubadan dukaamada Soomaalida leh waa gabar reer Tanadland ah. Dukaamadaas oo ah dukaamada ay leedahay shirkadda (AL SADAD JEWELLERY L.L.C). Laakiin intii afar sanaddood ah waxaa ku soo biiray magaalada Dubai gabar reer Tanadland ah oo maalqabeen ah. Oo leh warshad samaysa dharka iyo shirkad gaadiidka xamuulka qaada ah. Haweeney daasina waa xaajiyo (Safiyo Maxamed Xirsi).

Xaajiyo (Safiyo) warshaddeedu dharka ay samayso waxaa ka mid ah nooca dumarka muslimiintu ay aadka u jecelyihiin, ee loo yaqaano Cabaayadaha. Shirkadda gaadiidka ee ay leedahay xaajiyo (Safiyo) badankoodu waxay daabulaan dharka warshadda. Inta kalana ganacsatada kale ayey rarka u qaadaan oo kireysta. Shirkadda dharka ee xaajiyo (Safiyo) waa shirkad caanbaxday oo dharka ay samayso u dhoofisa wadamada Khaliijka, Yurub, Waqooyiga Amerika iyo Australia. Qaasatan suuqyada iyo dukaamada dharka gada ee ay Soomaalidu leeyihiin.

Gabagabo :-

Dunida horukaca beecmushteriga wadan uu leeyahay waxaa jira halbeeg looga qiyaas qaato. Halbeeg gaas oo ah Ganacsi abuur + Karti = Koboc Dhaqaale. Ama si kale hadaan u dhigo (Business Start Up + Perseverance = Economic Growth). Wax ay dunidu isku dhaaftayna waxa weeye cadadka dadka sanadkiiba ganacsiga bilaaba. Wadamada reer galbeedka qofka ganacsiga bilaabaya tasiilaad badan ayaa loo sameeyaa si loo dhiiri geliyo.

1) Dhawrka sano oo hore canshuur lagama qaado.

2) Dadka ganacsiga bilaabaya qareenka ganacsiga qarashka ku baxaya waa laga bixiyaa.

3) Dadka ganacsiga bilaaba waxay leeyihiim lataliyeyaal bilaash ah oo kala taliya horumarinta ganacsigooda.

Ganacsigu wuxuu leeyahay qaacido la raaco oo caam ah. Qofka ganacsiga bilaabaya waxa ugu horeeya oo looga baahanyahay in uu sameeyo, waa inuu baaritaan cilmiyaysan ku sameeyo waxa uu rabo in uu ka ganacsado. Hantida uu maalgelinta ku samaynayana faa’iido u qalanta ay ka soo bixikarto. Dabeedna uu sameeyo qorshe ganacsi iyo hadaf sanadle ah oo u ku xisaabtamo. Waxa ugu daran ee qofka beecmushteriga ah ganacsigiisa in uu ku guuldaraysto u sabab noqonkara waxa weeye “Salfudayd”.

Dadka reer Tanadland ee beecmushteriga gala waxay noqdaan intooda badan dad ganacsiga ku wanaagsan, oo hadafkooda ka jibo gaara. Sababtuna waxa weeye waa dad hal’adayg leh oo dabeecoodu uu xasiloonyahay.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos