(Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) Aas-Aasihii Xisbiyada Gobanimodoonka Ah Ee SYL Iyo SGL

(Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) Aas-Aasihii Xisbiyada Gobanimodoonka Ah Ee SYL Iyo SGL

Maxaad Kala Socotaa (Naaquude: Jaamac Maxamuud Takar "Jaamac Joocaar") Aas-Aasihii Xisbiyada Gobanimodoonka Ah Ee SYL Iyo SGL?

Arar:-

Waxaan filahayaa magaca in “Jaamac Joocaar” iyo taariikhdiisa uusan jirin qof reer Tanadland ah oo aan aqoon. Taariikhda dalmareenkii caanka ahaa ee “Jaamac Joocaar”, waxay ka mid tahay taariikhaha ugu xaladda badan ee dadka reer Tanadland ay had iyo gooraale isaga sheekeeyaan. Sidoo kale “Jaamac Joocaar” wuxuu ahaa siyaasi iyo ganacsade aysan isaga ka hor qof la mid ah uusan soo marin Soomaaliya. Haday ahaanlahayd dhanka beecmushteriga, Shirkadaha warbaahinta ee wararka daabaca iyo abaabulka ururadda siyaasadda.

Sanadkii 1950 -ka intii ka horeysey dekaddaha magaalooyinka (Xamar), (Marka) iyo (Baraawe) waxaa gacanta ku hayey ganacsato beesha banaadiriga ah, oo dowladda talyaanigu ay qandaraas ku siisay. Waqtigaas ganacsatada Soomaalida ee shatiga u leh xeebaha koonfureed ee soomaaliya inay wax ka soo dejiyaan waxay ahaayeen dad farokutiris ah. Hal nin maahane intooda kale oo dhamina waxay ahaayeen ganacsatada beelaha banaadiriga ee dega magaalooyinka (Xamar), (Marka) iyo (Baraawe). Mideeda kale, Sanadkii 1950 -ka waxaa jirey 2 nin oo reer Tanadland ah oo naaquudeyaal ka ah labo markab oo ay leeyihiin shirkaddo talyaani ah. Waxayna kala ahaayeen (Cali Ismaaciil Hiraabey “Cali-Badeed) iyo (Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”).

Berigaas gobolada koonfureed waxaa deganaa ganacsato talyaani ah oo aad u tiro badan, isla markaasna gacanta ku hayey dhaqaalaha dalka oo lahaa shirkaddo aad u tiro badan. Meheradda naaquudenimada maraakiibta waaweyn ee qaada shixnadaha badeecadaha waxay helijireen nacfi badan. Metalan, (Naaquude:Cali Ismaaciil Hiraabey “Cali-Badeed”) intii u dhexaysey sanadihii 1940 -ka ilaa iyo 1970 kii wuxuu ahaa dadka reer Tanadland ninka daaraha ugu badan ku leh magaalada Xamar. Magaalooyinka (Marka) iyo Kismaayo na wuxuu ku lahaa guryo xayn ah.

Dalmareen “Jaamac Joocaar” wuxuu ka dhashay beel looga bartay geesi biirjeex ah oo hormuud ah iyo han-weyni. Beesha (Bihni fiqi-xasan) beelaha kale ee reer (Maxamed Muumin) waxaa jira wax ay uga duwanyihiin. Bahweynta (Bihni fiqi-xasan) waxaa la yiraahdaa shucuurtii iyo fir-fircoonidii waxtarnimo ee (Maxmed Muumin) 100% iyaga ayaa ka dhaxlay. Laakiin aalaa waxaa la yiraahdaa bahaha kale islaamihii dhalay ayaa barxay oo waa ay barxanyihiin. Tusaale ahaan beelaha reer (Maxmed Muumin) marka ay noqoto heerka aqoonta, culuun kasta oo ay tahay dhanka takhasuska beesha ugu digtoorada badani waa beesha (Bihni fiqi-xassan). Dadaalka waxtarka iyo ficiladana bahweynta beesha (Bihni fiqi-xasan) waa beel loo aqoonsanyahay inay beelaha kale ay hormuud u yihiin.

Taariikhda Dalmareen (Naakhuude: Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”)

Dalmareen “Jaamac Joocaar” wuxuu ahaa ganacsatada soomaalida ee sanadihii kontomeeyada ninka ugu fariidsan. Sanadkii 1950 -ka “Jaamac Joocaar” isaga oo naaquude maraakiibta xamuulka qaada wada ah ayuu hadana wuxuu lahaa shati uu badeecadaha ku dhoofiyo, kuna soo dejiyo. Naakhuude “Jaamac Joocaar” wuxuu ahaa nin aragtidheer oo caqli badan. Sanadkii 1951-ka horteed wargeysyada ka soo baxa caasimadda soomaaliya oo dhan waxaa iska lahaa ganacsato talyaani ah. Wakhtigaasna maysan jirin wargeys iyo madbacad ay Soomaaliyi leedahay.

Sanadkii 1950 -ka “Jaamac Joocaar” wuxuu wadanka talyaaniga ka soo iibsadey madbacaddii ugu horeysey oo qof soomaaliyeed uu leeyahay, waxa uuna caasimadda Soomaaliya ee xamar uu ka bilaabay sanadkii 1951 -ka wargeys afka carabiga ku soo baxa oo la oranjirey midnimada umadda (Etihad Al Sha’ab). Wargeyska (Etihad Al sha’ab) wuxuu ahaa wargeyskii ugu horeeyey ee geyiga soomaaliya laga hirgeliyo, oo madbacad soomaaliyi ay leedahay lagu daabaco. Xaqiiqdii dowladdii kacaanka ahayd markii ay dalka ka curatay sanadkii (21/10/1969) ka, madbacadda ugu weyn ee geyiga soomaaliya ku taala uguna casrisan waxay ahayd madbacaddii wargeyska (Etihad Alsha’ab). Oo markiii towradii kacaanku talada dalka ay la wareegtey (21/10/1969) inta uu magaca ka badalay “Jaamac Joocaar” uu u bixiyey (Najmatu Oktobar).

Kacaankii habaarka qabey markuu dalka ka curtay taariikhdu markii ay ahayd (21/10/1969) ka, waxaa maragmadoonto ah in umadda soomaaliyeed ay u wada riyaaqday. Iyada oo dadka soomaaliyeed ay filahayeen in gafaneyaashii musuq-maasuqa iyo dhaca hantida shacabka shaqada ka dhigtay, ee dowlad ku sheegyada ahaa in la cidibtiridoono oo u dalku yeelandoono xukuumad rasmi ah oo waxtar iyo waxqabad leh. Marka “Jaamac Joocaar” isaga oo ka tarjumaya dareenkiisa shaqsiyadeed iyo midka umaddiisa reer Tanadland, ayuu kacaankii loo hanweynaa oo dabeed la eeday ee (Siyaad Bare) maalintii uu dhashay, isaga oo soo dhaweynaya wuxuu magicii ka badaley wargeyskii (Etihad Al Sha’ab). Wuxuuna u bixiyey wargeyskiisii (Najmatu Oktobar).

Intii ka horeysey sanadkii 1972 -da markii afka soomaaliga la qoray wadanka Soomaaliya waxaa ka jirey labo wargeys oo la kala oranjirey wargeyska (Najmatu Oktobar) iyo wargeyska (Somali News). Wargeyska (Najmatu Oktobar) wuxuu ahaa wargeys ku soo baxa afka carabiga. Wargeyska (Somali News) na wuxuu ahaa wargeys ku soo baxa afka ingiriiska, wuxuu kaloo ahaa wargeyskii labaad oo dad soomaali ahi ay abuuraan. Waxaana wargeyska (Somali News) uu bilaabay daabacaada wararka taariikhdu markii ay ahayd (25/11/1960).

Sanadkii 1972 -da markii la qoray afka soomaaliga wargeyska (Najmatu Oktobar) waa la soomaaliyeeyey oo waxaa loo bixiyey (Wargeyska Xidigta Oktobar), waxaana uu noqday wargeyska ugu daabacaada badan ee ku soo baxa afka soomaaliga geyiga soomaaliyeed oo dhan. Wargeyskii afka ingiriiska ku soo bixijirey ee (Somali News) la oranjirey na waa la soomaaliyeeyey oo waxaa loo bixiyey (Wargeyska Heegan).

Maxamed Siyaad Bare, markii uu xukunka la wareegey qasnadda dowladda soomaaliya shilin kuma uusan jirin oo waa’ay marnayd. Waxaana hantidii shacabka Soomaaliyeed dhacay nin mahbar ah oo markaas ahaa wasiirka arimaha gudaha. Nin kaas tuuga ah oo la yiraahdo (Yaasiin Nuur Xasan) markii uu ogaadey in uu wadanka inqilaab ka dhacay, ayuu ciidan beeshiisa ah watay oo wuxuu dhacay hantidii shacabka Soomaaliyeed oo dhan kaydka u ahayd. Isaga oo markii uu dhacay hantidii umadda soomaaliyeed oo dhan wadanka ka saaray oo nin walaalkiis ah u dhiibtey. Tuuga hantida umadda soomaaliyeed oo dhan dhacay (Yaasiin Nuur Xasan) markuu lacagtii wadanka ka saaray, wuxuu islahaa laguma oga oo dalka kama uusan cararin. Laakiin waxaa aqoonsaday nimanka bangiga weeraray haybtooda ciidankii bangiga ilaalinayey. Waxayna ahaayeen niman (Yaasiin Nuur Xasan) ay isku jifo yihiin isaguna gaari buu ku dhexjirey oo wuu hagahayey. Nasiibdaro (Yaasiin Nuur Xasan) markii la xiray waa’uu diidey in hantidii qaranka ee uu dhacay inuu soo celiyo. Dowlad ku sheegii kacaanka ahaydna waxay soodeysey mudo ka dib, iyaga oo og hantidii qaranka laga dhacay in (Yaasiin Nuur Xasan) ninkii walaalkiis ahaa ee uu u dhiibtey, in uu baabuur badan ku soo gaday oo u la tegey wadanka Zambia. Halkaas oo lacagtii umadada soomaaliyeed laga dhacay uu ku samaystay shirkad dadka soomaaliyeed ay u yaqaaniin “Booli-Qaran”. Caruurta ilma (Yaasiin Nuur Xassan) ah oo xaaraanta lagu koriyey ee hada gacanta ku hayana ay u yaqaaniin shirkadda (Oohan).

Wakhtigaas dhaqaalaxumida soo foodsaartay dowladdii kacaanka ahayd waxaa uga sii daraa abaartii dadka iyo dalka soomaaliya ku habsatey ee “Dabadheer” sanadkii 1972 -ka. Oo la rumaysanyahay inay ahayd abaartii ugu waxyeelada badnayd ee soo marta umadda soomaaliyeed. Marka (Siyaad Bare) maadaama aysan xukuumaddiisu wax lacag ah aysan haysan oo ay madbacad ku soo gataan, wuxuu ku kacay dhac bareero ah oo wuxuu qori caaradiis kula wareegey madbacaddii (Wargeyska Xidigta Oktobar). Labo daraadle, arinta ugu fooshaxun ee uu ku kacay (Siyaad Bare) oo ay dad badani u qaadanwaayeen waxay ahayd, wergeyska (Xidigta Oktobar) wuxuu ahaa wargeys taageersan dowladda. Sababta uu “Jaamac Joocaar” wargeys kiisa ugu magacaabay bisha uu kacaanku talada la wareegey na waxay muujinaysaa sida uu ugu hanweynaa.

Dalmareen (Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) Iyo Heerkii Uu Ka Gaarey Beecmushteriga

Umadaha ilaahay koonka uu ku uumay waa’ay kala macaamil iyo dabeecad duwanyihiin. Habdhaqanka ay shucuub waliba leedahayna maaha wax iska yeel-yeel ah ee waa wax ku daabacan oo sinji ah. Beelaha reer (Aadan) ee (Muumin Aadan) iyo (Maxamed Aadan) waxaa jira beelo dabeec gaar ah oo laguyaqaan leh. Reer (Xirsi Muumin), reer (Xasan Xuseen), (Bihni Fiqi-xassan), (Bihni Biciidyahan”Biciido”) iyo beesha (Bihni Weydow). Beelahaasi dhanka waxtarnimada, kartida, garasho-dheerida, qorshaynta iyo ficiladaba waa ay ka badsadaan beelaha kale ee reer (Ugaas Aadan). Marxalad kasta oo ay tahay
iyo xaalad kasta oo lagujiro waxaa taariikhda u gashay loogana bartay, inay beelahaasi beelaha kale ee reer (Ugaas Aadan) ay buro dheeraadaan marka waxtar, ficilo iyo karti waxqabad ay noqoto.

Ganacsatada reer Tanadland sanadkii 1940 -ka koonfurta Soomaaliya waxay ku lahaayeen beecmushteri balaaran. Waagaas ganacsatada reer Tanadland waxaa hanti balaaran ay ku lahaayeen magaalooyinka (Xamar), (Marka) iyo (Kismaayo). “Jaamac Joocaar” na wuxuu ka mid ahaa shanta nin ee ugu muhiimsan ganacsatada reer Tanadland ee gobolada koonfureed. Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar” beecmushterigiisu wuxuu u badnaa dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha daruuriga ah. Wuxuuna ahaa nin abaabul badan oo ganacsatadu ay ku xiranyihiin oo badeecadah ay dhoofsanayaan u dhoofiya, kuwa ay rabaana u soo dejiya. Dad badan ayaa waxay rumaysanyihiin in kobaca dhaqaalaha ee ganacsatada reer Tanadland ee waagaas uu u sabab ahaa “Jaamac Joocaar”. Naaquude “Jaamac Joocaar” wuxuu ahaa nin hormuud ah oo danta caamka ah ee umaddiisa ka hormariya wax kasta, wuxuu ahaa nin dhiiran oo aan geedo ugu gaban waxa uu rabo. Wuxuu ahaa nin go’aan adag oo talada iyo go’aanka uu qaato aan ka laaban. Wuxuu ahaa deeqsi siqi ah oo goor kast u heelan inuu umaddiisa wax u qabto. Naaquude “Jaamac Joocaar” wuxuu ka mid ahaa dadkii hirgeliye xeerka xoologoynta, ee shacabka reer Tanadland oo ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ay ku dhaqmaan. Taasoo ay qayb ka yihiin ganacsatada yar-yar ee u baahan gacanqabashada.

Naaquude (Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) Doorkii Uu Ka Soo Qaatay Halgankii Gobanimo Doonka.

Dadka reer Tanadland marka ay siyaasiyiintooda xifaalaynayaan, inta badan waxay ku dacaayadeeyaan. Siyaasadda soomaalidu waxay u gashaa aad xoolo ka tabcatid. Marka si ay xoolo badan ay uga tabcadaan marka xil loo dhiibo waxay u huraan oo ay ku bixiyaan lacag maalgelin ah. Balse qofka reer Tanadland oo siyaasiga ah kama ay suurowdo in uu siyaasadda hanti ku bixiyo. Saas oo ay tahay sida la rumaysanyahay (Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) wuxuu ahaa ninka hantida ugu badan ku bixinjirey siyaasada, intii u dhexaysey sanadihii 1940 -ka iyo 1969 -ka. Berigaas siyaasiyiinta reer Tanadland waxaa ugu fariidsanaa (Naaquude: Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) iyo (Dr. Faarax Cismaan “dige” Hiraabey). (Dr. Faarax Cismaan “dige” Hiraabey) wuxuu aas-aasay oo uu gudoomiye u ahaa xisbigii la oranjirey (Dabka). Laakiin (Naaquude: Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar” wuxuu aas-aasay 2 xisbi oo gobanimodoon ah. Labadaas xisbi oo kala ahaa (Somali Youth League) iyo (Somali Great League).

“Jaamac Joocaar” markii hore wuxuu aas-aasay oo uu maalgelinjirey xisbigii ahaa (SYL). Markaas ayaa dadkii xubnaha ka ahaa xisbiga SYL waxaa isugu soo ururay dada aan aqoon lahayn, oo aan xirfad lahayn, oo aan xoolo lahayn, oo aan iimaan lahayn, oo aan qadiyad lahayn oo ku nool gacmo hoorsi. Arintaasi waxay sababtay in dadkii xubnaha ka ahaa xisbiga (SYL) ay u bateen dad labo jeebleyaal ah, oo inta daacadda ah oo gobanimodoonka ah waxaa ka batay inta gumeystaha talyaaniga u shaqaysa oo gunada ka qaadata. Kuna hawlan sidii ay u fashilinlahaayeen hadfkii xisbiga (SYL) uu lahaa ee gobanimodoonka ahaa.

Labo sanadood markii ay ka soo wareegtey aas-aaskii xisbiga (SYL) taariikhdu markii ay ahayd 1945 -ka ayuu “Jaamac Joocaar” wuxuu aas-aasay xisbigii gobanimodoonka ahaa ee (Somali Great League). Bacdamaa uu “Jaamac Joocaar” ahaa nin naaquude ah oo markab wada, ganacsadena ah oo badeecooyinka soo dejiya. Islamarkaasna uu ahaa mulkiilaha leh madbacadda iyo wargeyska qura ee ay soomaaliyi leedahay, marna ma uusan noqonkarin godoomiyaha xisbiga (SGL). Balse wuxuu ahaa maalgeliyaha ugu weyn iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga (SGL).

Ficiladii Iyo Shucuurtii Mujaahid (Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”):

Walow ay jirto in “Jaamac Joocaar” uu ahaa nin maalqabeen ah oo ganacsade ah, Naaquude ah oo hadana markab wada, shirkad warfidiyeen ah oo wargeys ahna leh. Hadaad qof beesha reer (Muumin Aadan) ah aad weydiiso su aal ah, “Jaamac Joocaar” maxaad ku sifaynlahayd oo uu ahaa?. Intooda badani waxay u yaqaanaan “Jaamac Joocaar” in uu ahaa nin mujaahid ah oo mar kasta heegan u ah difaacidda danaha iyo horumarka umadda Tanadland. Taasna waxaa u sabab ah mudnaata iyo ixtiraamka ay u hayaan aas-aaseyaashii jabhadda wadaniga ah ee SNDU. Mujaahid “Jaamac Joocaar” wuxuu ka mid ahaa hogaanka garabkii siyaasadda ee jabhadda wadaniga ah ee (SNDU). Jabhadda (SNDU) sidaad ogsoontihiin waxaa la aas-aasay taariikhdu markii ay ahayd (28/04/1981). Waxaana figradda lagu aas-aasay (SNDU) iska lahaa xubnaha saraakiisha ciidamada qaranka ugu jirey beesha (Muumin Aadan). Shirkii lagu aas-aasay jabhadda wadaniga ah ee (SNDU) taariikhdu markay ahyd (28/04/1981) na waxaa lagu doortay xubnaha hogaanka labada garab ee jabhadda (SNDU) ay ka koobantahay. Garabka siyaasadda iyo garabka hogaanka ciidamada ee jabhadda (SNDU).

Jabhadda wadaniga ah ee SNDU taariikhdu markii ay ahayd (19/06/1981) waxay ku guuleysteen hadafkoodii ahaa in dowladda soomaaliya ay u aqoonsato jabhad wadani ah, oo ciidamadoodu ay ka bar-bar dagaalamaan ciidamada xooga dalka soomaaliyeed. Jabhadda (SNDU) na waxay noqotay jabhaddii ugu horeysey oo wadani ah oo ay dowladda soomaaliya aqoonsato. Ciidamadeeduna ay ka feer dagaalamaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jirey ciidamada itoobiya iyo dabadhilifyada ay ku adeegtaan ee mahbarka. Guushaasna waxaa jabhadda (SNDU) u soo hoyiyey gudiga garabka siyaasadda ee jabhadda SNDU. Mujaahid (Jaamac Maxamuud Takar “Jaamac Joocaar”) na wuxuu ka mid ahaa hogaanka gudiga siyaasadda ee jabhadda SNDU.

Halyey qaran “Jaamac Joocaar” wuxuu xijaabtey oo alle u oofsaday sanadkii 2008 -ka wuxuuna ifka uga tegey tafiir gaareysa 70 ruux, oo isugu jira wuxu dhalay iyo warasadiisii dad ay sii dhaleen. Shacbiweynaha reer Tanadland magaca “Jaamac Joocaar” iyo taariikhdiisa marna weligood ma’ay iloobidoonaan wuxuu dalkiisa iyo dadkiisa u qabtay. Jiilalka reer Tanadland ee soo korayana wuxuu u yahay tusaale fiican oo hanweynida iyo waxtarnimada ay uga daydaan.

“Jaamac Joocaar” Awowgiisii 9-aad (Imaam Maxamed Muumin) wuxuu ahaa nin jaamici ah oo qoraa ah. Islamarkaasna wuxuu ahaa nin iska daah soomaaliye, nin madow ninkii ugu horeeyey oo ka qalinjebiya jaamacadda (Al Azhar). (Imaam Maxamed Muumin) wuxuu kaloo u ahaa, nin kii ugu horeeyey oo machad waxbarasho oo culuunta diinta iyo shareecada islaamk lagu barto ka hirgeliyey afrikada madow.
Mudo haatan laga joogo 560 sanaddood. Machad kaas oo ah machadka waxbarashada ee (XER) ta loo yaqaan. Oo ilaa iyo hada ah hanaanka waxbarasho ee ugu muhiimsan oo culuunta diinta iyo shareecada islaamka lagu barto ee geeska Africa. “Jaamac Joocaar” na wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey oo wargeys soomaaliyi ay leedahay geyiga soomaaliyeed ka hirgeliya sanadkii 1951 -ka.

Umadda reer Tanadland qofka qoraaga ah waxaa la siiyaa tixgelin iyo mudnaan ka weyn mida la siiyo dadka meekhaanka sare ka gaara xirfadaha kale. Sababta oo ay tahay Umadda reer Tanadland waxay leeyihiin taariikh qoran oo ka facweyn taariikhaha kale ee shucuubta afrikada madow.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos