Siduu U Fashilmay Qorshihii Jubaland

Siduu U Fashilmay Qorshihii Jubaland
Codka Umadda Karaamaysan Ee QarankaTanadland.Codka Tanadland, By: Saxardiid.

Qorshihii Jubaland Oo Fashilmay Iyo Dowladgoboleedka Koonfur-Galbeed Oo Qorshaynaya Inay Qabsadaan Gobalka J/hoose Oo Dhan.

[Sawirada Madaxweyne (Maoobe Nuunow Maxamed) Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa (Maxamuud Seyid Aadan)]

Arar:

Dhowaan sidaad ogtihiin magaalada (Baydhabo Janaay) waxaa loogaga dhawaaqay maamul goboleedka koonfurgalbeed ee soomaaliya. Taariikhdu markii ay ahayd (03/03/2014) waxaa madaxweynaha maamulgoboleedka Koonfurgalbeed loo doortay ninkii ugu mudnaa in xilkaas loo doorto. Ninkaas oo ah mudane (Col. Madoobe Nuunow Maxamed). Waxaana madaxweyne ku xigeen loo doortay mudane (Maxamuud Sayid Aadan). Madaxweyne ku xigeenka ninka loo doortay wuxuu ka soo jeedaa beelweynta (Mareexaan) halka madaxweynuhu uu ka soo jeedo qawmiyadda (Digil Iyo Mirifle).

Hadaba waxaa lays weydiinkaraa maxaa keenay in beesha (Sade) ay ka tanaasusho qorshihii ahaa Jubaland oo ay ku biirto maamulka (Koonfurgalbeed)?. Su’aashaas jawaaabteedu waa labo arimood.

1) Qorshihii ahaa Jubaland oo dhicisoobey. Fishilaad iyo colaad uu dhiig badani ku daatayna ay ka dhalatay.

2) Beesha (Mareexaan) oo kaarar badan jeebka ku haysata isbahaysi qorsoona la lahayd qawmiyadda (Digil iyo Mirifle). Una aragtay maamulka (Koonfurgalbeed) in uu 10 jeer uga faa’iido badanyahay qorshihii fashilmay ee Jubaland.

Shucuubta ku bohowdey maamulgoboleedka (koonfurgalbeed) waxay ogyihiin xogo badan oo soomaalida inteeda kale ka dahsoon, Maadaama ay yihiin dad in mudaaba gaashaanbuur qarsooni ay ka dhexaysey. Dowladlgoboleedka (Koonfurgalbeed) waxy ogyihiin in qorshihii Jubaland ahaa uu fashilmay, suuragalna aysan ahayn in dib loo soo nooleeyo. Laakiin maamulka koonfur-galbeed waxaa la filayaa in uu noqdo meesha keliya oo laga hago siyaasadda Soomaaliya. Maadaama uu yahay maamulgoboleedka ugu muhiimsan maamulgoboleedyada dalka.

Maxaa Sababay Fashilaadda Qorshihii Dhicisoobey Ee Jubaland?

Fashilaada qorshihii Jubaland waxaa sababay isla sababtii beesha Daarood fashilisay dagaaladii sagaashameeyadii ay la galeen beesha Hawiye, oo sida foosha xun oo ceebta ah looga adkaaday. Looguna geystey jabkii ugu xumaa oo weligood loo geysto. Si ay inoogo fududaato fahamka sida uu u fashilmay qorshihii Jubaland. Waxaa lama huraan ah inaynu runta isu sheegno oo aynu carabaabno beesha Daarood cida masiibada ku noqotay. Una sababta ahayd jabkii iyo fadeexaddii ugu xumayd ee abid soo gaarta.

Beesha (Mareexaan) waa la ogaa inay tahay beesha ugu muhiimsan beelaha Daarood ee geyiga soomaaliya ku nool, haday ahaan lahayd xaga kartida iyo waxqabadkeeda kalaba laakiin dagaaladii koonfurtu intay socdeen waxaa dhacay wax dad badan layaab ku noqday. Taas oo ah in cududii ciidan ee beesha Daarood marka labo loo dhigo meeli ay noqotay cududa beesha (Mareexaan). Mideeda kale ciidamada beesha (Mareexaan) waxaa cududa u weheshey waa dad tayo leh. Arintaas dad gunimo ku caanbaxay ayaa ka naxay. Haka naxeene waxaa taas ka darayd waxay halis u arkeen guusha Daarood. Iyaga oo istusay in hadii beesha Daarood ay guuleysato uu (Mareexaan) ka macaashayo. Oo uu kacaankii dib u soo laba kaclaynahayo.

Daaroodku ciidan iyo dhanka hubka ay wataanba markay ugu yaraato 20 jeer hawiye waa ay ka awood badnaayeen, Hadii beesha Dhebayaco ay dagaalka ka bixi lahaydna lama tabeen. Laakiin waxaa dhacday in ay beelo xayn ah oo ay hadeerba ku adeegato marka ay dhebayacadu furinta banayso ay raacijireen. Arintaas oo dhacday marar badan waxay lumisay is-aaminaadii. Waxaana la dareemay cadowga dibedda cadow ka daran oo axmaq ahi inuu beesha ku dhex jiro. Oo ciidankii Daaroodka khal-khal weyn geliyey sababna u noqday in laga adkaado. Sidaas darteed godobta ay galeen waagaas Dhebayaco iyo dadka ay cagaha ku qaadato maaha mid weligeed la ilaawi doono. Waxaana beelaha Daarood qaarkood ay u arkaan cadowga ugu xun ee ay leeyihiin in uu yahay beesha Dhebayaco.

Mahbarka iyo beelaha ay cagaha ku qaataan furinta waxay banaynjireen marka ay xabaddu bilaabato. Qolada sheegatada ah oo Daaroodka jabkiisa u sababta ah marka ay furinta baneeyaan, waxaa caado u ahayd inay inta dumarka iyo caruurta u tagaan ay yiraahdaan Daaroodkii waa laga adkaaday. Iyaga oo iska dhigaya niman dagaal soo galay oo la soo jebiyey. Marar badan ayaa waxaa dhacday in ciidamada Daaroodka xalaasha ah oo dagaalka ku guuleystey, ciidankiina uu horay u socdo oo ay degaamo cusub qabsadeen, in qolada sheegatada ah laga warhelijirey inay magaalada Kismaayo ku noqdeen.

Munaafaqaddii qolada sheegatada ah markii maaro loo waayey Beesha (Mareexaan) waxay ka fursanweydey inay ciidamadeedii gooni ula baxdo. oo ay furin iyaga u gaar ah ay samaystaan. Dhaqanka soomaalida ciidan furin ku jira kuligood in la laayo wax weyn maaha, laakiin waxaa wax weyn ah oo ceeb ah in goobta laga helo. Sababta oo ay tahay goobta marka lagaa helo waa lagaa adkaaday waana wax taariikda kuu gelaya. Beelihii u sababta ahaa in beesha Daarood la jebiyo oo ay Dhebayacadu ku adeeganjirtey oo aan degaanka jubooyinka u dhalan, ayaa waxaa loo adeegsadey ergo beenabuur ah oo lagu yiri (Axmed Qalbi-Madoobe) doorta si uu dagaal u dhaco. Waana arinta beesha Mareexaan aysan marna aqbalikarin oo ay ka dagaalantay. Garna ay ahayd in beelihii kale ee madaxweyneyaasha sheegtay inay ka dhiidhiyaan.

Magaalada Kismaayo markii jabhadda USC laga xoreeyey ma jaale Daarood baa xoreeyey?

Sow maahayn ciidanka magaalada qabtay (General Ahmed Warsame) oo hogaaminaya ciidan soocan oo beeshiisa ah. Arinta kale oo xusida mudani waxay ahayd (Mareexaan) markuu ciidankiisii gooni ula baxay wuxuu isku dayey inuu keligiis Xamar qabsado. Wuxuuna gaarey ilaa iyo magaalada (Afgooye). Weliba Mareexaan oo dhan maysan ahayn ee waxay ahaayeen 4 meelood ciidanka Sade meel, oo ahayd intii la socotey (Maxamed Siyaad Bare). Bal isweydii beel kale oo Daarood ah oo hankaas leh?. Run ahaantii anigu waxaan ogaadey waagaas Daaroodba inuu yahay (Mareexaan) iyo (Shinbiro).

Arinta kale oo muhiimka ah in la ogaado waxa weeye, Daarood marka ay ficilo noqoto reerka ugu diciifsani waa Dhebayaco, reerka ugu doqomada badanina waa Ogaadeen. Labadaas beelood oo isutegeyna waa Aafo masiibo ayaana ku dhacaysa meesha ay joogaan iyo waxa ka agdhowba. Doqomada beesha Ogaadeen ee caanka ah sidaad ogtihiin waxaa ka mid ah (Axmed Cumar Jees). Oo aan istaahilin in wakhti laysaga lumiyo sheeg-sheegidiisa. Balse ka waran markii naagigihii Dhebayaco intay (General Aadan Cabdulaahi Nuur Gabyow) iyo beeshiisa ay la shireen, ay godobtii ay Dhebayaco Daarood ka gashay oo dhan ay dusha ka saareen beesha (Maxamed Subeer)?. Iyaga oo ku eedeeyey lafta (Maxamed Subeer) inay ka baxday Daarood oo ay ku biirtay Hawiye. Jabka beesha Daarood soo gaareyna ay iyagu u sabab ahaayeen. Dhagartaas oo loola jeedey in beesha Ogaadeen dhexdeeda laysku dhufto.

Fidiyowga hoos ka muuqda waxaa laga duubay shirka munaafaqada ah ee beesha Dhebayaco ay la gashay beesha Cawlyahan. Ujeedadiisuna ay ahayd in laysku diro Ogaadeen dhexdiisa. Marxuum (Adan gabyow) waxaa lagu hodey adigaa beesha (Kab iyo Lax) gudoomiye u ah oo ugu sareeya markaasuu kala daatay. Fidiyowgaan sirta ah oo Dhebayaco bari-weyn lag furtay loona geeyey beesha lagu caayey ee (Maxamed Subeer) waakan, ee bal idinkuba ka bogta.

Nimankii (Maxamed Subeer) ee uu (Axmed Cumar Jees) wateyna ay arintaas ka gabyeen. Iyaga oo (Cawlyahan) iyo (Aadan Gabyow) midna aan soo hadal qaadin ee toos u abaaray naagaha majeerteen ee Ogaadeenka isku dhuftay. Waxayna Dhebayaco bariweyn ay u tiriyeen gabayga la yiraahdo “Kas iyo Maag) ee hoos ka muuqda. Hawraar taas oo aan cidna uga baahnayn fasiraad
macnaha loola jeedo.

Arinta kale ee muhiimka ah waxa weeye, Beesha (Kablalax) si kasta oo ay isu bahaysato iyo si kasta oo ay isugu habarwacato beesha (Mareexaan) uma ay babac dhigikarto. Wax badan bay beesha Kablalax iskudayday inay beesha (Mareexaan) ay magaalada Kismaayo kula tartamaan. Beesha Sade kablalax waa hore ayey quusisay. Weliba waxaa la orankaraa loolan kaasi beesha (Mareexaan) ugama uusan darin ee wuu uga reeyey. Maxaa yeelay magaalada Kismaayo 15 -kii sanadood ee ugu danbeeyey waxay noqotay magaalo Mareexaan. Shacabka magaalada kismaayo degan maanta marka ay ugu yaraato 80% waa Mareexaan. Gobalka Jubada hoosena degaamo badan oo cusub ayey ku yeesheen.

Awooda iyo kalsoonida beesha Sade ay isku qabto waxay gaartey heer qayb ka mid ahi isbahaysi ay la galaan qawmiyadda (Digil iyo Mirifle), Si ay (Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”) maamulkiisa ay magaalada Kismaayo ugala wareegaan.

Taariikhdu markii ay ahayd (13/07/2008) qayb ka mid ah beesha (Sade) ayaa digniin kama danbays ah u gudbiyey, wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladda federaalk (Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”). Digniinta loo jeediyey (Barre Hiiraale) waxay ahayd in hadii uusan ciidamadiisa xakamayn oo aysan fawdada joojin, inay gobalka jubada hoose iyo magaalada Kismaayo ay ku wareejinayaan isbahaysiga Koonfurgalbeed ee garabka Alshabaab. Dabcan (Barre Hiiraale) waxay hanjabaadaasi markaas la noqotay wax aan tolkiis ka suuroobin. Waxgaradka beesha (Mareexaan) markay arkeen in (Barre Hiiraale) uu digniintoodii dhayalsaday. Ayey taariikhdu markii ay ahayd (19/08/2008) waxay magaalada Kismaayo soo geliyeen ciidan (Sade), (Digil iyo Mirifle) ka kooban. Labo maalmood ayaa magaalada Kismaayo waxaa ka holcahayey dagaal lagu hoobtay. Maalintii sadexaad ee dagaalka oo ay taariikhdu ahayd (22/08/2008), goor waqtigu uu yahay 15:00 ayaa ciidankii (Bare Hiiraale) magaalada laga saaray oo laysugu geeyey garoonka diyaaradaha. Markuu xaalku halkaas marayo ayaa dagaalka waxaa ku soo biiray maleeshiyada beesha (Kablalax) oo aan war u hayn nimanka meesha isku hardinaya.

Taarikhdu maalintii ay ahayd (22/08/2008) beesha kablalax intay cimaamado gud-guduudan madaxa saarteen ayey yiraahdeen Xisbul Islaam ayaanu nahay. Iyaga oo la dagaalanka ciidamada Mareexaan ee (Bare Hiiraale) la socda qiil u banaysanaya.

Garabka beesha Mareexaan ee ka saaray magaalada kismaayo ciidamadii Mareexaan iyo (Bare Hiiraale) waxaa soo foodsaartay ceeb iyo ciil. Waaxaana soo wajahay labo furimood oo aysan midna ka fursanayn inay wajahaan. Arinka hore wuxuu ahaa sidii ay uga takhalusi lahaayeen maleeshiyada beesha kablalax ee u xasan turki madaxda u yahay. Arinta labaadna waxay ahayd, ciidamada (Bare Hiiraale) oo ku goodiyey dagaal rogaal celis ah magaalada kismaayo inay ku qabsanayaan la tacaalidooda.

Beesha (Mareexaan) waxay bilowday qorshihii ay beesha kablalax magaalada Kismaayo uga saari lahayd, oo intay wadada (Habaar-waalid) ku cayriso ay xeryaha qaxootiga isugu geynlahayd. Khayaanadii ugu horeysey waxay ahayd in maamul xisbul islaam iyo Al-shabaab ku magacaaban magaalada kismaanyo laga sameeyo. Arintaas oo loola jeedey in beesha kablalax lagu hoosaasiyo. Maamulka lagu sheegay islaamiga ee jubada hoose wax laga dhursugaba waxaa daboolka laga qaaday maalin sebti ah oo ay taariikdu ahayd (06/09/2008).

Xilka ugu muhiimsan ee gobalka jubada hoose iyo ilaha dhaqaalaha waxaa qaatay isbahaysiga koonfur-galbeed. Beesha Kablalaxna waxaa lagu samirsiiyey xilal magac u yaal ah oo wax macno ah aanan la hayn. Isbahaysiga koonfurgalbeed ee gobolka jubada hoose la wareegey waxaa madax looga dhigay (Sheekh Xasan Yacquub Cali), kana soo jeeda qawmiyadda (Digil iyo Mirifle) gaar ahaan beesha (Leysaan).

Taariikhdu markii ay ahayd (23/09/2009) xisbi islaam oo u ahaa beesha kablalax god ay ku dhuuntaan ayaa laga awdey, kadib markii dadyowgii ku weheshey laga kaxaystay iyada oo loo balanqaaday xilal iyo jagooyin. Baaqaas oo ay si niyadsami iyo deg-deg ah ku ajiibeen.

Taariikhdu markii ay ahayd (24/09/2009) horjoogaha maleeshiya beeleedka kablalax (Xassan Turki) ninka la yiraahdo, ayaa warbaahinta ka calaacalay sheegayna sida beeshiisa loo dhagray.

Taariikhdu markii ay ahayd (26/09/2009) waxaa magaalada Kismaayo banaankeeda soo degey ciidan duulaan ah oo beesha Ogaadeen ah, uuna wato waxmatare (Axmed Maxamed Islaan) oo gacanyare u ah (Xassan Turki). Labadaan nin ee Ogaadeen ee kala ah (Xassan Turki) iyo (Axmed Madoobe) waxay ahaan jireen in mudaaba labo dube oo u wax ku bur-buriyo (Xassan Daahir). Ee marna maysan ahayn niman rag ah oo tooda ku meel mara. Arinta dad badan ka yaabisay waxay ahay (Axmad Madoobe) magaaladii uu ku soo duuley meel agteeda ah markuu yimid ayuu cabsi darteed la seexday. Isbahaysiga koonfur-galbeed markii ay goosteen inay weeraraan maleeshiyada beesha Ogaadeen ee magaalada Kismaayo duleedkeeda soo fariistay, xataa kuma aysan war gelin madaxda xisbiga ay xulufada yihiin ee xisbulislaam.

Taariikhdu markii ay ahayd (30/09/2009) maamulka isbahaysiga koonfur-galbeed waxay magaalada Kismaayo uga dhawaaqeen, in maleeshiyada beesha Ogaadeen ee uu wato (Axmed Madoobe) ay weerarayaan. Waxayna xarakada xisbul islaam ay ugu baaqeen inay iska fogeeyaan ninka dagaal-oogaha ah ee (Axmad Madoobe) la yiraahdo iyo maleeshiya beeleedkiisa.

Taariikhdu markii ay ahayd (01/10/2009) ayey ciidamada isbahaysiga koonfur-galbeed ka dhabeeyeen hanjabaadoodii ahayd maleeshiyada (Axmed Madoobe) inay karbaashahayaan. Ciidamada isbahaysiga Koonfur-galbeed waxay hiirtii waaberi duulaan ku ekeeyeen fariisimada maleeshiyada beesha Ogaadeen ee uu (Axmad Madoobe) watey. Waxaana u suuragashay isbahaysiga koonfur-galbeed inay si sahlan uga adkaadaan maleeshiyada Axmed Madoobe.

Taariikhdu markii ay ahayd (04/10/2009) waxay ciidamada koonfur-galbeed ay uga dabatageen firxadka maleeshiyadii la jebiyey tuulada (Siinka-Dheer). Tuulada (Siinka-Dheer) oo kala barta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow. Ayna marto wadada Fiya-afmadow ee isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow. Halkaas oo mar kale laga qabsaday maleeshiyada (Axmed Madoobe) firxadkoodii. Isla maalintiiba ciidamad qabsaday tuulada (Siinka-Dheer) kuma aysan hakan ee waxay u baqooleen magaalada (Afmadow).

Taariikhdu markay ahayd (05/10/2009) ayey isbahaysiga ciidamada koonfur-galbeed ay shalmadaha dhigteen magaalada (Afmadow), kedib markii ay mar kale u xoog sheegteen maleeshiyo beeleedka (Axmed madoobe) uu wato.

Ciidamada isbahaysiga koonfur-galbeed markay gebi’ahaanba qabsadeen gobolka J/hoose waxay bilaaabeen inay wiiqaan awooda beesha Ogaadeen. Waxayna gacanta ku dhigeen dhamaan degaamada beesha ogaadeen. Isbahaysiga koonfur-galbeed si ay u qanciyaan beesha Sade ee garabka taageersan (Bare Hiiraale), oo ay ugu muujiyaan inay iyagu difaacayaan danaha beesha Mareexaan. Waxay maleeshiyada beesha Ogaadeen ay ku qasbeen inay xeryaha qaxootiga ee keenya ay iska xaadiriyaan.

Taariikdu markii ay ahayd (06/10/2009) ciidamada isbahaysiga koonfur-galbeed waxay magaalada (Afmadow) ay ku qabteen xaflad damaashaad ah. Iyaga oo sheegay inay ka taqaluseen maleeshiyada beesha Ogaadeen. Arinta kale oo xusida mudan waxay ahayd in maleeshiyo beeleedkii beesha harti oo dagaalkii sadexda maalmood ka qaybqaatay, Dagaalkii (Bare Hiiraale) kismaayo looga saarayna maalintii sadexaad la saftay isbahaysiga koonfur-galbeed. Oo run ahaantii ahaa tiro aad u yar oo xeryaha qaxootiga ka yimid. In markii beesha Ogaadeen la weeraray aysan arada joogin oo xeryaha qaxootiga ay dib ay ugu laabteen. Iyaga oo dareeemay halista beesha Ogaadeen ku soo fool leh kana qaxay magaalada Kismaayo.

Arintaas waxaa u sabab ahayd Afar arimood:

1) Beesha (Mareexaan) iyo (Kablalax) oo dhawr jeer oo hore ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

2) Beesha Mareexaan oo ah beesha ugu awooda badan beelaha dega koonfur-galbeed oo quusisay beesha Kablalax kana adkaatay dhawrkii jeerba.

3) Magaalada Kismaayo oo noqotay intii ka danbeysey 1990 -kii magaalo Mareexaan, Siiba 15 kii sano ee ugu danbeeyey oo magaalada Kismaayo shacabka degan ugu yaraan 80% ay noqdeen beesha (Mareexaan).

4) Beesha (Kablalax) oo isbahaysiga koonfur-galbeed u aragtay narsi rabi u soodiray iyo fursad qaali ah oo ay heleen, maadaama ay la dagaalameen (Bare Hiiraale) oo ay ka saareen magaalada Kismaayo. Laakiin markii ay ogaadeen xaqiiqda dhabta ah ku argagaxay oo kala cararay.

Dagaalkii Magaalada Kismaanyo Ka Dhacay Iyo Asbaabihii Dheliyey.

Dagaalkii ugu danbeeyey ee magaalada Kismaayo ka dhacay iyo fashilaada uu fashilmay qorshihii jubaland waxaa abaabuley beesha Dhebayaco, Waxaana fuliyey (Axmed Qalbi Madoobe) oo ah nacas si sahlan loo isticmaalikaro. Qorshaha xulufada (Axmed Qalbi Madoobe) wuxuu ahaa in beesha (Sade) dagaal lala galo oo magaalada Kismaayo laga qixiyo. Iyada oo laga faa’iideysanayo inta ciidamada keenyaatigu ay magaalada haystaan. Ninka la faray in uu qorshahaas fuliyana wuxuu ahaa (Axmed Qalbi Madoobe). Wejiga hore ee qorshaha isbahaysiga waxmatareyaashu wuxuu ahaa in shirka doorashada la marinhabaabiyo. Lana abuuro shir beenabuur ah oo ay ergooyink ka yihiin dad diyaarad lagu keenay oo aan degaan ku lahayn Jubooyin iyo gedo. Dadka ergooyinka ah waxaa lagula soo balamay in marka magaalada Kismaayo ay tagaan ay waraysi siiyaan TV-ga mahbarka ee Somali Chanel, Marka la waraystana ay yiraahdaan beeshayadu (Axmed Madoobe) ayey taageersantahay.

Hadaba run ahaantii beelahaani waxay ahaayeen beelo Harti ah oo ay beesha dhebayaco ku adeegato, Arintaasi waxay ka caraysiisay beelo badan oo gobalada jubooyinka iyo magaalada Kisaamyo dega. Waxaana khasab ku noqotay inay xulufo la noqdaan Beesha Sade oo runtii ah beel aad u dadladhaqan wanaagsan saaxiibo badanna leh. Isbahahaysigii Koonfur-galbeed ayaa isaguna arintaan aad uga carooday oo abaabuley maamulgoboleedka koonfur-galbeed.

Arintaas shirqoolka ah waxaa kaloo si xun uga carooday siyaasiyiinta beesha Ogaadeen sida (Shiikh Shakuul) iyo (Gaandi) oo hadii iyaga la dooran lahaa uusan dagaal dheceen. Maadaama ay yihii dad aqoonyahano ah oo sumcad iyo sharaf weyn bulshada ku dhex leh. Aana ahayn dad lagu adeegankaro sida (Axmed Qalbi Madoobe). Dagaalkii magaalada Kismaayo ka dhacay ee ugu danbeeyey iyo intii ka danbeysey dadka ku dhintay waxay kor u dhaafeen 90 qof. Intaas waxaa weheliya hadaad waraysato dadka magaalada Kismaayo degan, waxaad ogaaneysaa in magaalada uu bur-bur xoog lihi gaarey. Bur-bur kaas oo loo geystey hantida beesha magaalada kismaayo afar meelood sadex meelood iska leh. Arintaasina waa arin culays weyn ku haysa beesha (Sade). Arinta kale oo taas ka sii darani waxay tahay wax suuragal noqonkara maaha dad ciidamo shisheeye isu adeegsadey inay wax wada wadaagaan.

Maamulka Koonfurgalbeed Iyo Siday Uga Faai’iideysankaraan Shucuubta Ku Midowdey Maamulgoboleedka Koonfur-galbeed

Markii lagu dhawaaqay maamul goboleedka lixda gobol ee koonfur-galbeed in dadka qaar ay ka naxaan wax lala yaabo maaha. Maamul goboleedka koonfur-galbeed hada dowladda federaalka xilalka ugu muhiimsan iyagaa haya. Sida 1) [Ra’iisulwasaaraha], 2) [Ra’iisul -baarlamaanka], 3) [Wasiirka Gaashaandhiga], 4) [Abaanduulaha Ciidamada]. Waxay kaloo ay haystaan codka ugu badan ee baarlamaanka federaalka. Taas oo u macnaheedu yahay dowladda federaalku waxay hoos tagtaa maamulgoboleedka koonfur-galbeed. Intaas waxaa weheliya isbahaysiga koonfur-galbeed degaamada J/dhexe, J/hoose, Gedo, Bay, iyo Bakool iyagaa gacanta ku haya. Meelo yar-yar mooyaane.

Mudadii isbahaysiga koonfur-galbeed uu gacanta ku hayey magaalada Kismaayo qawmiyadda (Digil iyo Mirifle) aad ayey uga faa’iideen. Ganacsatada beelaha (Digil iyo Mirifle) waxay shanta darsadeen oo ay dhadhamiyeen miid. Waxaa aad hoos ugu dhacay qiimaha badeecadaha dibeda laga keeno ee gobolada Bay iyo Bakool. Maadaama canshuurta dekeda kismaayo ay ahayd mid aad u jaban. Shaqaalaha dekedda iyo maamulka magaalada Kismaayo oo ay qayb muhiim ah ka noqdeen. Siyaasiyiinta beesha Mareexaana ujeedadoodu waxay ahayd inay tusaan in labada quwadood ay isubaahanyihiin. In la mideeyana ay dan u tahay labada umadood.

Markii magaalada Kismaayo uu dagaalku ka dhacay oo ciidamadii beesha Mareexaan ee uu watey (Col. Bare Aadan Shire) ciidamada keenyaatigu ay kismaayo ka saareen, Waxaa shacabka beesha Mareexaan ee magaalada Kismaayo degan lagu fuliyey qorshihii ahaa in la xasuuqo si ay magaalada Kismaayo uga qaxaan. Maadaama ciidamadoodii difaaca u ahaa ay keenyaatigu magaalada ka saareen. Arintaasi waxay dhalisay in garabka beesha mareexaan ee isbahaysiga koonfur-galbeed iyo (Col. Bare Aadan Shire) ay heshiiyaan. Waxaana laysku afgartay in maamulgoboleed balaaran la sameeyo oo ay ku mideysanyihiin beelaha dega koonfur-galbeed oo dhan. (Col. Bare Aadan Shire) na waxaa loo xilsaaray inuu hogaamiyo ciidamada dowladgoboleedka (Koonfur-galbeed) loogu talogalay inay qabtaan degaamada aan weli gacantooda ku jirin ee gobalka J/hoose. Oo ay ugu horayso magaalada Kismaayo.

Dhowaan waxaa magaalada Kismaayo tegey ra’iisalwasaaraha dowladda federaalka (Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed). Ra’iisal wasaaruhu xiisadda magaalada kismaayo ka taagan wuxuu iskudayey in uu xal u helo. Maleeshiyo beeleedka (Axmed Madoobe) u wato ee kuu-kuuyada ku lamaan, wax kasta oo ay islahaayeen (Bare Hiiraale) iyo beeshiisu waa ay ku qancayaan waa ay ogolaadeen. Qodobada ay ogolaadeen kooxda gabalkoodu u dhacay ee kuu-kuuyada miciinka biday waxaa ka mid ah qodobada soo socda.

1) In amniga magaalada Kismaayo ay la wareegaan ciidamo dhex-dhexaad ah, qaasatan ciidamada (Siiralyoon) iyo (Brundi).

2) In ciidamada tuulada (Goobweyn) jooga hubkooda ay magaalada Kismaayo la soo galaan ayna ku soo noqdaan saldhigoodii hore.

3) In heshiisyadii Addis-Ababa iyo Muqdisho ka soo baxay la dhaqangeliyo.

4) In madaxweyne (Bare Hiiraale) iyo (Axmed Madoobe) ay magaalada Kismaayo wada joogaan ayna is tixgeliyaan.

Laakiin heshiis kaas (Col. Bare Aadan Shire) iyo beeshiisuba waa ay ku gacansayreen. Sababta oo ay tahay beesha (Sade) inay la heshiiyaan kooxda Raas-kaanbooni uma ay baahna. Maadaama qorshihii Jubaland uu fashilmay beesha Mareexaana ay hada kamid tahay dowlad goboleedka lixda gobol ee koonfur-galbeed. (Col. Bare Aadan Shire) na uu ka mid yahay maamul kaas dadkii wax ka aas-aasay. Middeeda kale ra’iisal wasaare (Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed) waa nin dowladgoboleedka koonfur-galbeed ka soo jeeda. Dantiisuna waxay ku jirtaa inuu ka shaqeeyo danaha maamulgoboleedka reer Koonfur-galbeed. Waayo haduu si fiican ula shaqeeyo waxaa u suurogalaysa in doorashada soo socota loo doorto madaxweynaha dowlada federaalka. Laakiin haduu ku kaco wax ka soo horjeeda danaha shacabkiisa. Fursada uu hada haysto waxaa helahaya siyaasi kale oo ka soo jeeda dowladgoboleedka koonfur-galbeed.

Madaxweyne (Col. Madoobe Nuunow Maxamed) Waa Kuma?

Madaxweyne (Col. Madoobe Nuunow Maxamed) waa nin aan si fiican u aqaan oo an jeclahay. Mujaahid (Col. Madoobe Nuunow Maxamed) waxuu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminayey ciiidamada soomaaliya dagaalkii 77 -ka. Mujaahid (Col. Madoobe Nuunow Maxamed) waa siyaasi xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo siyaasiyiinta reer Tanadland. Xiriir kaasna wuxuu soobilowday dagaaladii muqaawamada. Madaxweyne (Col. Madoobe Nuunow) waa nin aad u ficilo badan oo aragti dheer. (Col. Madoobe Nuunow) waa ninka ugu ficilo badan siyaasiyiinta qawmiyadda (Digil iyo Mirifle). Mudadii magaalada Baydhabo ay fariisinka u noqotay ciidanka itoobiya iyo maleeshiyo beeleedka dabadhilifka u ah. Shacabka (Digil iyo Mirifle) waxaa loo geystey dhibaatooyin farobadan.

(Col. Madoobe Nuunow) waa siyaasigii siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ugu horeeyey oo abaabula in maleeshiyo beeleedka Pintiland laga sifeeyo degaankooda. Maadaama reer Tanadland ay kaalin fir-fircoon ka qaateen dagaalkii lagula jirey itoobiyaanka iyo kabaqaadyadooda. Waagaas ayey xulufo noqdeen mujaahid (Col. Madoobe Nuunow).

Labada nin ee aragtidaas mid la mid ah qabey waxay ahaayeen (SH Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur) iyo (Sheekh Xasan yacquub Cali). Labdaan wadaad waxay kaloo qayb libaax ka soo qaateen dagaalkii muqaawamada. Taariikhdu markii ay ahayd (22/08/2008) ciidamadii muqaawamada ee qabsaday xerada (Daynuunaay) oo u dhow magaalada Baydhabo. Kedib waxaa dhacaday in mujaahidiintii muqaawamada ay ciidanka itoobiyaanku dib u soo riixeen.

Arintaasi waxay sababtay in ciidamada itoobiyaanku ay ku amraan maleeshiyo beeleedkii dabodhilifka u ahaa, inay difaac ka galaan magaalada (Diinsoor). Halkaas oo ay ka geysteen falal waxashnimo ah oo la mid ah kuwii ay ka geysanjireen magaalada Baydhabo. Dadka ay maleeshiya beeleedka gaaloraaca ahi ay waxyeelada ugu geysteen magaalada Diinsoor waxaa ka mid ah weriye (Maxamed Macalin Cismaan “Allman”). Weriye (Maxamed Macalin Cismaan “Allman”) wuxuu ahaa weriyaha uga soo warama Somalitalk.com maggalada Baydhabo. Weriye (Maxamed Macalin Cismaan “Allman”) wuxuu had iyo jeeraale ka soo waramijirey xaqiiqada ka jirta degaamada qawmiyadda (Digil iyo Mirifle). Haba ugu daraadeen falaka wuxuushnimada ah ee ay dadkiisa kula kacaan shuftada gaaloraaca ah.

Nasiibdaro, waxaa dhacday taariikhdu markii ay ahayd (19/02/2008) in weriye (Maxamed Macalin Cismaan “Allman”) jirdil iyo xarigba loo geystey iligna laga jebiyey. Iyada oo lagu maagay maxaad xakhiikhada iyo dhibaatada dadkaaga lagu hayo aad uga hadashay!!. Dhacdodaas foosha xun oo u maqaal ka qoray weriye (Maxamed Macalin Cismaan “Allman”). Halkaan tuuji si aad u aragtid maqaalka ka hadlaya sida foosha xun ee loola dhaqmay Weriye (“Allman”) www.somalitalk.com

Halkaan hoosana waxaad ku arkaysaa maqaal ka hadlaya sida ciidamada geesiyiinta ah ee (Koonfur- Galbeed) ay u jebiyeen maleeshiyada gaaloraaca ah, Ee mahbarka iyo midiidinkooda isugu jira. www.somalitalk.com

Nasiib wanaag maalinta uu weriye (Maxamed Macalin Cismaan “Allman”) maqaalka uu qoray uu soo geliyey (Somalitak.com), Waxay ahayd labo maalmood kedib maalintii la xiray oo ay ciidamada (Digil iyo Mirifle) ay dib u qabsadeen magaalada Diinsoor. Maleeshiyadii gaaloraaca ahaana kuligood inta magaalada lagu hareereeyey lagu xasuuqay. Madaxweyne (Madoobe Nuunow Maxamed) wuxuu ahaa weligiis siyaasiga ugu codka dheer oo mar walba u dooda qadiyadda qawmiyadda (Digil iyo Mirifle). Markii uu baarlamaanka soomaaliya uu shariif Sakiin xilka ka qaaday. Madaxweyne (Madoobe Nuunow Maxamed) waxaa loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka. Gudoomiye ku xigeenka baarlamaankana waxaa loo doortay nin reer Tanadland ah oo layiraahdo (C/qaadir Xaaji Ismaaciil). Wadashaqaynta siyaasiyiinta reer Tanadland iyo madaxweyne (Madoobe Nuunow Maxamed) na waxay gaartey heerkii ugu sareeyey.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta reer Tanadlad waxay ku qasbanyihiin inay isbahaysiga koonfur-galbeed ay xulufo la noqdaan, Maadaama nacaskii (Axmed Qalbi Madoobe) ahaa uu xulufo la noqday naagihii (Habar-majeerteen).

Arinta kale oo muhiimka ah waxa weeye siyaasiyiinta reer Tanadland waxay rabaan in beesha Dhebayaco cadaadis dhanka federaalka laga saaro. Duulaana ay ku qaado oo ay degaano badan ka sifeeyaan. Isbahaysiga Koonfur-galbeedna wuxuu leeyahay hadaf ah Dhebayaco iyo inta ay ku adeegataba in la cidibtiro. Marka dowlad goboleedka (Koonfur-galbeed) waa dowlad goboleed aynu xulufo nahay. Sidaas Lacal adligeed, waxaan qormadayda ku soo gabagabeynayaa hambalyo kal iyo laab ah oo aan u dirayo shacabka iyo madaxda dowladgoboleedka koonfur-galbeed. Khaasatan waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa madaxweyne (Col. Madoobe Nuunow Maxamed) iyo madaxweyne ku xigeen (Mud. Maxamuud Sayid Aadan). Waxaan hambalyo taas la mid ah aan u dirayaa abaanduulaha ciidamada dowladgoboleedka (Koonfur-galbeed) mujaahid (Col. Bare Aadan Shire) Aniga oo leh “Cimrigood Jiryow Cadowgiin Ha Jabo.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland By, Saxardiid Xareed Bulxan

Waraysiga uu bixiyey Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed (Mud. C/laahi Maxamed Idiris). Isaga oo difaacay moqifka (Col. Bare Aadan Shire) iyo ciidamada dowladgoboleedka Koonfur-Galbeed ee ku sugan tuulada (Goobweyn).
“http://saadaalnews.net/wp-content/uploads/2014/04/Wasiir-Cabdullaahi-Maxamed-Idiris-Saadaal-Media-Network.mp3″>

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos