Hogaamiyeyaasha Reer Tanadland Oo Dowladda Dhexe Heshiis La Galay, Beelaha Gal-Mudug Na Mid-Mid Ula Shirahaya.

Hogaamiyeyaasha Reer Tanadland Oo Dowladda Dhexe Heshiis La Galay, Beelaha Gal-Mudug Na Mid-Mid Ula Shirahaya.

Qorsheha balaarinta (Gal-Mudug) waa qorshe la doonayo in dowlad goboleedka (Gal-Mudug) lagu daro galbeedka Mudug, Nugaal iyo Bari. Hogaamiye yaasha reer Tanadland waxay balanqaadeen in ay door lixaadle ay ka qaadanayaa qarashka ku baxay, dekadda caalamiga ah ee magaalada Hobyo. Marka ay dekaddu furantana, ganacsatada reer Tanadland ee maraakiibta iyo doomaha kireysta ay u soo wareegidoonaan dekadda (Gal-Mudug).

Sidaad ogsoontihiin, mudadii loo cayimay in lagu aas-aaso Golaha Hoggaanka Beesha Tanade (GHBT). Waxaa ka dhiman mudo 3 bilood iyo bar ku dhow. Waxaa kaloo jirta in hogaamiye yaasha hada talada umadda reer Tanadland haya, in shirkii Gaalkacyo kedib ay hawlo balaaran oo wax ku ool ah ay u qabteen umadda Tanadland. Dhawaan hogaamiyeyaasha reer Tanadland waxay la kulmeen oo heshiis qabyo ah ay la galeen, taliyaha ciidamada dowladda dhexe (Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod). Heshiis kaas dhamaystir kiisa na waxaa lagu balamay in uu magaalada Xamar ka dhaco.

Heshiis kaas qabyada ahi wuxuu suurogeliyey in reer Tanadland ay marti geliyaan maleeshiyo isku-dhaf ah iyo ciidamo dowladda dhexe ka socda. Ciidan kaas oo ciidan yar ah oo kuligood 200 oo nin ah. Ciidamo daas waxaa taliye u ah nin reer Tanadland ah oo la yiraahdo (Cabdul Warsame Cismaan “Dhegey”). Ciidamo daasna waxaa la soo dejiyey oo ay deganyihiin hada galbeedka xaafadda Garsoor.

Walow ciidamo daas reer Tanadland ay balan qaadeen inay marti geliyaan, hadana waxaa jirtay in markii ay soo degeen galbeedka xaafadda Garsoor. In maleeshiyo reer Tanadland ahi ay weerareen oo ay rag ka laayeen qaarna ay ka dhaawaceen ciidnka huwanta ah. Arintaas waxaa sabab u ahayd dad badan oo reer Tanadland ah ayaa waxay ka caroodeen in iyadoo uusan dhicin heshiis buuxa in ciidan la keeno Galbeedka xaafadda Garsoor. Hada waxaa la baahiyey warar sheegaya in ciidamadaan la siyaasadeeyey oo hada iyo wixii ka danbeeya loo adeegsan doono, hab lidi ku ah beesha Habar majeerteen.
Si la mid ah sidii dhacday maalintii dhaweyd, markii ninka beesha Direed ee ay Sacad ku abtiga u yihiin uu ninka Dhebayaco da ah ku diley suuqa Gaalkacyo.

Marka hogaamiye yaasha reer Tanadland muhiimadda koobaad ee magaalada Xamar ay u tageen waxay ahayd, inay la shiraan ra’iisal wasaare Khayre iyo madaxweyne Faramaajo. Si heshiiska qabyada ah dhamaystirkiisa iyo arimo badan ay ugala hadlaan.

Muhiimadda Maamul Gobaleedka Gal-mudug:

Maamul goboleedka Gal-Mudug waxaan shaki uusan ku jirin in uu yahay maamul goboleedka ugu muhiimsan, maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya oo dhan. Sidaad ogsoontihiin ra’iisal wasaare (Xassan Cali Khayre) iyo madaxweyne (Maxamed Cabdullahi Farmaajo), waa labo nin oo reer (Gal-Mudug) ah. Qorshaha reer Tanadland ay wataan, oo ah in umadda reer Tanadland ay ku biirto bulshada reer (Gal-Mudug), oo degaamada reer Tanadland ee gobalada Nugaal, Bari iyo Mudug na ay noqdaan degaamo ka tirsan maamul gobaleedka (Gal-Mudug). Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya na aad ayey ugu farxeen una soo dhaweeyeen qorshehaas.

Marka muhiimadda la baad oo hogaamiyeyaasha reer Tanadland ay gobalada dhexe iyo magaalada Xamar ay ugu socdaaleen waxa weeye, beelaha ku midoobey dowlad goboleedka (Gal-Mudug) in beel walba ay si gooni ah ula kulmaan oo ay ka dhaadhiciyaan qorshaha balaarinta dowlad goboleedka (Gal-Mudug).

Qorshaha Balaarinta Dowlad Goboleedka (Gal-Mudug):

Qorsheha balaarinta (Gal-Mudug) waa qorshe la doonayo in dowlad goboleedka (Gal-Mudug) lagu fidiyo, oo lagu daro galbeedka Mudug, Nugaal iyo Bari. Hogaamiye yaasha reer Tanadland waxay balanqaadeen in door lixaad leh ay ka qaadanayaa, qarashka ku baxaya dhismaha dekadda la doonayo in laga dhiso magaalada Hobyo. Marka ay dekaddu furantana, ganacsatada reer Tanadland ee maraakiibta iyo doomaha kireysta waxay u soo wareegi doonaan dekadda (Gal-Mudug).

Muhiimadda Ku Biiridda Tanadland Ee Gal-Mudug:

Sidaad la socotaan dekaddii Bosaso ahayd waa hore ayey xirantay. Sababtuna waxaa weeye arimo dhawr ah oo isbiirsaday.

1. Cadaawadda beesha Ogaadeen iyo madaxdoodu ay u qabaan beesha majeerteen ayaa la oran karaa, sababta ugu muhiimsan ee ay dekedda Bosaso u xirantay. Sababtuna waxa weeye madaxda ismaamulka Soomaalida ee DDS, qaasatan beesha Ogaadeen kuligood waa dad ka mid ahaanjirey waagii hore jabhadda ONLF. Sababta ay dowladda itoobiya ay ula heshiiyeena waxay ahayd inay ka aarsadaan beesha Habar-majeerteen.

Tusaale ahaan, waayadii hore xoolaha ugu badan ee laga dhoofiyo dekadda Bosaso waxaa laga keenijirey gobalada DDS oo dhan. Degaamada DDS ee itoobiya oo dhan waxaaa ku yaala wadooyin laami ah oo had iyo jeer la dayactiro. Marka gaadiidka xamuulka qaada si deg-deg ah ayey ugu kala socdaan magaalooyin aad u kala fog oo ku yaala DDS.

Shirkadda ugu weyn oo xoolaha laga keeno itoobiya dhoofisa iyo gaadiidka xamuulka ah ee qaadaba, waxaa lahaa ganacsato reer Tanadland ah. Oo xoolaha dekadda Bosaso ka dhoofin jirey. Madaxda iyo siyaasiyiinta beesha Ogaadeen waxay la shireen ganacsatada reer Tanadland. Waxayna ay u sheegeen arin ay ganacsatada reer Tanadland ay aad ugu farxeen.

Madaxda Ogaadeen waxay yiraahdeen “Dowladda itoobiya iyo wadamada carabta ee xoolaha soomaalida iibsada heshiis wax-wadaqabsi ayaa dhexmaray. Heshiis kaasina wuxuu dhigayaa in xoolaha Itoobiya wershad weyn oo lagu qalo laga sameeyo DDS. Gaar ahaan magaalooyinka garoomada waaweyn leh ee (Jig-jiga) iyo (Qabri-dahare). Hilibkana qiimahiisa kilo-kilo loo xisaabo oo isaga oo diyaar ah oo bacaysan wadamada carabta diyaarado lagu geeyo.

Marka ganacsatada reer Tanadland waxaa loo sheegay inay mashruucaas ka faa’iideystaan oo xoolaha ay geeyaan magaalada (Jig-jiga), halka ay magaalada Bosaso oo aad uga fog degaamada xoolaha laga keeno ay geynayaan. Bilowgii sanadkii 2016 -ka ganacsatada xoolaha dhoofiya iyo gaadiidleyda xoolaha qaada ee reer Tanadland, waxay bilaabeen inay ganacsigooda ay u wareejiyaan magaalada (JigJiga) oo ay joojiyeen isticmaalka dekadda Bosaso.

2) U wareegida ganacsatada xoolaha dhoofiya iyo gaadiidleyda xamuulka qaada ee reer Tanadland ay u wareegeen magaalada (JigJiga). Waxay u geysatey dekadda Bosaso cawaaqib-xumo ka balaaran xoolihii ay ka dhoofin jireen dekadda Bosaso. Ganacsatada reer Tanadland ee xoolaha dhoofiya, waagii hore marka ay xoolaha dhoofiyaan waxay lacagta ay ka helaan ay ku soo kireysan jireen doomo iyo maraakiib. Waxayna badeecadaha u rari jireen dadka raba inay dekadda Bosaso ka soo dejiyaan badeecadaha kala duwan.

Laakiin intii ka danbeysey bilawgii sanadkii 2016 -ka ganacsatada reer Tanadland ee magaalada (JigJiga) xoolaha ka dhoofiya, marka ay lacagta xoolaha la dhoofiyo ay helaan waxay bilaabeen inay dekadda Xamar ay wax kala soo degaan. Arin taasina waa arinta labaad ee u sababta ah in magaalada Dubai laga waayo markab iyo doon kiro ah oo u socota dekadda Bosaso. Beesha majeerteen markii hore waxay isku dayeen inay doomo yar-yar oo $25,000 ilaa $30,000 halkii todobaad ah inay kireystaan. Laakiin waxay waayeen rar ku filan oo doomaha yar-yarka ah u buuxiya. Waxaana hal kaas uga gubtey ganacsatada habar-majeerteen xoogaagii yaraa oo xaaraanta ahaa.

Mideeda kale ogsoonow, dowlad deegaanka DDS waxay heshiis la galeen dowladda Jabuuti. Badeecadaha ay dibedda uga baahanyihiin oo dhan na waxay kala soo degaan dekadda jabuuti. Beelaha gobalada dhexe ilaa gobalka Hiiraan na hada waxay ku xiranyihiin dekadda Xamar. Hada Caqli xumadooda Dhebayacadu waxay iska dhaadhiciyeen in hadii wadada koontaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo la furay, in gaadiidkii iyo ganacsatadii gobalada dhexe ilaa Hiiraan ka imaanjirey oo dekadda Bosaso ay ku noolayd inay soo laabanahayaan. Oo warba uma ay hayaan in lagu heshiiyey in dekadda Xamar la sii isticmaalo inta dekadda Hobyo laga furahayo. Si beesha majeerteen looga xiro dekadda Bosaso oo dhaqaale ahaan loo curyaamiyo.

Run ahaantii dadka Daarood ka ah marka ay magaalada Xamar tagaan, oo ay arkaan sida muga leh ee ganacsatada reer Tanadland ay ugu soo laabteen magaalada Xamar. Marka ay ku noqdaan aradii ay ka yimaadeen. Waxa ugu layaabka badan ee ay magaalada Xamar ku soo arkeen, oo ay dadka uga sheekeeyaan waxa weeye. Sida ganacsatada reer Tanadland ay u iimaansadeen magaalada Xamar oo ay sida xooga leh ay ugu soo laabteen. Ganacsatada reer Tanadland waxay noqdeen ganacsatada ganacsiyada ugu badan ku leh magaalada xamar, oo beesha Daarood ah. Ganacsatada reer Tanadland hoteelada oo keliya waxay ku leeyihiin 5 hoteel, oo 4 ka mid ahi ay yihiin hoteelo waaweyn.

Intaas waxaa weheliya ciidamada XD ee dowlada federaalka, ciidamada Daarood ka ah ee ku jira ciidamada labaad ee ugu badan waa ciidan reer Tanadland ah. Dekadda Bosaso markii ay xirantay sanadkii 20116 -da. Ayaa si ku meelgaar ah oo tijaabo ah waxaa loogu dhiibey shirkadda DP Wold. Shirkadda DP Wold mudadii yarayd ee ay gacanta ku hayeena dekadda Bosas. Markay ogaadeen in dekadda wax daqli ah oo ka soo baxaa aysan jirin. Waxay aad u kordhiyeen qiimihii lagu xanshuurijirey badeecadaha ka soo dega dekadda Bosaso.

Dekadduhu waa ilo dhaqaale oo muhiim ah. Dekadda waxaa lamahuraan ah inay hesho ganacsato waaweyn oo maraakiibta iyo doomaha kireysta. Markabka ama doon marka uu qofka ganacsadaha ahi uu kireysto, waxaa daruuri ah ganacsade haasi in uu si dhaqso ah uu u helo ganacsato badan oo markabka ama doonta rarta. Ganacsatada maraakiibta ama doomaha rarta hadaysan mudo cayiman oo isbuuc ama 2 asbuuc ah ay rar ku waayaan. Waxaa dhacaysa inay lacag badan ay qasaaraan. Lacagtii curaarta ahayd oo laga qaatayna ay ka gubato iyadoo markabkii ama doontii ay kireysteen aysan weli dhaqaaqin.

Ganacsatada meeldhexaadka ah iyo kuwa yar-yar, oo maraakiibta iyo doomaha rartaana ma’ay iibsadaan wax badeecooyin ah jeer ay helaan, markab ama doon diyaar ah oo rar loo raadinayo. Hadii aysan saas yeelin badeecooyinku baqaarada ayey uga daahayaan oo qasaaro maaliyadeed ayaa soo gaarahaya.

Reer Tanadland si aan la qiyaasikarin ayey u danaynayaan in si dhaqso ah loo dhiso dekadda Hobyo. Loona dedejiyo inay noqoto dekad caalami ah oo maraakiib badani ay ku soo xirtaan. Aadna u mashquul ah oo ay ku xiran yihiin ganacsatada ku bahoobey dowlad goboleedka (Gal-Mudug) iyo DDS. Danahaas oo isugu jira danno dhaqaale iyo isbahaysi siyaasadeed oo lagu baabi’inayo gunta habar-majeerteen iyo cayayaanka ay ku adeegato.

Halkani Waaa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos