Habar-majeerteen Oo Somaliland Isu Dhiibey Heshiis Qarsoodi Ahna La Galay

Habar-majeerteen Oo Somaliland Isu Dhiibey Heshiis Qarsoodi Ahna La Galay

Siyaasi Axmed Xaaji Aadan "Somaliland Ciidanka Dhulbahante Ee Tuutaha Somaliland Qaba oo Tukoraq Fadhiya Hanaga Ceshadaan, Majeerteen Alshabaabka Warsangeli Ayuu Dagaal Kula Jiraane".

[Fiiro Gaar ah (Axmed Xaaji Aadan) waa nin had iyo jeeraale ka sheekeeya maqaayadaha iyo hoteelada reer Tanadland ay ku leeyihiin magaalada Garoowe, sabab tuna waxa weeye wuxuu ka mid yahay 5 siyaasi oo beesha Dhebayaco ah, oo aaminsanaa markii Puntland la sameynayey in beelaha Dhulbahante iyo Warsange in aan lagu darin Puntland oo ay reer Somaliland ay yihiin. Sababtuna waxay ahayd cabsi ay ka qabeen waagaas Somaliland inay qabsato magaalada Garoowe, oo u dhow xuduuda Somaliland oo ah Yoocada-Garoowe.]


[Meeshaan kore ka dhegayso Garaad Saleebaa oo ka maadeynaya sida dhawr jeer oo hore iyadoo aan dagaal dhicin ciidamada Somaliland ay degaamo uga qabsadeen oo looga cararay, iyo sida arintaas fuleynimada ahi ay u soo kartay. Oo ay hada uga go’antahay inay dagaalamaan oo ay degaanada gobalka Sool ay u xoraystaan. Balse Garaad Saleebaan wuxuusan ogeyn in Habar-majeerteen ay heshiis qarsoodi ah la galeen Somaliland. Oo xataa ciidamada Somaliland Hadii ay soo galaan magaalada Garoowe, inaan laga yaabin inay Habar-majeerteen ay wax iska caabin ah sameeyaan.]

Fadeexaddii ugu xumayd oo hada ka taagan magaalada Garoowe. Sidaan horey aan idiinkugu sheegay markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen tuulada Tukoraq, beesha Habar-majeerteen waa’ay kala qaybsameen. Waxayna u kala qaybsameen agoonta waqooyiga xaafadda Israax ee magaalada Gaalkacyo dega iyo jifida degta xaafadda Wadajir ee magaalada Garoowe. Dhowaan jifida mahbarka ah ee degta xaafadda (Wadajir) ee magaalada Garoowe ayaa waxay ka shireen ciidamada Somaliland ee laga baqayo in magaalada Garoowe ay qabsadaan. Waxayna isku raaceen inay agoon (Cabdiweli Gaas) iyo jifadiisa aysan u ogolaan inay magaalada Garoowe ay u gacan geliyaan ciidamada Somaliland. Jifida ka degta (Ciise Riyoole) ee ahaa in aan laga caraysiin ciidamada Somaliland oo loo ogolaado inay qabsadaan degaamada Dhulbahante iyoWarsangeli, si aan ciidamada Somaliland aysan u qabsan magaalooyinka Garoowe iyo Bosaso. Ayaa hada mowqif kaas waxaa u guuxay oo isku raacay beesha Dhebayaco. Tan iyo markii madaxweyne (Muuse Biixi) uu sheegay inay ciidamadoodu ay tegahayaan xuduuda Somaliland ee Yoocada. Yoocada Garoowe na waa meel magaalada Garoowe kaabiga ku haysa oo u jirta 7KM.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici2
Xalay waxaan la hadlay dhowr nin oo reer Tanadlan ah oo ku sugan magaalada Garoowe, qaasatan xaafadda Waaberi iyo Hantiwadaag. Niman kaas waxaan ka waraystay heshiiska qarsoodiga ah ee dhexmaray madaxweyne (Muuse Biixi) iyo beesha Habar-majeerteen. Jifida degta xaafadda Wadajir ee magaalada Garoowe ayaa waxay ogtahay in marka maleeshiyada Habar-majeerteen ay xabado ku tuur-tuuraan ciidanka Somaliland, oo ciidamada Somaliland ay ka soo dhaqaaqaan aaga Tukoraq. In uusan dagaal dhici doonin oo maleeshiyada habar-majeerteen iyagoo ordahaya ay magaalada Garoowe soo gelidoonaan. Ciidamada Somaliland na ay iyaga oo wax iska caabin ah aan la kulmin ay magaalada Garoowe qabsan doonaan.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici3
Marka si aysan Somaliland magaalada Garoowe u qabsan beesha Habar-majeerteen waxay heshiis qarsoodi ah ay la galeen madaxweyne (Muuse Biixi). Niman kaasi waxay ii sheegeen in beesha Dhebayaco ay xiriir la sameeyeen madaxweyne (Muuse Biixi), dabeedna ay u sheegeen inay soo dhaweynayaan in Somaliland ay wada qabsato degaamada Dhulbahante iyo Warsangeli oo dhan. Ayna raali ka yihiin in ciidamada Somaliland ay qabsadaan Yoocada Garoowe. Sidoo kale beesha Dhebayaco waxay madaxweyne (Muuse Biixi) ay u balan qaadeen in siyaasiyiinta Dhulbahante iyo Warsangeli ay ka soo cayrin doonaan magaalada Garoowe. Hadii madaxweyne (Muuse Biixi) uu balan qaado in uusan qabsan magaalada Garoowe oo u ku ekaanayo Yoocada Garoowe.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici4
Arinta kale waxa weeye, waxaa magaalada Garoowe ka bilaabay tan iyo maalinkii ay taariikdu ahayd (17/01/2018), in ganacsatada iyo dadka hantiileyaasha ahi ay xoolahooda kala baxaan magaalada Garoowe. Kedib markii ay soo bexeen in ciidamo aan horay uga tirsanaan jirin oo 1500 oo nin ah ay yimaadeen tuulada Tukoraq. Beesha Dhebayaco waxay magaalada Garoowe ay soo geliyeen warar been ah habeenkii ay taariikhdu ahayd (17/01/2018). Warar kaas oo sheegaya in 1500 oo nin oo aan hubaysnayn ay ku soo biireen ciidamada Somaliland. Niman kaas oo markii ay ciidamada Somaliland u yimaadeen la hubeeyey hadana ay ka mid yihiin ciidamada Somaliland. Niman kaas oo lagu sheegay inay yihiin niman Dhulbahante ah oo doonaya inay qaniimo a helaan magaalada Garoowe marka la qabsado.

Arintaas oo beesha isdhiibtey ee Habar-majeerteen ay qiil uga dhiganayso ishiibida ay Somaliland usu dhiibeen. Iyaga oo leh ciidamada Tukoraq sokadeeda fadhiya ee duulaanka ku soo ah magaalada Garoowe waxaa dabada ka riixahaya oo dan ku wata beesha Dhulbahante. Taariikhdu marki ay ahayd (18/01/2018) maleeshiyada beesha Dhebayaco fariisinka ka samaystay Yoocada-Garoowe meel dhanka Tukoraq ka xigta, oo ay tiradoodu aad u yar tahay ayaa waxaa lagu soo celiyey magaalada Garoowe. Si aysan isugu dhicin ciidamada Somaliland oo ay ujeedadoodu tahay inay qabsadaan Yoocada-Garoowe. Maalintii maleeshiyada Habar-majeerteen ay ka soo carareen fariisinkii ay fadhiyeen, ayaa subaxdii hore halkaas waxaa ugu tegey wafti uu la socdo garaadka beesha ugaaryahan (Garaad Saleebaan).

Garaad saleebaan ayaa halkaas markii uu tagey ay beesha Habar-majeerteen filim uga qaadeen uu ku beer dulucsanayo maleeshiyada beesha Dhulbahante inay ka soo baxaan ciidamada Somaliland oo calaacal ah.
Saas oo ay tahay waxaad moodaa in uusan ogeyn heshiiska sirta ah ee dhexmaray Somaliland iyo beesha Habar-majeerteen, iyo weliba in maleeshiyada furinta uu ku soo booqday marka waraysiga laga duubo.
In isga iyo maleeshiyada Habar-majeerteenba dib loogu celin doono magaalada Garoowe. Sababta oo ah wuxuu qirayaa in ciidamada Somaliland ay dhawr jeer oo hore tuulada Gambadhe iyo degaamo kale looga cararay, oo iyagoon wax iska caabin ah aan la kulmin ay qabsadeen.

Balse arinta layaabka leh oo uusan Garaad Saleebaan ogeyn waxa weeye, in waabta waraysiga looga qaaday iyo maleeshiyada Habar-majeerteen ba ay meesha ka carari doonaan marka uu waraysiga dhameeyo.

Shacabka ku nool magaalooyinka Garoowe iyo Bosaso ayaa hada waxay aaminsanyihiin in wax dagaal ahi uusan dhici doonin, oo aysan ciidamada Somaliland aysan si sahlan ku qabsan doonin. Maadaama beesha Dhebayaco ay la heshiiyeen Somaliland. Laakiin waxaa suurogal ah in ciidamada beesha Dhulbahante oo ah ciidamada ugu badan ee Somaliland ka jooga Nugaal. In marka ay ka war helaan heshiiska qarsoodiga ah eedhexmaray Dhebayaco iyo madaxweyne (Muuse Biixi) inay ka caroodaan, oo ay soo qaadaan duulaan ayna qabsadaan magaalada Garoowe oo ay ogyihiin inay Dhebayaco ay ka joogaan ciidan yar.

Waxaa kaloo suurtogal ah in madaxweyne (Muuse Biixi) oo markii Habar-majeerteen ay isu dhiibeen, ku yiri waa ka soo tashanahayaa heshiiska aad ku baaqdeen ee iga war suga. In marka uu ka yaabo jeleeca iyo sida sahalka ah ee ay isu dhiibtey beesha Habar-majeerteen. In madaxweyne (Muuse Biixi) uu la tashado siyaasiyiinta Dhulbahante oo u ku yiraahdo “Abtiyaal fiirsha Dhebayaco heshiiska ay ii soo bandhigeen oo ay rabaan inay idinka idinku xumeeyaan”. Madaxweyne (Muuse Biixi) wuxuu markaas uu kalsooni uga raadsan karaa beesha Dhulbahante inay barti soo qabtaan. Oo hogaamiyaan ciidamada Somaliland oo qabanaya magaalooyinka Garoowe iyo Bosaso.

Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos