Shaqsiga Sebanka (Maxamed C/laahi Nuur “Ina C/laahi Gur-guurte”)

Shaqsiga Sebanka (Maxamed C/laahi Nuur “Ina C/laahi Gur-guurte”)
Codka Umadda Karaamaysan Ee QarankaTanadland.Warbaahinta Tanadland, By: Saxardiid.

Shaqsiga Sebanka Waxay Warbaahinta Tanadland Ay U Dooratay Gudoomiyaha Soomaalida Tanzania Halyey (Maxamed C/laahi Nuur)

Tobanakii sano ee ugu danbeeyey qofka ugu mudan in loo aqoonsado shaqsiga ugu fir-fircoon soomaalida, waxaa u aqoonsaday Gudoomiyaha urur weynaha soomaalida ku nool wadanka Tanzania (Maxamed C/laahi Nuur). Sidaan filahayo badankiinu inaad ogsoontihiin waa nin maalqabeen ah oo madax ka ah shirkadda faracyada badan ee (Gur-guurte Group). Aabihiisna waa maalqabeenka caanka ah ee (C/laahi Gur-guurte). Dadka qaarkiis ayaa waxaa laga yaabaa inay isweydiiyaan amaba ay layaab ku noqoto, sababta kaliftay in nin maalqabeen ah oo shirkado badan madax u ah in loo doorto urur bulsheed.

Sidaad ogsoontihiin soomaalida ku nool bariga Afrika hada ka hor maysan lahayn urur macno leh oo ay danahooda ku fushadaan. Urur macno leh waxaan ula jeedaa urur ganacsatada soomaalidu ay ku midaysantahay santuuq maaliyadeedna leh. Islamarkaasna dowladdu ay aqoonsantahay oo wixii quseeya quseeya soomaalida lagala xaajoodo. Sidaad ogsoontihiin Keenya oo wadan ay ku noolyihiin soomaali boqol jeer ka badan soomaalida Tanzania degan, soomaalidu kuma ay laha uru guud oo Soomaalida ka wakiil ah danahoodana ka shaqeeya. Laakiin keenya qolo waliba waxay leedahay shaqsiyaad dowlada ku xiran oo marka ay dowlada kenya wax uga baahdaan lacag laaluush ah bixiya.

Aalaa soomaalida keenya waxy adeegsadaan tujaarta waaweyn oo mid walba marka uu muraad leeyahay gooni laaluush looga qaato. Balse soomaalida Tanzania ku nool waxay uga duwanyihiin soomaalida kenya ganacsatada soomaalida ayaa shiray oo go’aan ku gaarey inay urur samaystaan, ayna yeeshaan urur tayo leh oo u dhigma kuwa qawmiyadaha kale ee wadank Tanzania kula nool sida (Carabta),(Pakistaniyiinta), (Singasingaha) iyo (Hindustanka).

Iyadoo ay saas tahay ayaa hadana waxaa jirta in uu hada ganacsiga soomaalida ee wanka Tanzaania uu tobankii sano ee ugu danbeeyey uu si xawli ah ku socdey, marka loo eego wadamada kale ee bariga Afrika ku nool sida Kenya, Uganda iyo Burundi. Walow ay soomaalida ku nool wadanka Tanzania ay aad u yartahay oo lagu sheego 20,000 oo kaliya hadana waa dad runtii aad u tayo badan. Ganacsatada Soomaalida ee Tanzania ku nool waxay leeyihiin shirkado iyo warshado aysan soomaalida keenya lahayn.

Aalaa soomaalida keenya waxy adeegsadaan tujaarta waaweyn oo mid walba marka uu muraad leeyahay gooni laaluush looga qaato.— Qore: Saxardiid, Codaka Tanaadland

Waqabadka Ururka Soomaalida Ee Tanzania Tan Iyo Markii Dhidibada Loo taagey :-

(1) Waxaa maqaalo igu ah in markii ururka soomaalida ee Tanzania la aas-aasay inay u tageen madaxweynihii hore ee dalka Tanzania (Jakaya Kikwete), ayna kala hadleen in uu wax u qabto qaxootiga soomaaliyeed ee ku rafaadsan xeryaha qaxootiga ah ee dhulka waaqlaha ah ku yaal. Dabeed madaxweyne (Jakaya Kikwete) wuxuu sheegay inuu qudhiisu dad kaas xaaladdooda uu aad uga xun yahay. Wuxuuna u balan qaaday ururka soomaalida in dad kaas xeryaha ay dowladdu ka saarayso, ayna siinayso sharciga wadanka iyo degaan. Balantaas oo uu madaxweyne (Jakaya Kikwete) ka dhabeeyey.

Qaxootigii xeryaha waaqlaha ah ku rafaadsanaa maantay waa dad muwaadiniin ah intooda badanina waa beeroley, waxaana ay dowladu siisay dhul aad u weyn oo ay degaan ah beerana ay ka tabcadaan.

(2) Muhiimadda ugu weyn ee ururka Soomaalida loo aas-aasay waxay ahayd in soomaalidu ay isu abaabusho sida umadaha kale ee dalka kula nool ay u abaabulanyihiin. Qaasatan ganacsatada soomaalida oo hadaysan urur iyo santuuq maaliyadeed oo ay isku caymiyaan aysan samaysan, ay halis u yihiin in ganacsiyada laga xiro oo kiis been-abuur ah loo sameeyo.

Tusaale ahaan dhowaan markuu xilka la wareegey madaxweynaha cusub ee wadanka Tanzania (John Magufuli) wuxuu shaqsiyan uu amray in la xiro shirkad
uu lahaa nin carab-Tanzanian ah oo gaska iyo badroolka soo dajinjirey. Ninka shirkada uu madaxweynuhu xiray iska lihi waa nin muslim ah oo shirkaddaha soomaalida ee gaaska iyo badroolka soo dejiya tartan kula jira. Hayeeshee, Soomaalida Tansaniyanka ah badidoodu hada waxay aaminsanyihiin in aan hada iyo wixii ka danbeeya aan cabsi laga qabin in soomaalida dalka ku nool la qash-qasho. Hdii la qash-qashana ay leeyihiin uru awood leh oo dowlada ku xiran oo markiiba xaqooda u soo dhicinaya.

2) Sida aan xog ku helay ururka soomaalida ee Tanzania qaabka uu u samaysanyahay iyo hawlaha loo aas-aasay inuu soomaalida u qabto marka la eego, waa u ka duwanyahay ururada soomaalida ee ka jira wadamada qurbaha oo dhan. Sababta oo ay tahay qowmiyadaha soomaalida kula nool Tanzania oo dhan ururadoodu waa ururo ganacsato. Ururadaas iyo dowladu waa ay isku xiranyihiin, dowladu ururada ganacsatada taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay ka helaan. Ururraduna danaha ay leeyihiin ayey dowlada ka fushadaan maadaama ay xiriir wanaagsan la leeyihiin.

(3) Dowladdu waxay kaloo ururada ganacsatada u adeegsataa fulinta qorsheyaasha dhaqaale ee dalka. Mideeda kale ururada tartan baa ka dhexeeya oo waxay tixgelin u kala leeyihiin iyo hadba awoodooda dhaqaale inta ay baaxad le’egtahay.

Gunaanad :-

Soomaalidu magaalooyin dhawr ah ayey waxay ku leedahay ururo ganacsato oo waxtar leh, sida ururka ganacsatada soomaaliyeed ee wadanka UAE. Ururka ganacsatada soomaaliyeed ee magaalada Jabuuti. Ururka ganacsatada soomaaliyeed ee magaalada Xamar. Ururka ganacsatada soomaaliyeed ee magaalada Columbus. Ururka ganacsatada soomaaliyeed ee magaalada Nairobi.

Dabcan sidaad ogtihiin ururka kulmiya ganacsatada soomaalieed oo dhan ayna ku mideysanyihiin xaruntiisu waa magaalad Jabuuti. Balse ururka soomaalida
ee Tanzania wuxuu ururadaas oo dha uu uga duwanyahay, waa urur loo sameey inuu muujiyo kaalinta muhiimka ah ee ay dadka Soomaali-tansaniyanka ahi ay ka qaataan horumarinta wadanka. Islamarkaasna ay madaxda wadanka kula gor-gortamaan oo ay ka dhaadhiciyaan in waqabadkooda lagu tixgeliyo muhiimadna la siiyo. Shaki la’aan ururka soomaalida ee Tanzania mudadii yarayd ee uu jirey wuxuu ku sifoobey in uu yahay urur waxtarbadan oo ay soomaalidu ku naalooto, Mid la mid ahna aan horay loo arag.

Mideeda kale, gudoomiyaha ururka soomaalida ee Tanzania (Maxamed C/laahi Nuur) maaha qof caadi ah, dadka yaqaan (Maxamed C/laahi Nuur) waxay sheegeen in uu yahay nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah aadna u garaad sareeya. Anigu gudoomiye (Maxamed C/laahi) shaqsiyan uma aqaani laakiin waxaan aqaan aabihiis (C/laahi Gur-guurte), eedooyinkiis iyo adeeradiis, xayn ilmo adeeradiis ah wiilal iyo gabdhaba. Kuligoodna waxay ahaayeen dad wada xul ah oo aan ka yaabay. (C/laahi Gur-guurte) waan aqaan markaan leeyahay, soomaalida badankeedu sidaan u aqaan (C/laahi Gur-guurte) dad aan badnayn baa u yaqaan.(C/laahi Gur-guurte) waa tujaarta waaweyn ee soomaalida ninka ugu xariifsan. Bilowgii sandihii sideetamaadkii wadanka Uganda warshaddii ugu horeysey oo kabaha soo saarta waxaa iska lahaa (C/laahi Gur-guurte). qaasatan ciidamada wadanka Uganda kabaha ay qaataan intooda badan waxaa samaynjirey warshadda (C/laahi Gur-guurte).

(C/laahi Gur-guurte) wuxuu kaloo ilaa iyo 1978 uu ku lahaa magaalada Daarasalaam warshadda ugu weyn ee alwaaxda dibeda loo dhoofiyo samaysa oo magaalada Darasalaam ku taala. Labada warshadoodba markii danbe (C/laahi Gur-guurte) wuxuu u dhiibtey niman walaalihiis ah oo u haynjirey. Isaguna wuxuu haysanjirey hoteelkiisii Gur-guurte. Iyadoo bangiyada wadanka ay ku shaqeeyaan habka looyaqaan “Franco-valuta”, oo ganacsatada wax soo dejiya iyo dalxiiseyaashu ay ku qasbanyihiin inay lacagaha qalaad bangiga dowlada ay ku shubaan, oo ay lacagta shilin soomaaliga ah ay ku bedeshaan dalka gudihiisana uu shilinka oo kaliyihi ka shaqeeyo.

Markaas ayaa (C/laahi Gur-guurte) intuu dowladda u tegey wuxuu ka dhaadhiciyey in dalxiiseyaasha hoteelkiisa imaanaya loo ogolaado inay dolarka ay haystaan ay isticmaalaan, si marka ay dalxiiseyaashu ay lacag badan oo doolar ah u qarashgareeyaan canshuurta ay dowladdu qaadanayso iyo daqliga hoteelkuba ay kor ugu kacaan. Arintaasi waxay sababtay in markii daqligii hoteel gur-guurte iyo canshuurtii daladdu uu aad u kordhay in dowladu ay hoteeladii kalana u fasaxdo. Ninkii labaad oo hoteelkiisa ay dalxiiseyaashu doolarka ku isticmaalijireena wuxuu ahaa hoteelkii (cali Mahdi).

Sidoo kale wadanka Tanzania 1992 -dii wixii ka horeeyey lagama aqoon wax la yiraahdo “Holiday Packages”. Hab kaas oo ah hab qarashka ku baxaya dalxiiseyaasha oo dhan inta ay wadankooda joogaan hal mar looga qaado. (C/laahi Gur-guurte) Tanzania wuxuu ka sameeye goobo waaweyn oo ay wax walba ku dhanyihiin. Hoteeladii jiifka iyo cuntaynta, gawaaridii dalxiiseyaashu ay isticmaali lahaayeen, xeebtii ay ku dabaalan lahaayeen, iyo wax kasta oo dalxiiseyaashu ay u baahanyihiin. Sidoo kale (C/laahi Gur-guurte) Tanzania wuxuu ka bilaabay oo aan horay uga jiri-jirin, in dadka ajaaniibta ah ay doolar keliya bixiyaan, marka ay hoteeladiisa isticmaalayaan.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan.

2 comments
saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

2 Comments

  • Suuban
    6th March 2015, 2:51 pm

    I have stayed one of his luxury resort at Bagamoyo city beach front for couple of weeks which definitely i count as the best resort in Tanzania.
    By the way, i have lot of admirations for my somali driver which hapened to be my tour guide. He was so polite and handsome as this guy is.

    REPLY
  • Mursal Dirir
    6th March 2015, 2:52 pm

    Shut up and stop talking nonsense please! Judging the man for his achievement as new somali business mogul, most of us consider Mr. Mohamed Gur-guurte an exemplary leader and role model that the somali youth can look up to.

    REPLY

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos