Dr Karani Dib u xusuusasho, 17kii April, maalintii dhirta soomaaliyeed loo dabbaaldegi jirey.

Dr Karani Dib u xusuusasho, 17kii April, maalintii dhirta soomaaliyeed loo dabbaaldegi jirey.

Maanta oo labaatan sano iyo dheeraad laga joogo, goortii ugu dambeysey oo hawl dhireed laga qabto Dalka soomaaliya, waxaa la oran karaa in dhirtii Dalkeennu huwanaa ay dhammaad iyo xaalufid ku dhowdahay.

(TL) [Sawirka Dr. Cabdulaahi Xaakin Axmed Karaani Ahna Mulkiilaha “Karani Palma Oil Mill, Morogoro, Tanzania]. Maanta oo kale oo bisha Aprilna tahay 17ka ,waxaa Dadweynaha dalka soomaaliya u dabbaaldegi jirey, maalinta Dhirta soomaaliyeed, iyadoo la soo gunaanadayo hawlihii qabsoomay sanadka gudihiisa.Markaa, 17ka April habeynka ay soo galeyso sanad kasta, xaflad weyn oo ay ka soo qeybgeli jireen Madaxda dawladda iyo Dadweynaha soomaaliyeed, ayaa ka dhici jirtey gobollada dalkoo idil. Jaalle M.Siyaad iyo kacaankuu hogaamineyeyba, waxay siin jireen muhimmad weyn dhireynta dalka, bacaadcelinta iyo guud ahaan ilaalinta degaanka soomaaliyeed. Sanad kasta Wakaaladda Daaqa Qaranku, waxay qaban jirtey howlo aad u ballaaran iyo dhireyn, iyadoo kaashaneysey mashaariicdii badneyd oo Dawlado iyo heyado, ugu deeqi jireen Dalka Soomaalya.

Wacyigelinta dadweynuhu waxay ahayd waxyaabaha ugu mudnaa in xoogga la saaro, iyadoo la og yahay in inbadan oo ka mid ah dadweynaha soomaaliyeed eeyan iska xilsaari jirin ilaalinta iyo badbaadinta dhirta qoyan. Dugsiyadii ugu horreeyey culuunta dhirta, iyo barashada cilmiga maareynta daaqa ayaa la hirgeliyey mudadii kacaanku Dalka maamulayey. Waxaa kaloo lagu tillaabsaday shuruucdii lagu badbaadinayey dhirta ,daaqa iyo Duurjoogta soomaaliyeed. Waxaa gobollada dalkoo idil laga sameeyey qeybo lagu kobciyo dhirta (NURSERIES), meelahaas oo dad badani shaqo iyo xirfadba ka heli jireen. Dhibaatada ugu weyn oo dadka u xilsaarnaa dhireynta Dalka la kulmi jireen waxay ahayd, iyadoo dadweynuhu uusan qiimeyn jirin dhirta iyo ayadoo dhirtu ahayd waxa keliya oo wax lagu karsan jirey taasoo keentay in la jaro dhir faro badan oo qoyan oo aad uga badneyd inta la abuuri karey sanad kasta. Waxaa lagu dadaaley in la ilaaliyo dhirta, taasoo aan hirgeli Karin haddaan qofku aqoon u lahayn qiimaha dhirtu inoo leedahay.

Waxaa kaloo lagu tillaabsaday shuruucdii lagu badbaadinayey dhirta ,daaqa iyo Duurjoogta soomaaliyeed.— Qore: Dr. C/laahi Axmed Karaani

Sida lagu qoray warbixinta ka soo baxday Fao/Unep, ee ku saabsaneyd Africa iyo Laatin America, arrimaha ugu daran ee lagu xasuuqo dhirta waxa weeye:1)Beeraha guurguura oo dadku sameysto(shifting cultivations),iyo 2) Dulka geedleyda ah ee beero laga jeexdo iyo, 3) dhuxuleynta dhirta qoyan oo wax lagu karsado beldaanta waaweyn.

MAXAY AHAYD SABABTA LOOGU CAYIMAY DHIRTA SOOMAALIYEED MAALIN U GOONI AH OO LOO DABBAALDEGO?

Haddii aan tilmaamo qeybo ka mid ah manaafacaadka dhirta iyo qiimaha ay u leedahay bani’aadanka waxaan ku soo koobi karayaa sida soo socota:-

1)In dhirtu sameyso oksijinka aan neefsaneyno.

2)In dhirtu nadiifiso hawada .

3)In dhirtu inaka daboosho dawaaqa u daran dhegaheenna.

4)Inaan dhirta ka guranno miraha noocyadooda kala duwan.

5)In dhirta xoolaheenna iyo duurjoogta badankeeduba daaqaan.

6)In dhirtu soo jiidato roobabka.

7)In dhirta ay ku dhex noolyihiin noole kale oo manaafacaad badan inoo leh.

8)In dhirtu, dhulka ka ilaaliso qarrar iyo burbur ku dhaca(soil erosion)

9)In dhirta laga sameeyo dawooyin farabadan.

10) In dhirta iyo ubaxeeduba u roon yihiin indhaheenna.

11)In dhirta aan ka helno hoos qabow oo macaan.

12)In dhirtu naga ilaaliso dabeylaha xooggan.

13)Iyo waxyaabo kaloo farobadan oon la soo koobi Karin.

Maanta oo labaatan sano iyo dheeraad laga joogo, goortii ugu dambeysey oo hawl dhireed laga qabto Dalka soomaaliya, waxaa la oran karaa in dhirtii Dalkeennu huwanaa ay dhammaad iyo xaalufid ku dhowdahay. Haddaba dhirtaas iyo waxay huwaneyd oo ku dhex noolaaba, sida ugaarta noocyadeeda kala duwan, iyo guud ahaan duurjoogtii oo idil oo ahaa kheyraadka aannu shinsaneyney waxay noqdeen wax la ugaarsado, wax la dhuxuleysto, wax loo dhoofiyo dalal kale iyo wax u carara dalalka deriska ina la ah,halkaasoo ay nabadgelyo iyo nolol bideen.

Ugu danbeyntii, maanta waa toddoba iyo tobankii April, illowse maantadani, wey ka duwan tahay maalmihii April ee ka horreeyey qalalaasihii ka dhacay Dalkeenna oo dhirta loo hayay qadarin iyo mudnaan. Sidaa awgeed, dhirtii iyo duurjoogtii soomaaliyaba waxay u dirayaan qeylodhaan ummadda soomaaliyeed, iyagoo leh : WAR DAGAAL KA WAANTOOBA, WAR DAWLADNIMO IYO SHARAFTII UMMADDA SOOMAALIYEED DIB U SOO CELIYA, ANNAGANA NOO DABBAALDEGA OO NAGA ILAALIYA DABARGO’A IYO XAALUFKA. OGAADA; MAANTA WAA MAALINTII HAL AHAANSHO !!!

WAXAA QORAY: Dr ABDULLAAHI KARANI

BALTIMORE/USA

Xigasho: Somaliweyn Media Center (SMC)

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos