Faah-faahin Ku Saabsan Dagaalkii Maleeshiyada Beesha Sacad Lagu Jebiyey Labada Goor Iyo Waxa Sababay

Faah-faahin Ku Saabsan Dagaalkii Maleeshiyada Beesha Sacad Lagu Jebiyey Labada Goor Iyo Waxa Sababay

Ciidamada Beesha Reer (Cismaan Yuusuf) Oo Labo Jeer Ku Jebiyey Maleeshiyada Beesha Sacad Banka Galbeedka Ka Xiga Xaafadda Garsoor, Halka Laga Dhigay Suuqa Xoolaha Ee Cusub.

Maqaalkaani Wuxuu Ku Saabsanyahay Guuldarooyinka Isdabajooga Ah Ee Ay La Kulantay Beesha Sacad Iyo Rafashada Xanuunka Badan Ee Ay La Rafanayso :-

Maalintii doraad ahayd ee jamcaha ahayd, goor arooryo hore ah maleeshiyada beesha sacad waxay weerareen ciidan yar oo beesha (Cismaan Yuusuf) ah. Ciidanka yar ee la weeraray waxay ilaalo ka hayeen suuqa cusub ee xoolaha ee xaafadda Garsoor meesha la rabo in laga dhiso. Meeshaas oo ku taala banka galbeedka xaafadda Garsoor ku yaala ee u dhow xaafadda (Garsoorta Cusub). Ciidamada reer Tanadland markii la weeraray mudo gaaban ayey uga adkaadeen oo ay rag badan uga laayeen mooryaantii soo hunguriyeysey. Ciidankii badnaa oo weerarka ahaana waxaa u soorogalay inay xabaddii oo socota ay meydkooda iyo dhaawacooda ay gurtaan, oo ay dabeed la cararaan. Arintaasna waxaa u suurogeliyey ciidamada weerarka soo qaaday ee beesha Sacad oo watey tigniko badan. Ciidanka beesha (Cismaan Yuusuf) na maysan haysan wax tigniko ah oo ay ku cayrsadaan mooryaanta baraxley markii ay carareen. Dagaalkii aroorta hore ka dhacay banka galbeed ee xaafadda Garsoor, ciidanka la weeraray ee beesha (Cismaan Yuusuf) waxaa uga dhaawacmay sadex nin. Geesinimada iyo sida sahlan ee ay niman kaasi cadowga u jebiyeena markii loo soo gurmadey aad baa loola yaabay.

Saacadda magaalada Gaalkacyo markii ay ahayd 11:00 ayaa mar kale dagaal rogaalcelis ah waxaa soo qaaday maleeshiyadii dagaalka lagu jebiyey ee beesha Sacad. Weerarka danbe ee ay maleeshiyada beesha Sacad soo qaadeen, wuxuu ahaa weerar ka culus weerarkii hore oo ay ka qayb qaateen ciidan badani. Balse markaan danbe goobta dagaalka waxaa ku sugnaa ciidan xoogle oo beesha (Cismaan Yuusuf) ah. Nasiib wanaag mudo gaaban markii ay xabaddu socotey ayaa sidii weligeedba horay u dhicijirtey, wiilashii (Sacad Siciid) ee salfudeydka ku caanbaxay waa’ay u babac dhigiwaayeen wiilasha reer (Ugaas Cismaan) ee aan dhaqanka u lahayn xabad soodhacaysa inay ka gabadaan, inay ku ordaan oo ay cadowga cayrsadaan mooyaane.

Ciidamada beesha Sacad markii la jebiyey oo ay dhabarka jeediyeen lagama harin ee waa la cayrsadey. Sidii loo cayrsanayey iyada oo weli xabaddu ay ku socoto ayaa dhanka koonfureed ee xaafadda Baraxley laga soo galiyey. Hadaan ka waramo qasaaraha dagaalka dhanka beesha (Cismaan Yuusuf) dagaalka waxaa uga shihiidey 4 nin, oo labo nin ay yihiin beesha (Axmed Muumin). Ninka kalana uu ka soo jeedo beesha (Idiris Cismaan) gaar ahaan lafta reer (Fiqi-ismaaciil). Dhaawacuna waa 10 nin oo dhaawac fudud ah. Beesha Sacad oo maleeshiyadeeda dagaalka labada goor lagu jebiyeyna, raga dagaalka uga dhintay waxaa lagu sheegay 20 nin.

Docda kale, beesha Sacad tan iyo maalintii ciidamadooda ay beesha Habar-majeer sida xeeladaysan ay u xasuuqeen ciil iyo caro ayey la gal-galanayeen. Jabkii ka soo gaarey beesha Sacad dagaalkii suuqa xoolaha ee xaafadda Garsoor na wuxuu laban-laabay jabkii horay u gaarey. Arin taasna waxaa u sabab ah waxmagaratada shaqfadda’la ee beesha Sacad oo weeraray (Gaas-dhagoole).

Asbaabta Kaliftay In Beelaha Xulufadda Ah Ee (Cismaan Yuusuf) Iyo (Sacad) Ay Iskudhacaan :-

Run ahaantii iskudhicii shalay wuxuu ahaa mid u dhacay si kama ah. Xurguftaan yartaa oo magaalada Gaalkacyo ka dhacdayna waxaa la filayaa in si dhaqsaa ay labada beelood uga heshiiyaan. Sidaad ogsoontihiin beesha Sacad ciidamadeeda waxaa cirka ka duqeeyey dhowaan diyaaradaha aan bayloodka lahayn ee maraykanka. Beesha Sacad siday warbaahinta ka sheegeena waxaa weerar kaas looga diley 22 nin. Shirqoolkaasna waxaa ka danbeeyey nin beesha Habar-majeerteen ah oo la yiraahdo (Cumar C/rashiid “Cumar Calool-weyne”), oo dowladda maraykanka ka dhaadhiciyey inay duqeeyaan maleeshiyada Al-shabaab ka ah ee bariga gobalka mudug ku sugan. Cumar-Calool weyne, oo ka mid ah kooxda calooshooda u shaqaysteyaasha ah ee Xamar fadhida. Wuxuu u sheegay ciidamada maraykanka ee kala shaqeeya la dagaalanka ciidamada Al-shabaab. In ciidamada beesha Sacad ee difaaca uga jira aaga bari ee gobalka Mudug inay yihiin ciidan Al-shabaab ah.

Iyadoo ay saas tahay ayaa waxaa jirta xulufo ahaanta ka sokow in beesha Sacad ay abaal lama ilaawaan ah ay ku leedahay beelaha reer (Cismaan Yuusuf), waqtiga la joogaana uu yahay markii ay beesha (Cismaan Yuusuf) u abaal gudilahayd beesha Sacad. Xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada beelood na waxaa ka marqaati kacaya sidii quruxda badnayd ee lagu dhameeyey xurguftii ka dhalatay dilkii ganacsade (C/laahi “Meekhaan” Cismaan Axmed). Oo ku soo beegantay markii beesha sacad 22 ka nin laga diley. Oo xataa qori beesha Sacad ay u keentay beesha (Cismaan Yuusuf) lagu celiyey, oo lagu yiri “Markaan anaga ayaad naga mudantihiin inaanu hub idiin keeno maadaama aad dagaal ku jirtaan ee qorigiina haysta”.

Docda kale, sidaad ogsoontihiin naagaha Habar-majeerteen dhawaanahaan waxay warbaahinta ka baafinayeen inay suuq xoolaad ay ka dhisayaan meel banaanka ka ah xaafadda Garsoor. Beesha (Cismaan Yuusuf) ee degta xaafadda Garsoorna waxay ku yiraahdeen idinkuna meeshaas gaadiidka xoolaha sida wax uga qaata, anaguna wixii idin soo dhaafa ayaanu magaalada Bosaso ku dhacaynaa. Laakiin beesha Sacad waxay iskadhaadhiciyeen si ay beesha Habar-majeerteen uga aargoostaan, inay suuqa ay yiraahdeen waxaanu ka dhisaynaa Garsoor ay ka qabsadaan. Arintaasi waxay ahayd arin beesha Sacad aysan ka fiirsan. Loogana baahanyahay beesha Sacad inay arintaas xaal ka bixiso.

Mideeda Kale ilaa iyo shalay subax naagihii Habar-majeerteen waxay iskumaaweelinayeen biraawirix liidnimo ah, maadaama ay weligood ahaayeen gun taag daran oo aad u nugul. Aysanna ka suuroobin inay rag iskadhiciyaan. Oo hada fuleynimadoodu ay gaartey heer dumarka iyo caruurtu ay ku maatsato markii ay bilaabeen cidii ay isqabtaanba inay yiraahdaan waa Al-shabaab ee hanalaga qabto. Waxay kaloo gaareen heer ay warbaahintoodu ay ku faanaan libintii ciidamada beesha reer (Ugaas Cismaan). Iyaga oo sheegatay inay ciidamada beesha Sacad ay ka adkaadeen oo ay cayrsadeen. Habar-majeerteen iskudhaca beelaha (Sacad) iyo (Cismaan Yuusuf) wuxuu uga dhiganyahay xasuuqa joogtada ah ee laguhayo oo joogsada. Arin kaasina wax u dan ah maaha beelaha (Sacad) iyo reer (Ugaas Cismaan) toona. Marka waxgaradka labada beelood oo deriska ah waa inay shir u fariistaan oo ay ka wadaxaajoodaan danahooda. Ayna ka gaashaantaan inuusan dhicin iskudhac danbe.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan.

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos