Ergadii Shirka Fulinta Heshiiskii Waxwadaqaybsiga Ee Tanadland Oo Maalintii Labaad Ku Sugan Magaalada Garoowe

Ergadii Shirka Fulinta Heshiiskii Waxwadaqaybsiga Ee Tanadland Oo Maalintii Labaad Ku Sugan Magaalada Garoowe

Shir Looga Wadahadlayo Fulinta Heshiiskii Isimada Tanadland Iyo Habar-majeerteen Ee Dhacay (03/09/2011) Oo Gobolada Nugaal Iyo Mudug Ka bilowday.

Xildhibaanada Tanadland 2A
Maalinkii jimcaha ahaa ee ay taariikhdu ahayd (05/05/2017) waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ka soo degey, dhamaan xildhibaanada labada aqal ee dowladda dhexe ugu jira umadda karaamaysan ee Tanadland. Mudanayaasha labada aqal ee reer Tanadland ayaa dhawr maalmood waxay ku hakadeen gobalka mudug. Mudanayaasha iyo wufuud kale oo la socota ayaa subixii shalay ahaa waxay u bixitimeen gobalada kale ee Tanadland. Shalay duhurkiina waxay gaareen magaalada Garoowe oo ay si qiiro leh ugu soo dhaweeyeen shacabweynaha reer Tanadland, oo markay ugu yaraato ah 45% dadka magaalada Garoowe ku nool. Todobaadyada fooda inagu soohayana waxaa la filayaa inay degaamo badan oo ku yaala gobalada Nugaal iyo bari ay booqdaan.

Ujeedada Socdaalka Siyaasiyiinta Reer Tanadland Muxuu Yahay?

Xildhibaanada Tanadland 3A
Sidaad la socotaan beesha Habar-majeerteen iyo Tanadland heshiiskii ay xabadjoojinta ku gaareen dagaalkii labada maalmood ee dhacay (01/09/2011) iyo (02/09/2011), waxay isimadu ay ku heshiiyeen in labada umaddood ay shir isugu yimaadaan oo ay maamulka sadexda gobol ee Nugaa, Mudug iyo Bari ay si siman u qaybsadaan 50/50. Wax kasta oo qayb ah oo labada umadood ay qaybsanayaana lagu saleeyo hab qaybsi is le’eg oo ah 50/50. Heshiis kaas oo waagaas isimada beesha Dhebayaco ay sixiixeen. Isimada iyo siyaasiyiinta beesha Habar-majeerteen ayaa modo 6 sanaddood ah ka dhursugayey inay reer Tanadland shaaciyaan waqtiga shirka la qabanayo. Reer Tanadland na waxay la dhawrahayeen wakhti ku haboon in shirkaas la qabto. Siyaasiyiinta, isimada iyo waxgaradka reer Tanadland na waxay isku waafaqsanyihiin in hada ay munaasib tahay in beesha Habar-majeerteen lala shiro.

Xildhibaanada Tanadland 4A
Heshiiskii xabadjoojinta ahaa ee dhacay (03/09/2011) beesha Habar-majeerteen intii aan la heshiin waxay soo jeedisey ra’yi ergada reer Tanadland ay ku gacansayreen. Ra’yigaas oo ah inay reer Tanadland ay la shiraan beelaha Hartiga oo markaas Tanadland ay ku soo biirto isbahaysiga Hartiga. Islamarkaasna Xildhibaanada maamulka shir lagu qaybsado in laysugu yimaado. Laakiin ergada reer Tanadland waxay ku adkaysteen in qadiyada maamulka gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug cid aan ahayn beesha Dhebayaco inaysan kala xaajooneyn. Dabeed waxaa laga shiray oo ay ku heshiiyeen hanaanka wax loo wadaqaybsanayo. Marka maadaama laysku afgartay hanaanka wax loo qaybsanayo waxaa lagu heshiiyey in laysugu yimaado shir hawl-fulineed ah. Todobaad kaan bilowgiisii labada qawmiyadood waxay ku shireen gobalka Mudug. Gobolada Nugaal iyo Bari na maalmaha iyo todobaadyada inagu soo fool leh ayaa la filayaa in lagu shiro.

Hadaba Aynu Saadaalinee Natiijada Shirku Maxay Noqonkartaa?

Horta shirkaani marna maaha shir beesha Habar-majeerteen isimadooda iyo siyaasiyiintoodu ay rabeen, ee waa shir lagu qasbay oo ay ka fursanwaayeen. Taas waxaa daliil u ah in shirkii xabadjoojinta intaanu heshiisku dhicin, Isimada Habar-majeerteen waxay golaha la yimaadeen munaafaqad qayaxan. Habar-majeerteen isimadoodu waxay reer Tanadland ay ku eedeeyeen inay la yaabeen sababta ay shirkii isbahaysiga cadowga ah ee Hartiga, shirkii lagu aas-aasay ay uga soo qaybgeliwaayeen oo ay saamigooda u qaadanwaayeen. Teeda kale, Isimada beesha Habar-majeerteen waxay talo ku soo jeediyeen in si reer Tanadland ay xaqa ka maqan ay u helaan inay isbahaysiga Hartiga ay ka mid noqdaan. Oo shir cusub oo Harti iyo reer Tanadland ay wax ku qaybsanahayaan la sameeyo. Xataa isimada beesha Habar-majeerteen iyaga oo daacad iska dhigaya ayey waxay ku taliyeen, in Isimada beesha Dhebayaco ay shirka la tagayaan mowqif midaysan oo qadiyadda reer Tanadland ay ku taageerayaan. Arintaas oo ah wax qabka nagujira dartiis aan ahayn wax marna naga suuroobikara. Hadayse anaga taasi wax noo cuntamikara ay tahay shirkii isbahaysiga Hartiga lagu aas-aasay oo markaanu diidnay inaanu ka qaybgalo ay nagu been abuurteen baanu ka qaybgelilahayn. Dhulbahante iyo niman kaas qararka fuushan ee Warsangeli, anaga horayna wax nooga dhexeeyey ma’aysanjirin hadana wax aanu ku darsanaynaa ma’ay jiraan. Markuu mawqifkii reer Tanadland uu saas noqday ayey beesha Habar-majeerteen waxay aqbaleen danaha naga dhexeeya in laga wada hadlo.

Shirarka Taxanaha ah ee u bilowday reer Tanadland iyo Dhebayaco ayaa wuxuu u socdaa qaab labo heer ah oo isfeer socda. Waxaana isku arkahaya isimada iyo siyaasiyiinta sadexda gobol ee labada beelood ay wada degaan. Shirarkaan hada socda ayaa muhiimaddoodu waxa ay tahay in lagawadahadlo sidii loo dhaqangelinlahaa heshiiskii labada umaddood ay wada gaareen 6 sanaddood mudo haatan laga joogo. Mawqif kaas oo ah in shirka lagu dhisahayo maamul xalaal ah, beelaha Tanadland iyo Dhebayaco na ay helaan tiro xildhibaano ah oo isle’eg.

Hadii Uu Hirgalo Heshiiskaani Beesha Habar-majeerteen Maxay Ka Faa’iideysaa?

Beesha Dhebayaco markay Dhulbahante isbahaysiga xulufada ah ay la samaysatay, Dhulbahante iyo Dhebayaco mid walba ujeedo isaga u gaar ah ayuu lahaa oo u rabay kan kale in uu ku fushado. Dhulbahante ujeedadiisu waxay ahayd in uu helo isbahaysi u dhigma Isaaq oo u isaga dhiciyo. Habar-majeerteena talagalkeedu wuxuu ahaa in umadda Tanadland ay cududa Dhulbahante ay u adeegsato oo ay ku muquuniso. Markaan runta ka hadlana tolkay ilaa xad waxaa la orankaraa waa la muquuniyey. Beesha Habar-majeerteena waxaa u suurogashay inay ka sameeyaan 3 -da gobol ee beelaha reer Tanadland ay degaan maamul Harti ah oo aysan reer Tanadland ku jirin. Waayadii hore beelaha reer Tanadland waxay qabeen aragti ah in beesha Harti intay midaysantahay inaan dagaal toos ah lala gelin. Laakiin intii aro Dhulbahante uu isaaq qabsaday, beelaha reer Tanadland waxay go’aan ku gaareen in dagaal lal galo oo laga taqaluso Habar-majeerteen.

Dagaalkii labada maalood na wuxuu dhacay goor rag 300 ka badan beesha (Muumin Aad) oo keliya ay ka laysay beesha Habar-majeerteen. Dagaalkii labada maalmood markii lagu jebiyey beesha Habar-majeerteen iyo hartigii la socdeyna waxaa u cadaatay, in sida keliya ee lagu joojinkaro dagaalka ay tahay in Habar-majeerteen sandule ay ku aqbasho xaqa dadka reer Tanadland ay u dagaalamayaan. Heshiiskii xabadjoojinta ahaa ee dhacay (03/09/2011) waxaa lagu heshiiyey in reer Tanadland iyo Habar-majeerteen ay shir deg-deg ah oo danbe ay isugu yimaadaan, shirkaas oo si isle’eg loogu qaybsanayo xubnaha maamul cusub oo xalaal ah loona samaynayo gobalada Nugaal, Mudug iyo Bari.

Iyadoo ay saas tahay, ayaa waxaa jirta in reer Tanadland ay shirkii la filayey in uu dhaqse u dhaco ay mudo 6 sanadood ah ay baajiyeen oo u dib u dhacay. Shirkaas baajintiisa reer Tanadland waxay ka lahaayeen sadex ujeedo.

1) Heshiiskii waxwadaqaybsigu maadaama uu ahaa heshiis beesha Habar-majeerteen lagu qasbay oo aysan raali ka ahayn.
2) Indheergaradka reer Tanadland waxay go’aansadeen inta aan shirka wax lagu qaybsanayo uusan dhicin in awooda ciidan ee beesha Habar-majeerteen la wiiqo.
3) Dagaalna loo diyaargaroobo oo beesha Habar-majeerteen wixii horay loogu heshiiyey wax ka gedisan haday shirka la timaado, in shirka oo weli socda ciidamada reer Tanadland ay duulaan qaadaan oo ay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ay isku habeen qabsadaan.

Sababta reer Tanadland ay marka hada ah u doorteen in la fuliyo waxqaybsigii lagu heshiiyey shirkii dhacay (03/09/2011) na waxa weeye, qaabka reer Tanadland ay rabaan in loo fuliyo shirka waxwadaqaybsiga ayaa wuxuu yahay. In beesha Habar-majeerteen loo cadeeyo in hadii shirkaasi uu fashilmo oo reer Tanadland ay xaqooda ku waayaan si nabad ah. In reer Tanadland ay diyaar u yihiin inay xoog ku marooqsadaan waxa ay hada raadinayaan wax ka badan.

Hadii uu najaxo shirka fulinta heshiiskii Tanadland iyo Habar-majeerteen ee lagu heshiiyey qaabka wax loo qaybsanayo taariikhdu markii ay ahayd (03/09/2011), Habar-majeerteen waa ay badbaadaysaa. Hadii shirkaan uu fashilmana intaan lagu kalakicin oo u shirku socdo ayaanu ku duulaynaa. Waana ay ogsoonyihiin in nabadda iyo wixii lagu heshiiyey in la fuliyo iyaga ay dan u tahay. Waxay kaloo ay ogsoonyihiin in colaadi hadii ay dhacdo in wax kastaaba ay gacantayad soo gelidoonaan oo aanu marooqsan doono. Marka dad badan oo reer Tanadland ahi waxay aaminsanyihiin Habar-majeerteen inaysan ku dhicin inay shirkaan fulinta ah ay carqaladeeyaan.

Shirka Deg-dega Ah Ee Reer Tanadland Ay Iclaamiyeen Iyo Sida Habar-majeerteen Ay Uga Naxday :

Horta reerka Habar-majeerteen la yiraahdo oo aad u calool jilicsan wadku wuxuu ugu soo dugaalaa oo ay sababsadaan calool-jileec. Ninkii ugu danbeeyey ee inta la’ogyahay calool-jileecu uu dhebayaco ka malgeyna waxaa ugu danbeeyey (Cade Muuse). Dadka badankoodu waxay warbaahinta ay ka maqleen in uu dhintay (Cade Muuse) dhawr saacadood ka dib markii madaxweyne loo doortay (Maxamed Cabdullaahi Farmaajo), taariikdu markii ay ahayd (08/02/2017). Laakiin waxaysan dad badani ogeyn sidsa layaabka le ee uu (Cade Muuse) u dhintay. Sida laga weriyey dad goobjoog ahaa (Cade Muuse) markuu wadnuhu istaagey, waxaa la sheegay isaga oo dhawr qof oo caa’iladiisa u badan la daawanaya TV-ga. Ayaa TV-gu wuxuu soo tebiyey ku dhawaaqidii in (Faramaajo) uu ku guuleystey tartankii madaxweynenimada. Markaas ayaa (Cade Muuse) uu wadnuhu istaagey oo u kursiga ka dhacay.

Beesha Habar-majeerteen tartankii doorashada madaxweynenimada ee dhowaan la qabtay faraha wax ka xanuun badan baa uga gubtey, afar nin oo tuugtooda ugu caansanna waa ay ku cayroobeen sida nimanka ay magacyaddoodu hoos ku xusanyihiin.

1) Saciid C/laahi Dani
2) Cali Xaaji Warsame
3) Cumar C/rashiid Cali
4-C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)

Waxaa kaloo jirta in heshiiska hada fulintiisu ay bilaabatay maalintii lagu heshiiyey ee ay taariikhdu ahayd (03/09/2011), ay ku dhiciwaayeen warbaahinta beesha Habar-majeerteen inay soobandhigaan qodobadii lagu heshiiyey oo xabadjoojin inay dhacdo u sabab ahaa. Sababta oo ah Habar-majeerteen maaha reer calool adeyg u leh oo ku dhiirankara runtu marka ay kharaar tahay oo laga adkaado inay qirtaan. Taas waxaa ka sii daran oo Habar-majeerteen u weheliya beensheegidu ceeb lama’ay aha oo iyaga ayaa iska waraabiya. Mideeda kale, warbaahinta Habar-majeerteen waa’ay xujeysanyihiin oo beentii ay 20 ka sanadood faafinayeen ayaa inta ka dabatimid hada cunaha ku dhegan. Badankooduna kulamada lagu fulinayo heshiiskii waxwadaqaybsiga kama ay hadlikaraan.

Warbaahin ku sheega Habar-majeerteen beenta ay 20 ka sanadood faafinayeen oo ilamaa iyo maalintii heeshiiskii (03/09/2011) uu dhacay xujada ku noqotay, oo ay uga hadlila’yihiin waxa weeye
been qayaxan oo ah in shirkii isbahaysiga hartiga ee cadowga ah lagu aas-aasay ay ku heshiiyeen jabhadaha SSDF, SNDU iyo USP. Marka heshiiska dhexmaray Habar-majeerteen iyo reer Tanadland
(03/09/2011) oo hada fulintiisa loo fadhiyo, beesha Habar-majeerteenna aanu horay ugu sanduleyney. Hadana ay ku qasbanyihiin inay u filiyaan sidii loogu heshiiyey. Wabaahinta Habar-majeerteen waa oof xanuun badan oo ku taagan. Hadalkuna waa u ka xiranyahay. Inta ka hadashayna hadalkoodu waa “Cantarabaqash” aan la fahmikarin waxa ay ka hadlahayaan. Sababtoo ah waa’ay ku dhicilayihiin inay runta abaaraan. Bal u fiirso, nimankaan isku reerka ah maqaalada ay qoreen ee isku hadafka ah beentoodu siday u kala duwantahay!!.

WAR DEG DEG AH: Xildhibaanadii B.Faderaalka ee raadinayey in la kordhiyo Golaha Wakiilada PL oo Garoowe soo gaaray & Xog soo baxday
http://www.puntlandtimes.net
XOG: Xildhibaano Doonaya In Baarlamaanka Puntland La Kordhiyo Oo Garowe Gaaray
http://puntland24.net
Faallo:- Kordhinta Xildhibaanada Puntland, yaa ka dambeeya qorshahaan?
http://www.allidamaale.com

Gebagebo:

Shirka waxwadaqaybsiga oo reer Tanadland ay ku iclaamiyeen sida kediska ah ayaa sidii la filahayey beesha Habar-majeerteen, markii ay maqashay waxay ka qaaday argagax iyo cabsi xad-dhaaf ah. Arinta cabsida ugu weyn ay ka qaadayna waxa weeye marxaladda hada beesha Habar-majeerteen ay ku jirto. Hadii shirku uu fashilmana beelaha reer Tanadland ay dagaal u diyaar garoobeen. Beelaha reer Tanadland waxaa ka go,an in marka lagu heshiiyo wax qaybsiga guud iyo tiro isle’eg oo xildhibaano ah, in beesha Habar-majeerteen ay nooga tanaasusho xilka madaxweynaha iyo gudoomiyeyaasha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos