Degaamada Bariga Gobalka Mudug Sida Loo Kala Leeyahay

Degaamada Bariga Gobalka Mudug Sida Loo Kala Leeyahay
Sawir gacmeedka uu sawiray (Cali Siciid Xassan) mulkiilaha Golol Arts.

Beesha Habar-majeerteen oo ah beesha ugu degaamada yar bariga gobalka Mudug waxay leeyihiin tuulada (Seemade) oo ay beesha reer (Fiqi-Ismaaciil) la wadaagaan. Tuulada (Bali-busle) oo la wada leeyahay. Laakiin marka ay noqoto degaan Habar-majeerteen u gaar ah. Habar-majeerteen wax ay leeyihiin waxaa jira magaalada Jiriiban oo ah xarunta degaanka Jiriiban.

Gogol Dhig :-

Sawir gacmeedka kor ka muuqda waxaa sawiray (Cali Siciid Xassan) mulkiilaha Golol Arts. Jaale (Cali Siciid Xassan) wuxuu ku dhashay magaalada (Qabridahare) oo u ku Soo barbaaray. Cali Siciid Xassan oo beel ahaan ka soo jeeda beesha Sacad, hooyadiis waxay ka dhalatay qoys beesha reer (Cabdile) ah oo magaalada Qabridahare aad looga yaqaano. Sababta uu shirkad diisa Farshaxanka uu ugu bixiyey (Golol Arts) na waxa weeye, ku faanid uu ku faanahayo degaamada ay beeshiisu ku leedahay degmada Jiriiban iyo dooxada Golol. Sawirkaan dadka lagu gurahayo qaxabta markii aan arkay waaxaan aqoonsaday qaxabtu inay tahay “Warqabta”. Qaxabta Golol bartankeeda ku taala ee “Warqabta” la yiraahdo oo ay ku baxday sheekada caanka ah ee (La Jir).

Ninkii arkay baa arkay’e “Warqabta” waa bohol aad u af-weyn oo gunteeda wax arki karaa aysan jirin, oo gunteedu ay aad u dheertahay. Lagana baqo oo xooluhu inaysan dadka uga daadan laga ilaashado, qaasatan waqtiyada habeenkii ay tahay. Degaan ahaana “Warqabta” dooxada Golol waxay uga taalaa, degaanka gobalka mudug ugu dhurwaaga iyo qaxaabaha badan ee (Qawlalo-Cad). ilaa iyo hada inta la’ogyahay nin iyo naagtiis ayaa lagu ridey qaxabta “Warqabta”. Balse sida sawirka ka muuqata farshaxan-yahan (Cali Siciid Xassan) wuxuu saadaalinayaa in rag badan lagu guridoono qaxabta “Warqabta”. Taas oo loo fasirankaro dagaal lagu kala adkaado in uu ka dhaco Golol iyo degaamada bariga gobalka mudug inay lama huraan tahay.

www.gololgallery.org

www.keydmedia.net

Nuxurka Qormada:

Sidaad ogsoontihiin, beesha Sacad degaamo farobadan bay ku leedahay bariga gobalka Mudug oo ka tirsan degmada Jiriiban. Weliba intaas waxaa weheliya, ceelasha ku yaala dooxada hodanka ah ee Golol kuligood waxaa wada leh beelaha Sacad iyo (Cismaan Yuusuf). Beesha Habar-majeerteen waxay ku lahaanjirtey hal ceel oo keliya waagii hore Golol cirif kiisa bari. Ceel kaasna waxaa qoday nin jifida Gumasoor ah. Waana ceelkii Habar-majeerteen lagu xifaalaynjirey oo la oranjirey (Af-gumasoorley), intaan dowladdii kacaanku aysan magaca ka bedelin. Oo aysan u bixin magaca cusub oo hada loo yaqaan ee ah (Af-barwaaqo). Isagiina saad la socotaan jifada reer (Nimcaale) baa ka qaaday oo hada iska leh.

Degaamada Bariga Gobalka Mudug Sida Loo Kala Leeyahay :-

Degaamada Reer Tanadland:

Aan ka bilaabo tuulooyinka ku teedsan wadada wadaagsin ee u dhexeeya Gaalkacyo iyo Seemade. Ceelka Goddad oo magaalada Gaalkacyo u jira 25km waxaa weligeed wada lahaanjirey Sacad, (Cimaan Yuusuf) iyo looboge. Wadada wadaagsin tuulada Goddad ku soo xigta waa ceelka (Gacnofale). Ceelka (Gacnofale) oo ah ceelasha ku yaala gobalka Mudug ceelka ugu qadiimsan uguna baaca dheer marka ay qoton dheerida noqoto. Ceelka Gacnofale wuxuu ku yaalaa meel dooxo ah oo ay ku hareeraysanyihiin kaymo hadi iyo dhegweyn u badan. Waxaana iska leh beesha (Cismaan yuusuf). Gacnofale tuulada ka xigta dhanka jiriiban waa tuulada iyo ceelka qadiimka ah ee (Ceel Bardaale). Ceelka (Ceel Bardaale) maadaama uu ku yaalo cirifka waqooyi ee dooxada Golol, waa ceel hareeraha ay ka xigaan toomo Dhegweyn, Hadi iyo Bardeyaal isugu jira. Waxaana iska leh 3 beelood oo reer Tanadland ah oo kala ah beelaha (Muumin Aadan), (Fiqi-Ismaaciil) iyo (Maalismoge).

Tuulada (Bali-Busle) waxay ku taalaa meel kala barta deegaanta looyaqaan caduun iyo ciid. Tuulada Bali-busle degaanada waqooyiga ka xiga ee u dhexeeya Buurtinle iyo Bali-busle, waa dhul qurxoon oo ciid guduudan leh. Sida degaamada ciidka meelaha qaarkoodna waxaaba ka baxa yicib iyo geed gaab oo dhan. Dhanka koonfur tuulada Bali-busle 20km markaad uga baxdidna waxaad galeysaa dooxada Golol. Dhanka barina ilaa aad ka gaartid xeebta bari ee gobalka mudug, waa dhul caro-xun ah. Oo riig mooyee aan ku haboonayn in ceelal laga qoto. Daaqsintana aan ku wanaagsanayn oo geel iyo ari toona dhaqashadiisa aan ku haboonayn.

Tuulada Bali-busle waxaa bartankeeda mara wadada wadaagsin, riiga dadka iyo xooluhu ay ka cabaana wuxuu uga yaalaa tuulada dhanka bari. Tuulada Bali-busle oo kala barta degaamada Habar-majeerteen iyo reer Tanadland. Tuulada Balibusle wadada wadaagsin daaraha uga teedsan koonfur iyo degaankaba waxaa iska leh beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge). Bali-busle wadada wadaagsin dhanka xiga buurtinle na waxaa shirko ku ah, 5 lafood oo beesha Habar-majeerteen ah sida (Nuux Jibraahiil), (Gumasoor), (Maxamed Cumar), (Cabdi Ciise), iyo (Mahad Qoyane).

Waagii dowladda kacaanka ahi ay jirtey, tuulada marka madax looga dhigo nin cida (Muumin Aadan) ah matooriistaha tuulada waxaa laga dhigijirey nin (Mahad Qoyane) ah. Marka nin cida (Muumin Aadan) ah tuulada matooriiste looga dhigana nin (Mahad Qoyane) ah ayaa tuulada loo dhiibijirey. Waagii aniga tuulada Bali-busle iigu danbeysey waxaa madax ka ahaa nin la yiraahdo (Maxamuud Dalmar) oo jifada (Reer Mahad) ah. Ceelka riiga ah oo ahaa meel xasarad badan, oo aalaa wakhtiga jiilaalka ay tahay geeljiruhu ay isku uleeyaana. Waxaa madax ka ahaa nin cida reer (Xirsi Muumin) ah oo la yiraahdo (Muuse Dhaloweyn).

Saas oo ay tahay, degaamada riigaga leh oo dhan waa degaano cusub oo 60 ilaa 70 sanaddood la degaameeyey. Laakiin degaamada qadiimka ah ee baadka iyo biyaha hodanka ku ah oo beelaha Sacad iyo (Cismaan Yuusuf) ay qarniyaasha badan ku noolaayeen. Waa dooxada Golol ee biyaha iyo baadka xoolaad hodanka ku ah. Beelaha (Cimaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) waxay dooxada hodanka ah ee Golol ay ku leeyihiin, 67 ceel oo ay ugu fac weynyihiin ceelasha (Gacno-fale), (Camay), (Ceel Bardaale), (Laaman-hadi), (Laaso Dheer-dheer), (Libintir), (Hagoogane), (Laaso Dhirin-dhir), (Qaydare), (Waraf), (Laas Dahare), (Dheg-ka-Maqal), (Lebi Geel-la’aaneed), (Laaso Cadale), (Doorshaanle), (Daaradoonle), (Bari Xabaalan), (Qawlalo Cad) iyo ceelasha ceel-gaabta ah ee biyaha dhow oo loo yaqaan (Galaanleyaal). Mideeda kale Golol waxaa ku yaal 17 dahar oo odayaasha waaweyn ee beelaha (Cimaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) ay ku aasanyihiin.

Degaamada Beesha Habar-majeerteen Ay Ku Leedahay Bariga Mudug:

Beesha Habar-majeerteen oo ah beesha ugu degaamada yar bariga gobalka Mudug waxay leeyihiin tuulada (Seemade) oo ay beesha reer (Fiqi-Ismaaciil) la wadaagaan. Tuulada (Bali-busle) oo la wada leeyahay. Laakiin marka ay noqoto degaan Habar-majeerteen u gaar ah. Habar-majeerteen wax ay leeyihiin waxaa jira magaalada Jiriiban oo ah xarunta degaanka Jiriiban.

Degaamada Beesha Sacad Ee Dooxada Golol Iyo Bariga Mudug:

Dooxada golol beesha Sacad waxay ku leedahay ceelasha iyo degaamada labaad oo ugu balaaran. Walow ceelasha beesha Sacad ay u badanyihiin ceelal dhano ah oo dadka iyo duunyadu aysan ka cabi karin. Degaamada beesha Sacad ay ku leedahay dooxada Golol iyo dhulka caduunka ah ee ku yaala bariga gobalka Mudug. Aan ka bilaabo ceelka (Af-barwaaqo) oo Caduun ku yaala. Ceelka (Af-barwaaqo) ilaa iyo intii loo gaaro xeebta bari ee gobalka Mudug. Degaamada iyo ceelasha dhanka koonfureed ka xiga qaxaabaha ugu dhurwaaga badan gobalka mudug oo dhan ee (Qawlalo-Cad), Ceelkii ninkii reer (Xirsi Muumin) ee (Qoryo-guban) la oranjirey uu abtigiis ku gawracay ee (Laas Mirifle) iyo dooxooyinka dhanka koonfureed ka xiga oo dhan. Qaxabta ugu weyn qaxabaha ku yaala dooxada Golol ee (War-qabta) oo ay ku baxday sheekada caanka ah ee “La Jir”. Degaamada koonfurta ka xiga oo dhan. Degaamada caduunka ah ee u dhexeeya dooxada Golol iyo tuulada riiga leh ee Bitaale.

Gebagebo:

Sheekada “La Jir” waxay ku baxday nin Habar-majeerteen ah oo lafta reer (Nimcaale) la xidid ahaa, islamar kaasna inan layaal ahaa oo cida la deganaa. Ayaa ninkii reer (Nimcaale) intuu bireeyey ninkii gabadhiisa qabey, meydkiisa wuxuu ku ridey qaxabta (War-qabta) si aan raqdiisa loo arag. Markaas ayaa gabadhii markay nin keedii ay weydey waxay aabaheed ku tiri “Aabow nin kaygii waxaan u malaynayaa in lagu ridey qaxabta (War-qabta) ee bal kaalay oo ila soo fiiri” Gabadhuna waxay u malayneysey inay nin keedii ay dad kale dileen oo marna isma aysan lahayn, aabahaa ayaa nin kaagii diley. Ninkii Sacad gabadhiisii ayuu inta soo raacay markay qaxabta dusheedii ay yimaadeen, ayuu inta gabadhiisii qaxabtii ku tuuray wuxuu ku yiri hawraarta caan baxday ee ah “La Jir”. Nin kaasi wuxuu gabadhiisa u diley, intay nin cadow ah oo Habar-majeerteen ah ay ii keentay bay hadana raqdiisa raad-raadin teeda ay igu wareerinaysaa”. Qisadaasi waxay muujinaysaa cadaawadda gaamurtey ee weligoodba ka dhexaysey Habar-majeerteen iyo Sacad.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos