DDS Oo Degmooyin U Magacaabaya Magaalooyinka Dhagafur, Dhudub Iyo Dhanbacaad.

DDS Oo Degmooyin U Magacaabaya Magaalooyinka Dhagafur, Dhudub Iyo Dhanbacaad.
Fanaanka Weyn Ee Reer (Dhagafur) Maxamed Shiikh wadanoole.

Dadka reer Tanadland ee degan geyiga Ogadenia waxay weligood ay ku haysteen sharaf iyo karaamo ay u hayaan beelaha kale ee Daarood. Wakhtigii uu xayle salaase xukunka dalka itoobiya uu hayey. Ayaa waxaa u tegey ergo reer Tanadland ah oo u hogaaminahayo (Suldaan Mursal Xaashi Maxamed Dheere). Xayle salaase ergadii reer Tanadland waa’u wanaajiyey oo danihii ay ka lahaayeen itii ugu muhiimsanayd oo dhan waa’u ka aqbaly. Warqad dowli ah lagu fulinayo wixii ay ka rabeena waa u siiyey koobigeeda. Wuxuu kaloo siiyey aqoonsi cadayn ah oo muujinaya dadka reer Tanadland ee itoobiyaanka ah, degaamadooda iyo Isimada dadka reer Tanadland hogaanka u ah.

Waagaas xaakimiinta maxkamaddaha magaalooyinka waaweyn ee geyiga Ogadenia waxay u badnaayeen wadaado reer Tanadland ah. Isimka guud ee isimada reer Tanadland ee geyiga Ogadenia wuxuu degey magaalada Wardheer ee gobalka Doolo. Halkaas oo u deganaa kuna soo barbaaray. Markaas ayaa isimka guud ee beelaha (Bah Tanade) (Ugaas Duulane Ugaas Xaashi Ugaas Faarax-Cadde), waxaa gaarey in dowlada itoobiya ay beesha Tanade isim kooda degaanka Itoobiya ay aqoonsi siisay.

Markaas ayaa (Ugaas Duulane) intuu magaalada Qabridahare ugu yeeray (Suldaan Mursal) wuxuu u guuriyey gabar uu adeer u yahay. Wuxuuna ku yiri “Wardheer ka soo guur oo Qabridahare ila soo deg. Talodaas iyo waxtarkaas gacaltooyo waa’u ka yeelay (Suldaan Mursal) oo wuxuu degey magaalada Qabridahare. Arintaasina waa sababta bahda weyn ee (Suldaan Mursal Xaashi) ay reer Qabridahare u yihiin, bahda yarina reer (Wardheer).

Ugaska hada talada haya (Ugaas Maxamed) aabihiis (Ugaas Duulane) waxuu ahaa nin talada degaanka Ogadenia looga danbeeyo. Ujeedada uu (Suldaan Mursal) magaalada Qabridahare u soo dejiyeyna waxay ahayd, in ay wax isla qorsheeyaan oo mar kasta dadka reer Tanadland ay saami fiican uga helaan shaqooyinka maamulada dowladda. Waayadii xaylasalaasi iyo Mingiste ay talada dalka Itoobiya ay hayeen, dadka reer Tanadland xilal aan badnayn bay ka hayeen gobalada (Qoraxay), (Doolo) iyo magaalada (Qalaafe) oo ay degto beesha (Reer Xaaji Cumar).

Laakiin marka ay noqoto ciidamada dadka reer Tanadland ugu jirey ciidamada Itoobiya wakhtigii (Xayle-salaase) aad bay u yaraayeen. Sababta oo ah xukuumaddii (Xayle-salaase) waxay ahayd gumeysi cadow ah. Shaqaalaha magaalooyinka ka shaqeeya oo xukuumadda xabashida u shaqeeya dhib saas ah looma arkijirin. Laakiin ciidamada iyo booliska dadka qorta. Waagaas shacabku waa’ay necbaayeen oo waxay Oranjireen waa jaa-juusiin.

Sanadkii 2010 -ka waxaa u tegey madaxweyne (Cabdi Maxamuud) ergo ka socota dadka reer Tanadland ee geyiga DDS. Qasad kooduna wuxuu ahaa in madaxweynaha ay kala hadlaan in degmooyin u gaar ah loogu magacaabo dadka reer Tanadland. Gobalka (Qoraxey) waxay codsadeen in magaalada (Dhanbacaad) oo ka tirsan degmada (Shiilaabo) degmo looga dhigo. Isla markaasna ka mid ah magaalooyinka ay degto beel-weynta reer (Cali Muumin). Gobalka Doolo na waxay codsadeen in labo degmo looga dhigo magaalooyinka (Dhegafur) iyo (Dhudub), oo hada ka tirsan degmooyinka Booq iyo Galaadi.

Ergada reer Tanadland codsigoodii madaxweyne (Cabdi Maxamuud) waa u ka aqbalay. Laakiin wuxuu sharuud uga dhigay inay dhawr arimood ay fuliyaan oo dowladda DDS ay la shaqeeyaan. Arimihii uu sharuuda uga dhigay ergada reer Tanadland madaxweyne (Cabdi Maxamuud) oo dhan waa hore ayaa la fuliyey. Metalan dowladda DDS waxyaabihii ay codsatay waxaa ka mid ahaa, in DDS ay u baahantahay ciidamada gaarka ah ee Liyyu Booliska in la gaarsiiyo 43000. Reer Tanadland na looga baahanyahay inay ciidan ku biiriyaan ciidanka gaarka ah ee DDS.

Ciidamada gaarka ah ee DDS oo ciidan sida lagu sheego aan ahayn boolis, una tababaran sida ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya. Ayaa hada waxaa ku jira 526 askari oo reer Tanadland ah.
Waxaa kaloo ku jira ciidamada gaarka ah ee DDS 3 sarkaal oo reer Tanadland ah oo taliyeyaal sare ka ah 3 ciidan oo qaybaha ciiidamada ah.

Iyadoo ay saas tahay, ayaa sanadkii hore madaxweyne (Cabdi Maxamuud) wuxuu sameeyey 2 gobol iyo 40 degmood oo cusub. Qaybtaas oo sedka ugu balaaran ay ka heshay besha (Sade). Oo heshay gobal iyo 2 gobol barkood. Beesha (Reer Xasan) waxay leedahay gobalka cusub ee (Dhaawa) 90% marka laga reebo degmada Moyaale, oo ay degaan beesha Gare iyo Booran. Gobalka (Liibaan) oo ay wada degaan beelaha (Reer Xasan), (Gare) iyo (Dagoodi) na beesha (Sade) waxay noqotay beesha ugu degmooyinka badan.

Beesha (Sade Daarood) oo gobalka (Qoraxay) ku leh degaan aan ka yarayn kan reer Tanadland ay ku leeyihiin. Siiba lafta ugu badan beesha reer Diini ee ree (Siyaad Xusseen). Ayaa 22 kii sanaddood ee ugu danbeeyey waxay u soo degeen gobalka (Doolo) si xad-dhaaf ah. Sida magaalada (Galaadi) oo hada maamulka iyo shacabka ugu badani ay yihiin lafta (Celi Dheere) ee beesha Sade. Beesha (Sade) waxay kaloo si xad-dhaaf ah ay u soo degeen magaalada caasimadda u ah gobalka Doolo ee Wardheer. Xataa hada besha Sade waxay soo degeen magaalada (Dhudub), oo waagii hore dhawr qoys oo jifada (Reer Biciidyahan) ah oo kali ahi ay nagu tarixijireen. Walow dadka reer Tanadland ay ku faraxsanyihiin inay beesha Sade ay magaalada soo camiraan. Oo magaaladu ay noqoto magaalo weyn. Marka hada ahna beesha (Sede) waa beesha labaad ee degaamada ugu balaaran ku leh geyiga DDS.

Dabcan, xukuumadda DDS ciidamad faraha badan oo 43000 ah ee ay qoranahayaan. lana rumaysanyahay in intooda badan lagu wareejin doono ciidamada fedaraalka ee Itoobiya. Madaxweyne (Cabdi Maxamuud) wuxuu rabilahaa in beesha (Sade) ay ciidan xoog leh ku biiriyaan ciidanka DDS. Si uusan (Cabdi Maxamuud) ugu ceeboobin dowladda dhexe oo u balanqaad kula galay, in uu ciidan 43 kun ah ka qoridoono DDS. Ciidan kaas intooda badan lagu wareejin doono ciidamada federaalka Itoobiya. Walow qorshahaas dowladda deegaanku ay dhaqaalaha uga raadinayso dowlada dhexe uu hada fashil ku dhowyahay. Oo ciidanka ilaa iyo hada u diiwaan gashan DDS uu aad uga yaryahay intii looga baahnaa.

Arinta kale oo DDS caqabadda ku ah waxa weeye, beesha (Habar-majeerteen) oo ka mid ah beelaha wax ka dega gobalka Doolo. Oo haba yaraatee aysan suuragal ahayn inay ciidamo ka qortaan. Maadaama shacabka beesha Ogaadeen iyo isimadooda. Iyo weliba ciidamada gaarka ah e (Liyyu boolis) ka loo yaqaan oo u badan ciidamadii jabhadda (ONLF) ee garabka la heshiiyey dowladda Itoobiya. Oo ka xun dhaqankii foosha xumaa iyo denbiyadii wakhtigii Xayle-salaase iyo Mingiste, jaajuusiinta u shaqeeya Amxaarada oo ka soo jeeda beesha Habar-majeerteen ay ka geysteen gobalka Doolo.

Arintaasina waa arinta u sababta ah, in waayadaan danbe jifooyinkii beesha Habar-majeerteen ka degijirey gobalka Doolo inay degaamadoodii ka soo qaxaan. Oo ay u soo qaxaan gobalka Mudug iyaga oo ka cabsi qaba in ciidamada DDS ay xasuuqaan.

Sidaad ogsoontihiin sanadkii hore dabayaaqadiisii meel ka tirsan degmada Booq, oo u dhow gobalka Xariir. Beesha Habar-majeerteen waxay damceen inay magaaleeyaan oo ay ceel riig ah ka qotaan. Markaas ayaa niman ciidanka DDS oo reer Tanadland ahi ay shirqooleen, oo waxay ku soo hogaamiyeen ciidan iskudhaf ah oo ka mid ah ciidamada DDS. Uuna wato sargaal jabhadda ONLF horay madax uga ahaanjirey oo ay ogyihiin haduu fursad u helo Dhebayaco in uu dubanahayo. Markaas ayey inta meeshii yimaadeen ay 6 nin uga laayeen Dhebayaco. Intii kalana intay labadible u xireen ay xabsiga magaalada Wardheer ay ku gureen.

Dhowaan waxaa soobaxay warar lagu kalsoonyahay oo sheegaya in magaalooyinka kala ah (Dhagafur), (Dhanbacaad) iyo (Dhudub), ay DDS doonayso in degmooyin loo magacaabo mar dhow. Maamulada magaaloyin kaan waxaa kaloo DDS ay u sheegeen in mashaariic dhowr ah laga hirgelin doono. Sida dugsiyo sare, isbitaalo iyo ceelal matooro ah. Magaalada Jano-gibin “Bali Soofe” ayaa iyadana sanadka soo socda
madaxda DDS ay sheegeen in mashaariic laga hirgelin doono.

Jigjiga (Cakaaranews ) Sabti, 27ka February 2016. Waxaa galabta kal-fadhigii 2,aad golihiisa 5, aad ee Golaha Xildhibaanada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen Degmooyin, Gobolo iyo Maamul Magaalooyin cusub oo lagu soo kordhiyey guud ahaanba deegaanka kadib soo bandhigidii ajandayaasha kalfadhigan oo ansixinta qodobkan iyo warbixintii lasoo jeediyay ay kamid ahaayeen iyadoo uu afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq uu si rasmi ah u furay kal-fadhiga.

Hadaba degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo gobolada la ansixiyay waa sidan:

1. Degmooyinka cusub ee Gobolka Faafan lagu daray

1. Degmada Qooraan oo rugteedu noqonayso Mula

2. Degmada Harawo oo rugteedu noqonayso Dharwanaaje

3. Degmada Jigjigada Galbeed oo rugteedu noqonayso Haroorayso

Magaalooyinka Darajada 3, aad: waxaa magaalooyinka darajada 3,aad loo ansixiyay

1) Magaalada wajaale

2) Magaalada Qabribayax

2. Degmooyinka cusub ee Gobolka Jarar

1) Degmada Bilcil-buur

2) Degmada Dig

3. Degmooyinka cusub ee Gobolka Qoraxay

1) Degmada Boodalay- xarunteeda dib baan idiinka soo sheegi doonaa

2) Degmada higlooley

3) Degmada Laas-dhankayre

4) Degmada Goglo oo rugteedu noqonayso Kudunbuur

5) Degmada ceel ogaadeen

4. Degmooyinka cusub ee Gobolka Liibaan

1. Degmada Boqol maayo

2. Degmada Qadhaadhumo

5. Degmooyinka cusub ee Gobolka Shabeele

1. Degmada Eleele

2. Degmada Abaaqorow

6. Degmooyinka cusub ee Gobolka Afdheer

1) Degmada God-god

2) Degmada Qooxle

Labadaa dagmo iyagoo oo ay cusub yihiin ayaa waxaa gobalka dib loogu habeeyay sidan:-

1) Hargeele-xarunta gobalka

2) Baareey

3) Doolo-baay

4) jarati

5) Raaso

6) Iimay-galbeed

7) Ceel-kari

7. Degmooyinka cusub ee Gobolka Sitti

1) Degmada Gablaalu

2) Degmada Goota-biki oo xaruntu noqonayso Biki

8. Degmooyinka cusub ee Gobolka Doolo

1) Degmada Lahel-yucub: xarunta degmadu waxay noqon Lahelaw

2) Degmada Galxamu oo horay bookh uga tirsanayd

9. Degmooyinka cusub ee Gobolka Nogob

1) Degmada Xaraarey

2) Degmada Yaxoob

3) Degmada Cayuun

4) Degmada Horshagax

5) Degmada Waangay

Labada Gobol ee cusub: Gobolka Dhaawa iyo Gobalka Erer

1. Gobolka Cusub Ee Dhaawa

1. Leeyi xarunta gobolka dhaawa

2. Mubaarak

3. Hudhat

4. Mooyaale

5. Qadhaadhumo

2. Gobolka Cusub ee Erar

1) Fiiq-xarunta gobalka erar

2) Xamaro

3) Lagahida

4) Salaxaad

5) Mayu-muluqo

6) Qubi

7) Yaxoob

8) Waangay

Degmooyinka Gobalka Liibaan waxay noqonayaan sidan:

1) Filtu

2) Dool-cado

3) Dheka-softi

4) Boqol-maay

5) Qarsaadhula

6) Goora-baqaqsa

7) Gura-dhaamoole

Degmooyinka Gobalka Nogob waxay noqon sidan:

1) Ceelwayne xarunta gobalka Nogob

2) Dhuxun

3) Sagag

4) Garbo

5) Xaraarey

6) Cayuun)

7) Horshagax

DDS Oo Magaalooyinka (Dhagafur), (Jono Gibin “Bali Soofe”) Iyo (Dhudub) Degmooyin U Magacaabaya

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos