Ciidamada Tanadland Oo Weeraray Mooryaanta Beesha Sacad Meel Ay Isbaaro Dhigteen 3 Ninna Ka Diley

Ciidamada Tanadland Oo Weeraray Mooryaanta Beesha Sacad Meel Ay Isbaaro Dhigteen 3 Ninna Ka Diley

Meel An Soogalay Waa La Garanjirey!!

Malintii jimcaha ee shalay ahayd ciidamada geesiyiinta ah ee Tanadland waxay weerareen mooryaanta baraxley labo jeer oo isxiga. Weerarka hore waxaa qaaday ciidamada beelaha (Reer Ugaas Cismaan) iyo (Maalismoge) ee ku sugan koontaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo. Waxayna weerareen mooryaan beesha Sacad ah oo isbaaro dhigtay wadada laamiga ah ee magaalada Xamar aada. Ciidamada reer Tanadland halkaas waxay mooryaanta uga dileen 3 nin, 4 nin oo kalena waa’ay ka dhaawaceen. Inaasi markii ay dhacday ayaa ciidamada go’doomiyey xaafadda baraxley oo degan suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo waxay tacshiiradeeyeen mooryaanta beesha Sacad, oo aan iyagu suuqa soo gelikarin ee fadhiya docda xaafadda Baraxley. Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha tacshiiraddaas lagu gaarsiiyey mooryaanta baraxley. Balse waxaa dhacday inay toogasho ay ku dileen labo nin oo ganacsato ah oo suuqa uga baxay dhanka xaafadda baraxley. Xaafadda baraxley oo ah meel bahalogaleen ah, ayaa labada nin ee ay ku dileen mooryaanta baraxley waxay u kala dhasheen (Raxanweyn) iyo (Reer Xamar). Labadaan nin oo ganacsatada ah ayaa la rumaysanyahay sababta loodiley inay tahay, mooryaanta baraxley
oo ka xun ganacsatada koonfurta soomaaliya ka yimaada ee badeecadaha keena suuqa magaalada Gaalkacyo.

Beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) ayaa waxaa ka go’an inaysan wax waan-waan iyo heshiis ah aysan la gelin oo ay dagaal ku quusiyaan beesha (Sacad). Mideeda kale gudi 6 qofood ka kooban oo dhawaan la galay wadahadal beesha Sacad, ayaa waxaa fashiliyey oo qorshihii ay wateen cagta ku dhuftay beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge). Sidaan horay ugu sheegay maqaalkii aan ka qoray dagaalkii ugu danbeeyey ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay. Dagaal lagu kala baxo oo lagu quusiyo mooryaanta beesha Sacad hubkana loogaga dhigo in lagu qaado waa lamahuraan. Beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) waxay aaminsanyihiin in mooryaanta weeraray suuq laga dhisayo xaafadda Garsoor, oo kibirkoodu ilaa heer kaas uu gaarey in lagu dhigo jab jiilalkooda danbe ay ka shalaayaan oo xanuun badan. http://tanadland.com/

Reermiyiga beesha Sacad ee degan tuulada Bandiiradley oo ku taala ban oomane ah oo baad iyo biyo toona aan lahayn, intii ka horeysey dagaalkii magaalada Gaalkacyo xoolahoodu waxay ka cabijireen riiga magaalada (Saaxkhurun). Riiga magaalada (Saaxkhurun) na waa ceel biyo badan oo jiilaal kasta oo dhaca aysan biyihiisu isdhimin. Degaanka daaqsinta hodanka ku ah ee (Saaxkhurun) na wuxuu ahaa degaan ay ku baxsadaan xoolodhaqatada beesha Sacad marka uu jiilaalku xumaado. Laakiin hada magaalada (Saaxkhurun) waxay ka mid tahay magaalooyin dhawr ah oo u dhexeeya magaalooyinka (Dhudub) iyo (Teerage), oo ay beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) ay ka sameeyeen saldhigyo ciidan. Tigniko iyo ciidan farabadanna ay isugu geeyeen si ay uga qayb qaataan dagaalka la filahayo inuu dhaco. Xoolahoodii iyo dad koodiina hada waxay ku baaba’een ban oomasoore ah oo wax dhir ahi xataa wakhtiga guga ay tahay aysan ka soo bixin. Oo aysan xataa ku oolin xiliga barwaaqada ah geed bakayle uu gayraha ka dugsado.

Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo oo ah hanti ahaan iyo dhul ahaanba mid u gaar ah oo ay leeyihiin reer Tanadland kuna yaala xaafadda Garsoor, ayaa markii dagaaladu ay ka dheceen magaalada Gaalkacyo waxaa gebi ahaanba la wareegey ciidamada Tanadland. Ciidamada reer Tanadland ayaa wadooyinka iyo wadiiqooyinka ka soo gala suuqa dhanka xaafadda Baraxley oo dhan xiray.

Mideeda kale saraakiisha ciidamada reer Tanadland ee fariisinkoodu uu yahay koontaroolka wadada laamiga ah ee Halabooqad ee ku taala xaafadda Israac, ayaa waxay ku guuleysteen inay soo furtaan gaari ari sidey oo ay dhaceen niman Habar-majeerteen ah. Gaariga waxaa iska lahaa nin beesha reer (Xaaji Saleebaan) ah oo ganacsade ah. Arintaan ayaa waxay ku soo beegantay wakhti magaalada Gaalkacyo ganacsigii uu kala xiranyahay, oo labada koontarool ee koontaroolka wadada Xamar iyo wadada Halabooqad aada ay hawlgab noqdeen. Koontaroolka wadada xamar aada oo ay joogaan ciidan aan la tarixin oo reer Tanadland ah, ayaa gebi ahaanba wax gaadiid ah oo maraa aysan jirin. Wadada Halabooqad aada koontaroolka ku yaala oo gaadiidka isticmaala uu 90% hoos u dhac ku yimid, tan iyo markii xanibaadda la saaray gaadiidka koonfurta soomaaliya ka yimaada. Hada wax dakhli ah lagama qaado gawaarida kooban oo wadada isticmaala. Maadaama maleeshiyada labada beelood ee kastamka jooga gaadiidley ay isku hayb yihiin oo keli ahi ay wadada maraan.

Wadada (Galdogob) Iyo (Caabudwaaq) Isku Xirta Oo Ay Hada Maraan 85% Gaadiidkii Marijirey Magaalada Gaalkacyo :-

Gaadiidkii xamuulka ee dekadda Bosaso aadijirey oo ka weecday magaalada Gaalkacyo, ayaa hada waxay maraan daw kale oo ah wadada isku xirta magaalooyinka (Galdogob) iyo (Caabudwaaq). Gaadiidka u socda magaalada Gaalkacyo oo u badan gaadiidka qudaarta qaada, oo ka yimaada gobalada koonfureed ayaa ardhawaale magaalada Gaalkacyo waxay ka soo galahayeen dhanka magaalada Halabooqad. Walow ay mararka qaarkood ay dhacdo in gaadiid ka yimid gobalada koonfureed ay inta qudaarta ay ku dejiyaan xaafadda Baraxley, ay dabeed qudaartii oo gaarigacan lagu wado si dhuumaalaysi ah lagu soo geliyo suuqa magaalada Gaalkacyo.

Gebagebo:

Sidaad la socotaan oo qoraalkii ugu danbeeyey ee aan qoray waxaan ku xusay, in ciidamo la kala qaaday iyo wax heshiis ah midna magaalada Gaalkacyo aysan ka dhicin. Walow ay jirto in sheekooyin qiyaali ah iyo warar been ah warbaahinta la geliyey. Laakiin waxaa jirta oo run ah in beelaha Sacad iyo Habar-majeerteen oo dad fool nugul oo aan dagaalka burji u lahayn ah, Dagaalkii istuuryaynta ahaana si xun ugu jabay. In heshiiska ay kala sixiixdeen iyo xalka ay raadinayaan uu ka dhab yahay oo ay naflacaari yihiin. Heshiiska hada ay carqaladeeyeen beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge) waa heshiiskii 3-aad oo ay carqaladeeyaan, oo ay beelaha Sacad iyo Habar-majeerteen ay ku heshiiyeen.

Balse hada xaalku wuxuu marayaa in ergada ugu jirta gudiga nabadaynta beesha Habar-majeerteen inay la mawqif noqdeen beelaha (Cismaan Yuusuf) iyo (Maalismoge). Iyaga oo ku gacansayray kana soo hor jeestey horjoogaha beeshooda (C/weli Gaas). Hadana ay faraha si qumaati ah ugala bexeen hawlihii khiyaaliga ahaa ee ay ku jireen. Sababtuna waxa weeye waxay ka baqayaan in mid-mid loo qaarajiyo, haday qaataan mawqif ka duwan kan beelaha reer Tanadland. Maadaama beesha Habar-majeerteen rag 50 nin ka badan oo ergo u ahaanjirey magaalada Gaalkacyo horay loogaga diley.

Laakiin xaqiiqadu waxa weeye anagu hadaanu nahay beelaha reer (Ugaas Cismaan) ka koonfureed iyo (Maalismoge), nabadda iyo colaada magaalada Gaalkacyo anaga ayey naga go’aan. Cid aan anaga ahayn oo tiraahda heshiis iyo xabadjoojin baanu samaynaynaana waa’ay ku ceeboobahayaan. Dadka warbaahinta ka hadlay oo warqadaha beenta ah kala sixiixdayna waa beenaaleyaal. Nabaddu anaga hada dhawr sababoodba wax noo cuntamikara maaha. Sababta oo ah dagaalkii Gaalkacyo wuxuu ka bilowday dagaal gardaro ah oo degaankayaga beesha Sacad ay ku soo qaaday. Ilaahay galaddiisa dagaal kaas rabi guusha waa u noo sahley cadowgayagana waa u hoojiyey. Saas oo ay tahay dagaal kaas wiilal geesiyiin ah oo xaqkudirir ah ayaa nooga shihiidey. Anagana waxaa dhaqan weligeedba noo ahaanjirtey qadiyadda uu nin nooga dhinto inaanu ka jibo gaaro.

Nabaddu anaga waxa keliya oo ay macne noo yeelanaysaa oo aanu aqbalikaraa, marka aanu dagaal uga adkaano beesha Sacad. Oo aan afka ciida u daro, hubka ay haystaana badidiisa aanu ka furano. Oo maxaabiistooda marka aanu qab-qabano ay nooqirtaan inaanu eedsiiney weerarkii gardarada ahaa ee ay ku soo qaadeen galbeedka xaafadda Garsoor.

Mideeda kale oo muhiimka ahi waxa weeye, caadiyan colaadu maaha wax lagu deg-dego. Hadii aad ka fursanweydid oo ay dani kugu qasabtana munaasibkeedu waa in laga jibo gaaro. Hadii kale oo aan saas la yeelin nabadda, heshiiska iyo colaaduba wax qiimo ah uma ay yeelanayaan dadka. Dadkuna wuxuu noqonlahaa wuxuush xumaanta iyo samuhu aysan u kala soocnayn oo wax xakameeya aan lahayn. Saas darteed dadka soo abaabuley oo heshiiska qiyaaliga ah ku kala sixiixday magaalada Gaalkacyo dhawaan, waa wuxuush naflacaari ah oo xumaanta iyo samaha aan kala aqoon. Hal’adaygna aan lahayn oo aan waxba ku adkaysan karin, mabdana aan lahayn haba yaraatee.

Ayaan dhexdeer ah waxaa laga sheegahayey nin beesha Sacad ah oo idaacad ku taala xaafadda Baraxley ka hadly, “in ciidamada reer Tanadland ee ku sugan koontaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo uu ku eedeeyey inay guri uu leeyahay ay ka dumiyeen”. Ayaan ka sii horeyseyna saad la socotaan wayyagii lahaa “Meel aanu rabney inaanu xero ciidan ka dhisano ayey ciidanka koontaroolka jooga ay naga dumiyeen”. Guri la dumiyey bey iyagu ka hadlayaane anaga waxaa naga go’an inaanu xaafadda Baraxley iyo mooryaanta ku noolba aanu baabi’ino. Sababtoo ah mooryaanta baraxley waa’ay u suuroobiweydey ee waxay iskudayeen inay naga carqaladeeyaan dhismaha mashruuc malaayiin doolar jooga.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos