Ciidamada Somaliland Oo Lafilayo Inay Magaalada Garoowe Qabsadaan Ciida Ka Dib

Ciidamada Somaliland Oo Lafilayo Inay Magaalada Garoowe Qabsadaan Ciida Ka Dib

Goleyaasha bulshada reer Tanadland ay ku kulmaan ayaamahaan waxaa ka socdey damaashaad, laysugu hahbalyaynahayo jabka ka soo gaaray habar-majeerteen labadii dagaal oo dhacay. Rag meel u joogaba waa rajo ku nool. Labadii dagaal ee ugu danbeeyey oo sida xun loogu jebiyey gunta Habar-majeerteen. Waxay umadda reer Tanadland ay ku beertay rayn-rayn iyo farxad hididiilo xambaarsan.

Arar: –

Goleyaasha bulshada reer Tanadland ay ku kulmaan ayaamahaan waxaa ka socdey damaashaad, laysugu hahbalyaynahayo jabka ka soo gaaray habar-majeerteen labadii dagaal oo dhacay. Rag meel u joogaba waa rajo ku nool. Labadii dagaal ee ugu danbeeyey oo sida xun loogu jebiyey gunta Habar-majeerteen. Waxay umadda reer Tanadland ay ku beertay rayn-rayn iyo farxad hididiilo xambaarsan.

Dagaalkii ugu danbeeyey ee dhacay (24/05/2018) ahaa oo sida xun loogu jebiyey maxaysatada habar-majeerteen, wuxuu muujinayaa in tabartii ay ka dhamaatay oo ay qarka u saaran yihiin in la qabsado.

Dulucda Qormada : Beesha (Maxamuud Garaad) Oo Beesha Habar-majeerteen Si Xun Ugu Jebiyey Dagaalka

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa beentaada hore runtaada danbe ayey u darantahay. Sidaad ogsoontihiin dagaalkii beesha Habar- majeerteen lagu jebiyey ee dhacay maalintii ay taariikhdu ahayd (15/05/2018). Dagaal kaas walow ay beesha habar-majeerteen weerarka bilowday. Dagaalkaas natiijadiisii waxay noqotay in habar-majeerteen dagaalka si xun loogu jebiyo. Iyada oo 11 tigniko ahna goobta dagaalka looga gubey, 7 tigniko ah iyo hal taangi ahna laga qabsaday. Taas waxaa ka sii darayd iyada oo saldhigoodii ugu weynaa ee God-qaboobe oo ay ka soo duuleen sahal looga qabsaday.

“Sahal looga qabsaday” markaan leeyahay, waxaan ula jeedaa habar-majeerteen waxay haystaan ciidan 2000 ah oo furinta u jooga. Markii la jebiyey oo dib loo soo cayrsadey waxaa ka dhintay oo keliya rag 58 nin aan ka badnayn. Markaas ayey xawaare waxay ku dhaafeen saldhigoodii la rabey in nin kooda ugu danbeeya in uu nafta u huro difaaciisa.

Arintaasi waxay sababtay in maleeshiyada Habar-majeerteen ay noqdaan ciidan aan rasaas iyo saad haysan, oo hadii la soo weeraro aan haysan waxay isku difaacaan. Dhaqanka soomaalida iyo aduun weynahaba muhiimadda dagaalku waa goobta dagaalka. Dagaalka goobta hadii lagaa helo dagaalka waa lagaaga adkaaday. Balse wax dhicikara maaha in ciidan aan la baabi’in saldhigiisa la qabsado. Saas oo ay tahay, Habar-majeerteen saldhiga god-qaboobe qabsashadiis waxaa u dheeraa. Waxay saad iyo saanad ay haysteen waxay uga carareen God-qaboobe.

Arinta kale oo muhiimka ah waxa weeye dagaalkii dhacay (15/05/2018), Habar-majeerteen xataa waxay ku dhiciwaayeen inay qirtaan in saldhigoodii God-qaboobe laga qabsaday. Bal iska daah inay qirtaan in dagaalka looga adkaaday’e.

Hadaan Ka Waramo Dagaalkii Dhacay (24/05/2018) Ka :-

Waxaa la filayaa dagaal kaas dagaalka danbeeyaa in uusan dib danbe u dhexmari doonin ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada Mahbarka ah. Sababta oo ah markii labaad baleeshiyada beesha Habar-majeerteen waxay muujiyeen inay yihiin, maleeshiyo fuleyyaal ah oo aan diyaar u ahayn inay difaacida sharaftood ay nafta u huraan.

Subixii ay taariikhdu ahayd (24/05/2018) maleeshiyada naflacaariga ah ee habar-majeerteen waxay duulaan ku qaadeen ciidamada Somaliland, ee fariisin koodu uu yahay God-qaboobe. Qaasatan ciidamada beesha (Maxamuud Garaad) oo dagaalkii hore sida xun u jebiyey beesha Habar-majeerteen. Ujeedada kaliya ee Habar-majeerteen ay weerar kaas ka lahayd ayaa waxaa la’aaminsanyahay inay tahay, maadaama ay aaminsanyihiin inaysan haysan awood iyo karti ay isaga caabiyaan ciidamada somaliland. Somaliland ciidamadoodana ay ka go’antahay inay magaalooyinka Garoowe iyo Bosaso inay qabsadaan. In Habar-majeerteen ay muujiyaan wax yar oo firgasho ah sidii neef la biraynahayo inta aan la qabsan.

Weerarkii ay qaadeen Habar-majeerteen subaxdaas si sahlan bay ciidamad Somaliland ay ugu jabiyeen. Waxaana loo geystey jab ciidan oo ka balaaran kii loo geystey dagaalkii dhacay (24/05/2018). Dagaalka walow maleeshiyada Habar-majeerteen 7 tigniko ah looga gubey. Gaari C/bile ah oo qori dhashiike ahi uu saaranyahay na looga qabsaday. Hadana qasaaraha nafeed ayaa ah 62 nin.

Maalintii dagaalku uu dhacay maleeshiyada Habar-majeerteen ee weerarka qaaday waxay ahaayeen 1800 oo nin. Waxayna u dagaalameen si ka qaabdaran dagaalkii hore oo la yaab leh. Markii ay maleeshiyadaasi goobta dagaalka ay ka baqo-caraeen oo ay kala firxadeena. Ciidamada Somaliland ay nolol ay ku qabteen oo ay bireeyeen 27 nin oo Habar-majeerteen ah iyo nin beesha (Maxamuud Cali) ah oo reer Garoowe ah. Waxaa kaloo dagaalka looga diley 34 nin oo kale.

Atinta kale oo ah wax lagu qoslo ah ayaa waxay tahay, in koox aad u yar oo midiidin u ah gunta Habar-majeerteen, asal ahaana ah reer Tanadland ayaa sidoo kale dagaal kaan danbe 2 nin looga diley, 5 nin oo kalana looga dhaawacay. Iyadoo sidoo kale ay jirtey in markii ay tageen God-qaboobe ay dhexdooda si kama ah ay isaga dileen hal nin, 3 nin oo kalana ay iskaga dhaawaceen.

Ciidamada Somaliland oo hada ku soo xoogeystey furinta dagaalka welina aan wax weerar ah ku qaadin dhanka Garoowe. Ayaa waxaa dadka ku nool magaalada Garoowe badankoodu ay aaminsan yihiin, in maalinta ciida wixii ka danbeeya ay ciidamad Somaliland soo gelidoonaan magaalada garoowe. Iyagoo wax iska caabin ah aan la kulmin haba yaraatee. Maadaama maleeshiyada mahbarku ay ka baqeen inay la dagaalamaan ciidamada Somaliland. Hadana aysan tabari ku harin oo awoodoodii ciidan la baabi’iyey.

Teeda kale ciidan yar oo beesha (Maxamuud Garaad) ah oo Habar-majeerteen dagaalka la galay maalintii ay taariikhdu ahayd (24/05/2018), ayaa maalintii danbe waxay ku biireen ciidamada Somaliland ee Fadhiya
aaga Taleex. Iyaga oo ka carooday in beesha Habar-majeerteen ay weerarka xoogiisa ku qaaday ciidamada somaliland ee beesha (Maxamuud Garaad). Oo u wato (Col: Axmed Cambaashe).

Waxaa kaloo xusid mudan in maleeshiyo yar oo beesha (Axmed Garaad) ah ay furinta God-qaboobe ka baxsadeen, oo ay ku biireen ciidamada Somaliland intaanu dhicin dagaalkii (15/052018). Maadaama ay ogaayeen in hadii
uu dagaal dhaco, maxaysatada Habar-majeerteen in halaag uu ku dhici doono.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos