Ciidamada Beesha (Reer Cali Khayr) Ee Shalay Weerarka Qaaday Oo Qabsaday Fariisimada Xulufada Gal-nus

Ciidamada Beesha (Reer Cali Khayr) Ee Shalay Weerarka Qaaday Oo Qabsaday Fariisimada Xulufada Gal-nus

Maxaad Kala Socotaa Siday Ku Dhinteen 19-ka Nin Ee Habar-majeerteen Iyo (C/casiis Oomaar Hiraabey) Oo Aan Dagaalkii Shalay Ku Jirin?

Dagaalka istuur-tuurka ah oo ka bilowday magaalada Gaalkacyo taariikhdu markii ay ahayd (07/10/2016) ayaa hada wuxuu socdaa maalintii 29 -aad. Galbeedka magaalada Gaalkacyo oo ah halka ciidamada beesha (Bah Qumis) iyo beesha (Reer Khayr) ay dhawaanahaan isku hor fadhiyeen, dagaal wax lagu tilmaamikaro kama uusan dhicin. Xataa dagaalkii maantay ma’uusan ahayn dagaal weyn oo saf balaaran ah. Dagaalkii maantay oo ku bilowday weerar ay qaadeen ciidamada beesha (Reer Khayr) ayaa hadafkii laga lahaa wuxuu ahaa in ciidamad isbahaysiga Galmudug laga saaro dooxada galbeed ee xaafadda Garsoor. Lana geeyo galbdeedka xaafadda Baraxley ee ka fog koontaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ku yaala xaafadda Garsoor. Waxaana u sabab ahaa inuu dagaalku noqdo dagaal yar oo aan laysku raagin beesha (Bah Qumis) oo maleeshiyadoodu ay ka carareen furinta dagaalka, markii uu dagaalku wax yar socdey ilaa laga harayna aan dib u soo jeesan.

Mudada intaas le’eg in ciidamada beesha (Bah Qumis) ay ku sugnaadaan degaanka reer Tanadland waxaa u sabab ahayd munaafaqadda iyo sheegashada beesha Habar-majeerteen ay sheegatay inay ciidamadoodu ay dagaalka ku jiraan. Arintaas oo hadal been ah oo aysan waxba ka jirin labada beelood ee uu dagaalku u dhexeeyaana ay ogsoonyihiin. Beesha Habar-majeerteen dagaalka ka dhexeeya beelaha (Reer Khayr) iyo (Bah Qumis) waxay ugu jirtaa si dadban oo iskudir ah. Isbahaysiga Galmudug awooddooda ciidan marka la wiiqana waxay rabeen inay la heshiiyaan oo ay yiraahdaan aynu heshiino. Dagaalka ka dhexeeya beelaha (Reer Khayr) iyo (Bah Qunus) markii uu bilowday, beesha Habar-majeerteen waxay u aragtay fursad qaali ah oo ay ka faa’iideysan karaan.

Arin taanina waa arin ay beelaha (Reer Khayr) aad uga diktoonaayeen, tusaale ahaan ciidamada beesha (Reer Khayr) marka ay weerar ku qaadaan ciidanka beesha (Bah Qumis) ama ay dooxateeyaan waa sir u gaar ah. Maleeshiyada beesha Habar-majeerteena xataa suuragal maaha inay ogaadaan dagaalku marka uu dhaco kadib sida uu ku bilowday. Cadaawadda iyo isjilaafaynta ka dhexaysa labada beelood darteed. Aalaana waxaa dhacijirtey in marka ciidanka beesha (Reer Khayr) ay weeraraan maleeshiyada beesha (Bah Qumis) oo ay rag badan ka soo laayaan. In markaas maleeshiyada beesha (Bah Qumis) ay dagaal gaadmo ah ay ku qaadaan fariisinta maleeshiyada Habar-majeerteen. Oo markaas dabeed qolada Habar-majeerteen ay yiraahdaan “Dagaal baa bilowday oo waanala soo weeraray”.

Tusaale waxaan u soo qaadankaraa weeraradii ciidamada beesha (Reer Khayr) ay qaadeen taariikhdu markii ay ahayd (02/11/2016), (03/11/2016) iyo shalay oo ay taariikhdu ahayd (06/11/2016). Sadexdaas weerar oo ciidamada beesha (Reer Khayr) ay ku qaadeen fariisimada ciidamada beesha (Bah Qumis), waxaa dhacday iyaguna inay weerar kedis ah ay ku qaadeen fariisinta ciidamada beesha Habar- majeerteen oo qasaaro xoog leh ay u geysteen. Arintaani waxay muujinaysaa sida ciidamada beesha (Bah Qumis) ay u doonayaan inaysan beesha Habar-majeerteen aysan ka macaashin, dagaalka u dhexeeya beelaha (Reer Hhayr) iyo (Bah Qumis).

Weerar celiskii dooxataynta ahaa ee ay qaadeen ciidamada beesha (Bah Qumis) taariikhdu markii ay ahayd (02/11/2016), oo ay ku qaadeen fariisinta maleeshiyada Habar-majeerteen waxay ku dileen 2 nin. Maalintii xigtey oo ay taariikhdu (03/11/2016) ahaydna weerarkii ciidamada beesha (Bah Qumis) ay ku qaadeen fariisinta beesha Habar-majeerteen waxay ka gubeen 2 gaari oo tigniko ah, waxayna ka dileen 4 nin oo maleeshiyadooda ah. Labadii weerar ee ay qaadeen ciidamada beesha (Reer Khayr) labada maalmood ee is xiga oo ay taariikhdu ahayd (02/11/2016) iyo (03/11/2016) ujeedada laga lahaa waxay ahayd, in lagu fashiliyo heshiiskii danbe ee xabadjoojinta ahaa oo beelaha (Bah Qumis) iyo Habar-majeerteen wadanka UAE ay ku gaareen. Heshiis kaas oo ahaa heshiiskii labaad oo xabadjoojin ah oo dhexmaray beelaha (Bah Qumis) iyo Habar-majeerteen, oo ciidamada beesha (Reer Khayr) ay ku guulaysteen inay fashiliyaan.

Dagaalkii Shalay Labada Aag Ka Dhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay :-

Weerarkii shalay ciidamada beesha (Reer Khayr) ay ku qaadeen maleeshiyada beesha (Bah Qumis) sidii la filayey muusan noqon qasaaraha ka dhashayna muusan badnayn. Dagaal kuna wuxuu socdey mudo gaaban, walow maalintii oo dhan xabadda wiiftada ahi ay socotey oo lays tuuryeynahayey. Car-cartii hore ee dagaalka maleeshiyada beesha (Bah Qumis) gaadheriyo xayn ah ayaa laga laayey. Ciidamadoodiina waxay isku aaminiwaayeen inay difaac ku sii jiraan si dhaqso ah ayeyna u kala carareen. Raga ciidamada beesha (Reer Khayr) hogaaminayey oo aan ka waraystay arintaas waxay ku fasireen. In beesha (Sacad) aysan diyaar u ahayn inay dagaal la galaan beesha (Reer Khayr). Ciidamada beesha (Reer Khayr) waxay uga hareen mooryaanta Gal-nus meel dhanka koonfureed uga beegan koontaroolka xaafadda Garsoor oo u jirta 6km. Kuna beegan dhabarka danbe ee xaafadda Baraxley. Khasaaraha dagaalka markaan ka waramo. Docda reer Tanadland 12 nin ayaa dagaalka uga dhaawacmay, cidamada beesha (Reer Khayr) wax dhimasho ah oo soo gaarayna ma’ay jiraan.

Docda ciidamada beesha (Bah Qumis) na waxaa la malaynayaa qasaaruhu in aanu badnayn. Laakiin dagaalkii saakay ay uga dhinteen qacdii hore markay ugu yaraato 18 nin. Mideeda kale meesha dooxada ah ee lagu dagaalamay oo ah halkii waagii hore dhagxaanta laga soo gurijirey ayey qolada (Bah Qumis) waxay uga carareen gaari u saaranyahay qori B10 ah. Gaarigaas oo darawalkii wadey iyo gaadherigii saaraaba ay dileen ciidamada caanka ah ee looyaqaano “Gaasdhagoole”.

Qasaaraha Ka Dhashay Duqaynta La Duqeeyey Fariisinta Maleeshiyada Beesha Habarmajeerteen :-

Shalay markii uu dhamaaday dagaalkii ka dhacay galbeedka iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaa ka dhacday fariisinta maleeshiyada beesha Habar-majeerteen arin mucjiso ah oo wax badan laga sheekayn doono. Markii masiibadu ay ku dhacday fariisinta maleeshiyada beesha (Habar-majeerteen) waxaa la joogey 2 nin oo beesha (Maxamed Muumin) ka falaagoobey, oo cadowgooda midiidin u ah. Labadii nin mid maalintii shalay ahayd ayuu dhintay gaarigii uu wadeyna waa’u gubtey, kii kalana waa dhaawac daran.

Ninka dhintay beel ahaan wuxuu ka soo jeedaa beel ka mid ah beelaha reer (Xaaji Cali Muumin) oo ah beesha (Reer Xaaji Xuseen), waxaana nin kaas la yiraahdaa (C/casiis Oomaar Hiraabey). Nin kaasi dagaal kuma uusan jirin balse wuxuu isku goob kula dhintay 19 nin oo maleeshiyada beesha Habar-majeerteen ah. Hadaba sida layaabka leh ee ay niman kaas aan dagaalka ku jirin ay ku dhinteen waxaa ka waramay ninka beesha reer (Maxamed Muumin) oo dhaawaca ah. Wuxuuna yiri markii rasaasta dhawaaqeeda aanu ka maqalay meeshii ay isku horfadhiyeen ciidamada beelaha (Reer Khayr) iyo (Bah Qumis), Nin Habar-majeerteen ah ayaa wuxuu yiri “Belo istuuryeyntii ayaa bilaabatay”. Markaasay raga badankoodii waxay yiraahdeen “Faryaro Bidix Iyo Futo Hawiye” oo ay dabcan ula jeedaan ilaahow balaayadaas doc nagamari. Mudo gaaban markuu dagaalku socdey hugunkii rasaastu waxay u wareegtey koonfurta xaafadda Baraxley.

Nin kaasi wuxuu sheegay dabeed in mudaa inaan xabadda dhawaaqeeda la maqal oo ay istaagtey. Hal saac markii ay ka soo wareegtey markii ay xabaddu istaagtey, ayuu nin kaasi sheegay in (C/casiis Oomaar Hiraabey) uu fariisinta soo galay. Isaga oo wada gaari xamuul ah oo ay saaranyihiin saad rasaas iyo raashin isugu jira. Mudo gaaban dabadeedna fariisinkoodii waxaa qabsaday yool oo waxaa ku soo hoobtay rasaasta ka dhacda qoryaha cul-culis. Meeshii oo dhanna waxaa qariyey uuro iyo holac ka dhashay shidaal iyo baabuur gubatey. Gaariga xamuulka ah ee (C/casiis Oomaar) uu wadeyna wuxuu ka midyahay gaadiidka iyaga iyo wixii saaraaba laga gubey beesha Habar-majeerteen. Beesha Habar-majeerteen oo dadaal weyn u gashay sidii ay uga macaashilahayd dagaalka u dhexeeya beelaha (Reer Khayr) iyo (Bah Qumis), ayaa maantay waxaa la gaarsiiyey jabkii ugu xumaa ee ka dhasha istuur-tuurka dhawaanahaan magaalada Gaalkacyo ka socdey. Beesha Habar-majeerteen maantay waxaa laga diley iyadoo aan wax dagaal ah gelin 19 nin, waxaana laga dhaawacay maleeshiyadooda rag 60 nin ah. Meesha ragaas lagu laayeyna waa meesha difaaca labaad la moodahayey inay yihiin ciidamada degey markii uu istuur-tuurku bilowday, oo ay deganyihiin maleeshiyada munaafaqadda loo keenay xaafadda Garsoor ee beesha Habar-majeerteen.

Qasaaraha Guud Istuur-tuurkii Magaalada Gaalkacyo :-

Beesha Habar-majeerteen:

Istuur-tuurkii magaalada Gaalkacyo intii uu socdey waxaa beesha Habar-majeerteen oo aan dagaalka si toos ah u gelin looga diley 70 nin. Arintaan waxaa u sabab ah ciidamada beesha (Bah Qumis) oo ay hogaaminayaan beesha sacad, oo duqeynta ay soo ridayeen ku bartilmaameedsaday 90% maleeshiyada beesha Habarmajeerteen fariisinkooda. Labada jeer ee ugu danbeysey oo ciidamada beesha (Reer Khayr) ay weerareen ciidamad beesha (Bah Qumis), oo ay ciidamada beesha (Bah Qunus) weerarka rogaalceliska ah ay soo qaadeen. Ciidankii weeraray maysan aadin ee waxay weerareen ciidan yar oo ka jooga furinta hore beesha Habar-majeerteen. Maleeshiyadaas oo ah maleeshiyada jifada (Reer Khalaf) oo ciidamada beesha (Bah Qumis) ay ka gubeen 2 gaari oo tigniko ah 6 nin na ay ka dileen. Iyadoo weerarodaasi ay ahaayeen weeraro dooxatayn ah oo markii ay dhaceen aan magaalada Gaalkacyo laga dareemin. Maadaama rasaasta joogtada noqotay ee laysku tuur-tuurahayo aan dagaal loo fasirankarin.

Guud ahaan stuur-tuurkii magaalada Gaalkacyo ka dhacay jabka iyo fadeexadda ugu xumi waxay ka soo gaartey beesha (Maxamuud Saleebaan), oo ay dagaalka uga dhinteen 65 nin. Beesha Habar-majeerteen oo u qorshahoodu ahaa inaysan dagaalka ka qayb-qaadan. Marka dagaalka u dhexeeya beelaha (Reer Khayr) iyo (Bah Qunus) uu dhamaadana, waxay rabeen inay la heshiiyaan beesha (Bah Qunus) si loogu arko in dagaalku u dhexeeyey (Bah Qunus) iyo Habar-majeerteen. Falaakiin ilaahay jab culus iyo fashilaad buu isugu daray beesha Habar-majeerteen. Hadana nabadii ay raadinahayeen oo ay labada
jeer ka codsadeen beesha (Bah Qunus) inay la heshiiyaan, waa’ay ka quusteen oo beesha (Reer Khayr) ayaa labadii heshiis ee ay la galeen beesha (Bah Qunus) fashiliyey.

Beesha (Bah Qumis):

Jabka labaad ee ugu xumina wuxuu soo gaarey maleeshiyada beesha (Bah Qumis) oo ku guuldaraysatay ujeedooyinkii ay dagaalka ka lahaayeen oo dhan. Beesha Sacad oo dagaalka istuur-tuurka ah bilowday maalintii ay taariikhdu ahayd (07/10/2016). Ujeedadeedu waxay ahayda inay ka ficiltanto xasuuqii maleeshiyadeeda loo geystey subaxii ay taariikhdu ahayd (27/09/2016). Markii ciidamada maraykanka ee Al-shabaabka la dagaalama lagu hogaamiyey oo ay ka laayeen 22 nin. Dabeed beesha Sacad waxay weerar ku qaaday aaga suuqa xoolaha in laga dhiso la qorsheeyey ee ku yaala galbeedka xaafadda Garsoor. Istuur-tuurkii ay bilowday ee ugu horeysey iyo maantay oo keliya beesha Sacad iyo xulufadooda waxaa looga diley ugu yaraan 35 nin. Guud ahaana intii uu istuur-tuurku socdey maleeshiyada (Bah Qumis) waxaa laga laayey ugu yaraan rag 50 nin ah.

Beesha (Reer Khayr):

Ilaahay waa caadil dadka kibra iyo dadka munaafiqiinta ahna waa u hoojiyaa aduun iyo aakhiraba. Umadaha xaqa ku taagan oo xalaal quudatada ahna burji iyo karaamo ay cadawgooda ku baabi’iyaan ayuu siiyaa. War bal daya mucjisad rabaaniga ah!!. Nimanka Habar-majeerteen iyo Sacad ee qasiyadda ka wada magaalada Gaalkacyo kuligood waa xaaraamecuneyaal wasakh ah. Hubka ay wataan oo ay ku dagaalamayaani waa xaaraan. Oonta ay cunayaan oo caloosha ugu jirtana waa xoolo xaaraan ah oo dad islaam ah laga soo dhacay. Qadiyadda ay ku dagaalamayaana waa dagaal xaaraan ah oo gardaro ah. Marka duulka dufeysan oo noocaas ah waa waxii rabi looga bartay inuu hoojiyo oo u guuldaro iyo ceeb dhaxalsiiyo. Waana sababta ay ugu hoobteen maleeshiyadoodu istuur-tuurka dhawaanahaan ka socdey
Magaalada Gaalkacyo.

Warbal daya mooryaantii Baraxley iyo burcadbadeedkii tuugta ahaa ee Habar-mjeerteen waxa hoog iyo fadeexad haysta!!. Umadda reer Tanadland ilaahay burjiga iyo karaamada uu siiyey raad-raac ayey leedahay waxaana loogu abtiriyaa oo ay ka soo jeedaa (Tanade Daarood). Darood markuu shanta nin ahaa dagaalkii uu galay baa la ogaadey in uu Tanade burji leeyahay oo u ku tanaaday ducadii aabihiis ee ahayd Tanaad. Ilaa iyo maalintaas falaarta, waranka iyo iyo rasaas wixii nalagu soo ganaa waa’ay naga leexanayeen oo burjigayaga ayaa ka xoog badan. Umadda karaamaysan ee reer Tanadland weligood dagaal loogagama adkaan, goob dagaalna lagama qabsan. Weligeedbana guuldarada iyo ceebtu waxay ahaayeen wax cadowgayaga u gaar ah. Laakiin ninka reer Tanadland marka uu tolkiisa ka tago oo uu cadowgiisa aado karaamada iyo burjigu waa’ay ka haraan xabaduna kama ay leexato. Sababta oo ah karaamada iyo burjiga umadda reer Tanadland ayaa iska leh.

Beesha (Reer Khayr) istuuryaynta ayaamahaan magaalada Gaalkacyo ka socotey waxaa uga shihiidey 12 nin oo mujaahidiin ah oo keliya. Walow ay jiraan nin dhintay iyo nin dhaawac ah oo aan tirada ugu jirin ciidamada beesha (Reer Khayr), oo ciidamada cadowga ah ee beesha Habar-majeerteen la joogey fariisinkooda markii la duqeeyey shalay. Suuqii xoolaha oo u dagaalku ka dhashayna dhismihiisii jamcihii dhowaa ayaa la dhameeyey oo xaydaankii derbiga silig lagu wareejiyey. Maleeshiyada beesha (Bah Qumis) na markii shalay maleeshiyadooda dagaalka lagu jebiyey waxaa la geeyey meel ka shishaysa meeshii ay ka soo duuleen maalintii uu dagaalku bilowday. Marka istuuryeynta ka socotey dhawaanahaan Gaalkacyo beesha (Reer Khayr) siyaalo kala duwan ayey uga macaashtay ugamana uusan darin, ee waa uu uga reeyey.

Gunaanad :-

Beelaha dagaalka sida xun ugu jabay ee (Bah Qumis) iyo Habar-majeerteen waxay inay dagaalka joojiyaan ay ku heshiiyeen labo goor, laakiin heshiisyadaas waxaa labada goorba carqaladeeyey oo fashiliyey ciidamada beesha (Reer Khayr) oo weerar ku qaaday maleeshiyada beesha (Bah Qumis). Suuragalna maysan ahayn in ciidamada beesha (Reer Khayr) oo furinta hore keligood ku jira. In beesha Habar-majeerteen oo diidey inay maleeshiyadeedu ay furinta dagaalka tagaan, oo ay dagaalka si toos ah u galaan inay heshiis la galaan beesha (Bah Qunus) oo ay yiraahdaan xabadjoojin baanu samaynaynaa. Marka beelaha naflacaariga ah ee (Bah Qumis) iyo Habar-majeerteen oo istuuryaynta sida xun ugu jabay, si kasta oo ay isugu dayaan inay xabadjoojin sameeyaan beesha (Reer Khayr) mar kasta waxaa ka go’an inay fashiliyaan.

Dagaalka istuuryeynta ah beesha (Reer Khayr) waxay u aragtaa inuu ahaa galad ilaahay waayo anagoo aan dagaal toos ah oo saas u buuran aanaan gelin ayaa cadwgayagii uu halaag ku dhacay oo waxay baryayaan “Nabad”. Laakiin waxay moogyihiin in colaada bilowgeedu ay sahlantahay laakiin aysan wax sahlan ahayn si nabad looga gaaraa. Beesha (Reer Khayr) oo nabadda iyo heshiis aysan dani ugu jirin jeer ay mooryaanta (Bah Qunus) ay si fiican u edbiyaan oo ay hubka ka dhigaan, ayaa hada waxay diyaar u yihiin inay weerar balaaran ku qaadaan degaamada beesha Sacad.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos