Beesha Habar-majeerteen Oo Mudo 2 Bilood Ka Yar Loogadiley 75 Nin Magaalada Gaalkacyo

Beesha Habar-majeerteen Oo Mudo 2 Bilood Ka Yar Loogadiley 75 Nin Magaalada Gaalkacyo

Beesha Habar-majeerteen Oo Mudo 3 Todobaad Gudahood Ah Ninkii 45 - Naad Magaalada Gaalkacyo Xalay Looga Diley!!

Maqaalkaani wuxuu ka hadlahayaa qasaarihii ka dhashay dagaalkii ugu danbeeyey ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay iyo halka ay hada labada ciidan isku horfadhiyaan. Waxaan kaloo maqaalkaan aan uga faaloonayaa khasaarihii ka soo gaarey beesha Habar-majeerteen, istuuryeynta Gaalkacyo ka dhacday.

Dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay galbeedka iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo maalintii axadda ahayd ee ay taariikhdu ahayd (06/11/2016), ayaa wuxuu noqday dagaal ay aad ugu jabeen beelaha Habar-majeerteen iyo (Bah Qumis). Waxaana la xaqiijiyey raga labadaas beelood maalintaas dagaalka uga dhintay inay ahaayeen 74 nin. Jabka ugu weyn na waxaa loo geystey beesha (Habar-Majeerteen) oo ay dagaalka uga dhimatay 44 nin. Qasaaraha dhaawaca ah ee loogeystay beesha Habar-majerteen na wuxuu dhamaa 110 nin oo sadex ka mid ahi ay ka soo jeedaan beesha Dhulbahante. Beesha (Bah Qumis) oo ciidamadooda markii hore duulaanka culus lagu qaaday ayaa dagaalka maalintaas waxaa looga diley 30 nin.

Raga beesha Habar-majeerteen looga laayey dagaalka istuuryeynta ah intii uu socdey ayaa waxay yihiin isugeyn 74 nin. Waxaana 75 ku ah ninka Habar-majeerteen xalay looga diley galbeedka xaafadda Israac. Niman kaasna marka laga reebo hal nin oo ka soo jeeda jifada (Cismaan Maxamuud) iyo ninka xalay lagudiley galbeedka xaafadda Israac, maahane 73 da nin ee kale waxay ka soo jeedaan jifada (Cumar Hoogahaye). Sababta oo ah lafaha kale ee beesha Habar-majeerteen waxay ku hoobteen dagaalkii yaxraha. Dagaalka dadka reer Tanadland ay u bixiyeen dagaalkii yaxraha waa dagaalkii beesha Sacad ay sida xun ugu jebisey beesha Habar-majeerteen, oo ka dhacay dooxada galbeed ee magaalada Gaalkacyo taariikhdu markii ay ahayd (03/12/2015) ee sanadkii hore. Sababta loogubixiyey dagaalkaas dagaalkii yaxraha waxa weeye, in yaxraha dega magaalada Garoowe oo dhawr qoys ah, ayna kala guursadaan beesha Habar-majeerteen. Ayaa beesha Habar-majeerteen ay dagaalkii ay la gashay beesha Sacad 2 nin oo yaxro ah ay dagaalka u soo kaxaysteen. Arintaas layaabka leh oo hoteelada iyo baararka ku yaala magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay ku kulmaan dadka reer Tanadland looga maadeysto.

Dagaalkii yaxraha ee beesha (Habar- majeerteen) sida xun loogu jebiyey, waxaa dhaawicii Habar- majeerteen markii meel la kala dhigo la waayey qaybtii magaalada xamar lagu daadshey filim ka soo duubay, ninka la yiraahdo (Abshir Xaaji C/laahi) oo la baxay “Abshir Dhiirane”. Sidaad badankiinu la socotaanna nin kaasi waa nin ka soo jeeda jifada (Ciise Riyoole) oo wax ku qora websaydka. http://puntlandpost.net/ Walow uusan isagu webka lahayn oo uu shaqaale ka yahay. Websaydka (puntlandpost.net) waxaa iska leh sida aan war ku helay nin (Abshir Xaaji C/laahi) ay ilma-adeer yihiin oo baagamuudo ku ah wadanka Denmark. Oo marka laga reebo dhawr saacadood oo todobaadkii mar ama labo jeer uu soomaalida aan luqadaha ingiriiska iyo danishka aqoon inuu u tarjumo mooyaane, aan wax kale oo camal ah aan lahayn. Ninka “Abshir Dhiirane” la baxayna waa ninka fuleyga ah oo filimka uu ka soo duubay jabkii loo geystey tolkiis markaan ka soo qaatay, xiray bogii uu ku lahaa Youtub ka oo fiidiyowyadii ugu jiray oo dhan ka saaray.

Dagaalkii Dhacay (06/11/2016) Iyo Qaabkii Ay Beesha Habar-majeerteen Ugu Jabtay :-

Dagaalkii ugu danbeeyey oo dooxada galbeedka ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay taariikdu markii ay ahayd (06/11/2016), wuxuu ahaa dagaal xeeladaysan oo beesha (Reer Khayr) ay ugu talogashay in laysku jabiyo maleeshiyada beelaha Habar-majeerteen iyo (Bah Qumis). Inta aysan weerarka qaadin ciidamada safka hore ku jira ee beesha (Reer khayr) qorshahoodu wuxuu ahaa, in laysku dhufto maleeshiyada dagaalka inay ka qaybqaataan diidey ee beesha Habar-majeerteen iyo ciidamada Bah-qumis. Ciidamada beesha (Reer Khayr) waxay markii hore weerar xoog leh ay ku qaadeen fariisinta maleeshiyada Bah-qumis oo ay qasaare culus u geysteen. Ilaa ay baqo eryaan oo ay fariisimahii ay fadhiyeen ay ka saaraan. Markaas ayey ciidamad (Reer Khayr) inta ay ka soo hareen ay aagii ay horay u fadhiyeen maahane ay aag kale degeen. Markaas ayey ciidamad beesha Bah-qumis intay soo laabteen waxay weerar lamafilaan ah ay ku qaadeen ciidamadii difaaca labaad fadhiyey ee beesha Habar-majeerteen. Halkaas oo beesha Habar-majeerteen oo marna aan fileyn in dagaalku uu soo gaaridoono looga diley 44 nin.

Maleeshiyada Habar-majeerteen iyo Bah-qumis markay isku daaleen ayaa waxaa dagaalka ku soo laabtay ciidamada beesha (Reer Khayr) oo ay ujeedadoodu ahayd inay deegaankooda ka saaraan maleeshiyada beesha Bah-qumis. Mudo gaaban markay dagaalka soo galeen (Gaas Dhagoole) mooryaanta baraxley waxaa la geeyey koonfurt xaafadda Baraxley. Arinta layaabka leh oo ay la yaabanyihiin beelaha dagaalka sida xun ugu jabay ee Habar-majeerteen iyo Bah-qumis waxa weeye. Maalintii uu dagaalka lagu hoobtay ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo maalintii ku xigtey ee ay taariikhdu ahayd (07/11/2016), Ciidamada beesha (Reer Khayr) waxay ka soo guureen fariisimadii ay ka degeen koonfurta xaafadda Baraxley waxayna ku soo noqdeen fariisimahoodii hore ee ahayd galbeedka xaafadda Garsoor. Arintaas oo sababtay in ciidamada beesha (Bah-qumis) ay ku soo noqdaan meeshii maalintii hore laga kiciyey ee ahayd dooxada galbeedka ka ah Xaafadda Garsoor.

Ulajeedada ay ciidamad beesha (Reer Khayr) ay halkaas ugu soo baneeyeen maleeshiyada (Bah-qumis) waxa weeye xeelad dagaal iyo munaafaqad ay ku xumaynayeen beesha Habar-majeerteen. Sababtoo ah qolo walba waa ay ogtahay qolada kale raga dagaalka uga dhintay. Ujeedada ugu muhiimsanna waxay ahayd in lagu niyadjebiyo beesha Habar-majeerteen ee dagaalka sida xun ugu jabtay. Qaasatan marka ay arkaan labada ciidan oo kala jooga meeshii ay kala joogeen dagaalkii axadda ka hor. Laakiin dabcan taas macnaheedu maaha in ciidamada beesha (Reer Khayr) ay rabaan in maleeshiyada (Bah Qumis) ay
halkaas sii joogaan. Ee waa ay ku qasbanyihiin inay maleeshiyada (Bah Qumis) ay weeraraan oo ay hilfaha u qaadaan ayna firxadkooda dhaafiyaan koonfurta Xaafadda Baraxley.

Ciidamada beesha (Reer khayr) iyo (Bah Qumis) na waxay hada isku horfadhiyaan meeshii ay kala joogeen maalintii dagaalka lagu hoobtay uu dhacay ee ay taariikhdu ahayd (06/11/2016). Maleeshiyada beesha Habar-majeerteen na waxay weli joogaan meeshii ay horey u joogeen ee difaaca labaad ahayd. Maleeshiyada beesha Habar-majeerteen oo jifada Cumar-hoogahaye oo keliya hada ahna, waa ciidan yar oo gacmo ku gabad ah. Hadana maadaama beesha Habar-majeerteen ay la heshiiyeen (Bah-qumis) waxaa qasab ah inay maleeshiyadooda la baxaan oo ay galbeedka xaafadda Israac ay ku noqdaan.

Ciidamada (Reer Khayr) Iyo (Bah Qumis) Meesha Ay Kala Joogaan :-

Ciidamada beesha (Reer Khayr) waxay magaalada Gaalkacyo ay ka joogaan labo aag oo kala ah suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo oo ay ku suganyihiin ciidan xoog leh iyo (Xurfada). Aaga (Xurfada) oo ah dooxada galbeed ee xaafadda Garsoor, ayaa waxaa ka dhacay hal dagaal oo culus iyo istuuryayn socotey mudo bil ah. Maleeshiyada beesha (Bah Qumis) ayaa iyaguna waxay ku suganyihiin labo aag oo kala ah, koonfurta suuqa weyn ee dhanka xaafadda Baraxley iyo dooxada galbeed ee magaalada Gaalkacyo. Dhowaan sidaad ogtihiin waxaa dhacay heshiis xabad-joojin ah oo laysku afgartay in lays dago oo aan marna kalaan dharban laysu sheegin. Balse run ahaantii ma’ay jirto ciidamo la kala qaaday. Sababta oo ay tahay ciidamada indhawaale isku horfadhiyey galbeedka magaalada Gaalkacyo, walow ay jirto inay aag bedesheen oo ay fariisimahoodii hore ay ka guureen hadana weli waxay isu jiraan 500 oo mitir ama talaabo.

Ciidamada shacabka labada dhan ee magaalada Gaalkacyo ka qixiyey oo ah labada ciidan ee isku horfadhiya aaga suuqa weyn ayaan dhowaanahaan aan wax tacshiirad ah iskuridin. Laakiin dhanka dooxada galbeed intii heshiiska qiyaaliga ah ka horeysey waa lays tooxataynjirey.

Heshiiska Gaalkacyo Iyo Natiijada Laga Filankaro :-

Maalintii ay bilaabatay istuuryeynta u dhexaysa beesha (Reer khayr) iyo Sacad maalintii ku xigtey ayaa warbaahinta waxaa la hadlay nin geesi ah oo cida (Muumin Aadan) ah. Nin kaasi wuxuu ka mid ahaa taliyeyaashii hogaaminayey ciidamada beesha (Reer Maxamed Xassan) dagaalkii labada maalmood ee lagu jebiyey Habar-majeerteen iyo xulufadooda. Nin kaasi wuxuu warbaahinta uu ka sheegay in beesha (Reer Maxamed Xassan) ay ciidamadooda furinta kala bexeen. Arintaas oo ah waxaan dhicin aana suuragal noqonkarin. Beesha reer (Maxamed Xassan) oo ka mid ah sadexda lafood ee ka dega lafaha beesha (Muumin Aadan) gobalka mudug, wax suuragal noqonkara maaha inay dagaal uga baxaan (Reer Xirsi Muumin), (Reer Maxamed Muumin) iyo beelaha kale ee reer Tanadland oo gobalka mudug la dega. Laakiin nuxurka hadalka nin kaani uu ku hadlay ayaa wuxuu ahaa in beesha Habar-majeerteen dagaalka ay rabto inay ka dhex huriso beelaha (Reer Khayr) iyo Sacad inay ku hoogto, oo lala ciyaaro shirqoolka ay wadato mid ka weyn. Aragtidaasina waa aragti ay ka mideysanyihiin dhamaan lafaha beesha (Reer Cali Khayr) ka dega gobalka mudug oo ay qabaan.

Xakhiiqdiina qorshihii dagaalka iyo xeeladdii ay wateen beesha (Reer Khayr) waa’ay u meelmartay. Sababta oo ah istuuryeynta ka dhacday magaalada Gaakacyo waxaa si xun ugu jabay maleeshiyada beesha Habar-majeerteen, qaasatan jifada Cumar-hoogahaye oo ay dagaalka uga bexeen jifooyinka kale. Sidaan horay idiinkugu sheegay maqaalkii hore oo aan uga hadlayey duulaanka jifada (Maxamuud Saleebaan) ay ku qaaday jifada (Calisaleebaan), http://tanadland.com/5729-2/ Waxaan ku xusay in jifooyinka (Ciise Maxamuud) iyo (Cismaan Maxamuud) oo horay ugu jabay dagaalkii yaxraha, ay si fuleynimo ah furinta dagaalka uga carareen oo ay maleeshiyadooda ugala baxeen. Iyaga oo mar-marsiinyo ka dhigtay jifada (Cali Saleebaan) ayaanu magaalada Qandala ka qabsanaynaa oo aanu weerareynaa.

Laakiin docda kale beesha (Reer Khayr) wax ka suurooba maaha daan-daansiga mooryaanta fadarada ah ee baraxley inaysan eedsiin oo aysan jab daran u geysan degaan koodana aysan weerarin. Waanu ognahay istuur-tuurkii Gaalkacyo ka dhacay beesha Sacad inay si xun ugu jabeen oo ay eedeen daan-daansigii ay bilaabeen. Laakiin mar aan fogeyn waxaanu la maaganahay jab ka xanuun iyo foolxumo badan tii aanu ku dhignay dagaalkii 1982 -da.

Heshiis ku sheega khiyaaliga ah ee dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo maaha mid la filayo inuu hirgalo. Beesha keliya oo rabta una baahan in uu heshiis kaasi hirgalana waa beesha Habar-mjeerteen oo dagaalka sida xun loogu jebiyey. Jifada (Cumar-hoogahaye) sida dagaalkii dhacay maalintii ay taariikhdu ahayd (06/11/2016) loogu jebiyey waxaa daliil u ah, habeenkii xalay ahaa niman beesha (Sacad) ah ayaa waxay weerar dooxatayn ah ay ku qaadeen galbeedka xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo. Niman kaasi waxay tageen dhismaha mooryaanta sheegta inay yihiin ciidan amni ay ka deganaanjireen galbeedk xaafadda Israac. Markaas ayey nimankii Sacad ee weeraray meeshaas waxay halkaas ugu tageen nimankii meeshaas joogijirey qolo aan ahayn. Nimankii horay u joogijirey dhismaha la weeraray ee ku yaala galbeedka xaafadda Israac waxay ahaayeen Cumar-hoogahaye. Nimanka hada jooga oo xalay ninka looga dileyna waa niman magaalada marti ku ah, oo waardiyeyaal u ah jifada Cumar-hoogahaye. Sababtuna waxa weeye nimankii meesha la weeraray horay u joogijirey aaqiraa loodiray oo ciidey ka hoosmareen. Nimanka ay tolka yihiin oo meesha yimidna haday xabaddu ay ku bilaabatay oo iyagana waa ku waas aaqiro loo diray.

Taas waxaa ka siidaran beesha Habar-majeerteen ee xalay la weeraray maleeshiyadoodana ninka laga dily, laga filimahayo inay yiraahdaan “Waa nala soo weeraray oo xabadjoojintii waa ay bur-burtay waxaana jebiyey beesha Sacad”. Sababta oo ah waa niman naflacaari ah oo gacmo ku gabad ah, kana baqaya inay arintu ay faraha ka baxdo oo uu dagaal dhaco ilayn Dhebayaco bari-weyn rag iskama ay dhicinkartee. Gafuuroxun Sidee Eebahay Guuldaro U Raacshey!!

Haseyeeshee ciidamada inay dagaalka bilaabaan la hubo oo garacda fadarada ah ee beesha Sacad madaxa ka guridoona, waa ciidamada geesiyiinta ah ee beesha (Reer Khayr). Oo hada la filayo inay dagaal lagu quusiyo ay ku qaadaan garacda Saca ku abtirsada ee Baraxley.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos