Beesha Habar-majeerteen Oo Kula Heshiiyey Jifooyinka (Qubeys) Iyo (Wagardhac) Inay Dagaal La Galaan Beesha Sacad

Beesha Habar-majeerteen Oo Kula Heshiiyey Jifooyinka (Qubeys) Iyo (Wagardhac) Inay Dagaal La Galaan Beesha Sacad

Dabeed beesha Sacad waxay goor aroor hore ah ay weerar ku qaaday taariikhdu markii ay ahayd (24/12/2014). Subaxaas Habar-majeerteen iyo Wagardhac maleeshiyadooda si fiican baa loo karbaashey, sidii firxad kooda loo cayrsanayeyna waxy galeen oo ay naf ka dayeen tuulada Saaxo. Dagaal kaas Habar-majeerteen iyo Wagardhac waxaa looga diley 17 nin. Beesha Sacad na waxaa dagaal kaas uga dhintay 9 nin.

Gogoldhig :-

Mudo haatan laga joogo bil iyo bar ayey beesha Habar-majeerteen waxay shir kula balantay jifooyinka (Qubeys-Dir) iyo (Wegardhac- Mareexaan). Shir kaas ayaa labo todobaad ka hor wuxuu ka bilowday xaafadda Wadajir ee magaalada Garoowe. Shirkaan ayey beesha Habar-majeerteen waxay ku soo beegtay shirkii fashilmay ee beelaha Tanadland iyo Habar-majeerteen. Sidaad la socotaan beesha Habar-majeerteen waa’ay halaajisey jifada Wagardhac. Beesha Habar-majeerteen sanadkii 1981 -gii ayey Wagardhac iyo beelaha kale ee Sade ay isku dirtay. Kedib markii ay Wagardhac ka dhigteen duul cadowga beesha (Mareexaan) u adeega. Markii Wagardhac ay ku biirtay dabadhilifyadii mahbarka ahaa ee SSDF la baxay.

Arintaasi dhaawac weyn bey u geysatay jifada (Wagardhac) oo waxay noqdeen niman tolkood ka go’ay oo u cadow ku adeegto. Sanadkii 2014 ka ayey beesha Habar-majeerteen waxyeelo ka weyn tii ay horay ugu geysatay Wagardhac ay ku dhigeen. Kedib markii ay Wagardhac been u sheegeen oo ay u adeegsadeen inay awooda beesha Sacad ku wiiqaan. Iyaga oo Wagardhac ka dhaadhiciyey inay yihiin niman SSDF ah, oo ay ka faa’iididoonaan ka qayb-qaadashada dagaalka beesha Sacad lagu jebinayo. Bartamihii sanadkii 2014 -ka Beesha Habar-majeerteen waxay geysey meel u dhexaysa tuulooyinka (Saaxo) iyo (Bandiiradley) maleeshiyooyin isku-dhaf ah. Maleeshiyooyin kaas oo isugu jira Habar-majeerteen iyo Wagardhac. Beesha Sacad markii ay ogaatey in ciidan duulaan ahi uu ku soo socdo, oo meel u dhow tuulada Bandiiredley ay soo degeen. Ayey beesha Sacad waxay goor aroor hore ah ay weerar ku qaaday taariikhdu markii ay ahayd (24/12/2014). Subaxaas Habar-majeerteen iyo Wagardhac maleeshiyadooda si fiican baa loo karbaashey, sidii firxad kooda loo cayrsanayeyna waxy galeen oo ay naf ka dayeen tuulada Saaxo. Dagaal kaas Habar-majeerteen iyo Wagardhac waxaa looga diley 17 nin. Beesha Sacad na waxaa dagaal kaas uga dhintay 9 nin.

Dagaal kaas maalintii uu dhacay beesha Habar-majeerteen maleeshiyadeedii iyo dhaawaceedii sidii ay ugala baxaday degaanka Saaxo, oo ay ugu balanfurtay jifida Wagardhac. Habar- majeerteen marna balan qaadyadii ay la gashay Wagardhac ma’aysan fulin umana aysan hiilin marna. Balse tan iyo maalintii uu bilowday dagaalkii dhacay (24/12/2014) Sacad iyo Wagardhac waxaa ka dhexeeyey dagaal goos-goos ah oo dooxatayn ah. Beesha Habar-majeerteena waxay ku faraxsantahay oo iyaga guul u ah, marba hadii uu cadowgoodii cadow kale yeeshay oo u dagaal jogto ah kula jiro. Laakiin dabcan Wagardhaci waa’ay ogsoonyihiin inay yihiin rag la dagay oo lagu shaqaystay.

Ayaan dhaweyd oo labo todobaad laga joogo ayaan waxaan ku arkay baraha bulshada war sheegaya, in tuulada Bandiiradley meel u dhow niman intay weerareen ay 3 dumar ah ku soo dileen oo ay meyd ahaan sadexdaba uga tageen. Dabeedna labo ka mid ah naf loogu tegey oo isbitaal loola cararay. Dumar kaasina waxay ahaayeen dumar beesha Sacad ah. Markaas ayaan waxaan la hadlay taliyaha ciidamada reer Tanadland ee magaalada (Saaxqurun). Waxaana weydiiyey su’aal ah “War waamaxay waxa wasaqda ah oo sharaftii uu ragu lahaa meesha uga dhacay?, oo intay weerar qaadaan xaawoleyda soo laynahaya?”. Markaas ayuu nin kii intuu qoslay wuxuu yiri “Dumarka gobalka mudug labadii sano oo ugu danbeeyey lagu laayey tiradoodu 20 waa’ay ka badanyihiin, waxa wuxuushta ah oo naflacaariga ah oo dumarka laayaana waa mooryaanta beesha Sacad”. Isaga oo hadalkiisa sii wata nin kaasi waxa uu intaas ii raacshey. Dumarka iyo caruurta ugu badanna waxay ka laayeen jifada (Reer Mahad). Xataa waxaa jirtey in mooryaanta beesha Sacad, inay dhowaan ku xasuuqeen meel u dhexaysa Dhakomaqal iyo Dameercad 4 caruur ah iyo hooyadood oo beesha (Loo-boge) ah. Iyaga oo aan xataa hubsan cida ay yihiin dad kaasi, una xasuuqay male ah inay Habar-majeerteen yihiin.

Markaas ayaan su’aal ku celiyey oo waxaan ku iri, hada dumarka lagu laayey Bandiiradley yaa laayey?. Markasaas ayuu ninkii iigu jawaabey “Habar-majeerteen”. Maxaayeelay xataa hadii haween kaas ay Wagardhaci laysay, Wagardhaci reer madaxbanaan maaha. Oo rasaasta iyo hubka ay ku dagaalamaan waxaa siiya Habar-majeerteen. Talaabo aysan mahbarku ku amrinna Wagardhici ma’ay qaadaan oo nimanku
waa niman Habar-majeerteen u af-duuban.

Dulucda Qormada :-

Sababta beesha Habar-majeerteen ay ula shirayso jifada (Qubeys-Dir) ayaa muhiimaddu waxay tahay, in sidii loogu adeegtay (Wegardhac) jifida (Qubeys) na loogu adeegto oo loo qatalo. Jifooyinka (Wegardhac) iyo (Qubeys) ayaa waxa beesha Habar-majeerteen ay u sheegtay in loo shaqaalaysiin doono, jifadiiba nin xildhibaan ku magacaaban oo midiidin u ah gunta Habar-majeerteen. Waxaa kaloo loo balanqaaday in hub, rasaas iyo ciidan degaamadooda ka hawlgalaba lagu taageeri doono. Balse reer ka loo dan leeyahay oo ay rabto Habar-majeerteen in ay ugu adeegato sidii ay ugu adeegatey Wagardhac waa (Qubeys). Oo la raba marka lagu danaysto oo beesha Sacad ay dagaal la galaan in laysaga dhex baxo, sida Wegardhac loo galay oo kale.

Sababaha uu eersaday shirkii fashilmay ee reer Tanadland iyo Habar-majeerteen ayaa waxaa ka mid ahaa, in ergada reer Tanadland beesha Habar-majeerteen ay ka codsatay in shirka lagu soo daro jifooyinka Wagardhac iyo Qubeys. Oo ay beesha Habar-majeerteen 2 bilood ka hor ay u sheegtay, in min hal xildhibaan oo beesha Habar-majeerteen midiidin u ah loo magacaabidoono. Beesha Habar-majeerteen ayaa waxay rabtaa inay geyso maleeshiyo beeleed keeda tuulada (Tawfiiq), oo ka tirsan wax yarna u jirta magaalada (Af-barwaaqo) oo ay degto beesha Sacad. Si laysugu dhufto oo ay u dagaalamaan (Sacad) iyo (Qubeys). Laakiin beesha Habar-majeerteen oo ay danta keliya oo ay leeyihiin ay tahay inay labada beelood isku dhuftaan. Waxaa la filahayaa marka uu dagaalku bilowdo, in beesha Habar-majeerteen ay (Qubeys) dagaalka uga baxaan. Oo ay ku koobnaadaan inay rasaas iyo hub oo keliya ay ku taageeraan jifida (Qubeys). Sidii ay u adeegsadeen jifida (Wagardhac) oo kale.

Beesha (Qubeys) oo ah beesha ka degta beesha direed gobalka Mudug, ayaa weligeed qaybta iyo qaaraanka waxay la wadaagijirtey beesha Sacad. Marka beel ka mid ah beelaha kale ee gobalka Mudug dega iyo beesha Sacad ay dagaalamaana, beesha Qubeys weligood waxay la safanjireen beesha (Sacad). Hadaba mudo haatan laga joogo 15 sanaddood ayaa waxaa dagaal dhexmaray jifada reer (Nimcaale) iyo (Qubeys), meesha ay ku dagaalameena waa laaska (Af-barqaaqo) oo ku yaala daanta bari ee dooxada Golol. Marka beesha Habar-majeerteen iyaga oo ka faa’iideysanahaya xinifta labada beelood waa hore dhex martay. Ayey dagaan labada beelood ay wada degaan oo ka tirsan tuulada (Af-barwaaqo) waxay ku sheegeen in uu gaar u yahay beesha Qubeys. Qubeysna waxay yiraahdeen waa beel raaciyad anaga noo ah oo xulufo nala ah. Saas darteed beesha Habar-majeerteen waxay ku talojirtaa in (Qubeys) iyo (Sacad) ay isku dhufato, si la mid ah sidii ay isugu dhufatay (Wagardhac) iyo (Sacad).

Mideeda kale, dhowaan beesha Habar-majeerteen gobalka mudug rag xayn ah ayaa looga laayey. Ragaas oo u ugu danbeeyey ninkii suuqa magaalada Gaalkacyo yimid oo u ninka baqaarlaha ah ee beesha Sacad uu toogtey. Ninkii gaariga watey ee wadada halabooqad loogalay oo (Laanta Dusmada) lagu diley. Iyo labadii nin ee godod meel u dhow looga diley Habar-majeerteen. Docda kale maleeshiyadii iskudhafka ahaa ee 50 nin ahaa, oo ayaan dhaweyd la sameeyey oo aan markii horaba isku aamin qabin. Ayaa qarka waxay u saaranyihiin inay hada is-laayaan haday fursad isu helaan. Maadaama uu bur-buray shirkii reer Tanadland iyo Habar-majeerteen ee Garoowe ka socdey. Beesha Sacad na uu buufis ku dhacay, kedib markii beelaha (Cismaan Yuusuf) ay ku war-geliyeen in dhanka bariga furin cusub looga furahayo oo duulaan uu ku soo wajahanyahay.

Dadka reer Tanadland waa inay fashiliyaan qorshe kasta oo beesha Habar-majeerteen ay ku doonayso inay Xasuuqa joogtada ah ee ku socda ay ku hakiyaan. Waana in cadowga Habar-majeerteen iyo cid alla
cida ay isxulufaystaanba hoog iyo ba ay la kulmaan.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos