Beelaha (Reer Khayr) Oo Ku Heshiiyey In Duulaan Xoog Leh Lagu Qaado Degaamada Beesha Sacad Iyo Xulufada La Socota

Beelaha (Reer Khayr) Oo Ku Heshiiyey In Duulaan Xoog Leh Lagu Qaado Degaamada Beesha Sacad Iyo Xulufada La Socota

Go'aanka Iyo Qorshaha Beesha (Reer Khayr) Ay Ku Talojirto Inay Ku Soo Afjarto Cayaarta Munaafaqadda Ah Ee Ka Socota Galbeedka Xaafadda Garsoor.

Magaalada Gaalkacyo waxaa todobaadkii sadexaad ka socda cayaar munaafaqad ah oo aad u qaabdaran, cayaarta xabado isku tuur-tuurka ah ayaa waxay soo bilaabatay taariikhdu markii ay ahayd (07/10/2016) ka. Warbixintaana waxaan si qotodheer ugu faaqidayaa asbaabaha sababta u ah in beelaha (Reer Khayr) ka dega gobalka mudug, inay u dulqaataan mudada intaas le’eg in degaankooda umado kale ay ku cayaaraan.

Cayaarta Munaafaqadda Ah Ee Galbeedka Xaafadda Garsoor Ka Socota :-

Labadii maalmood ee ugu horeysey oo istuur-tuurku uu ka bilowday magaalada Gaalkacyo dagaalku wuxuu u dhexeeyey beelaha (Reer Khayr) iyo (Sacad). Istuur-tuurkii labadii maalmood ee ugu horeeyey ka dhacay dooxada galbeed ee xaafadda Garsoor, waxay ahaayeen dagaalo yar-yar oo qajaf ah. Labadaas maalmood markii beesha Sacad maleeshiyadeeda jabka iyo cayrada laysugudaray. Ayaa waxaa beesha Sacad la hadlay qolo munaafiqiin ah oo raba colaada labada beelood ka dhexaysa inay sii huriyaan. Niman kaasi waxay beesha Sacad kula shireen baqaar ku yaala suuqa weyn ee xaafadda Garsoor. Waxayna ku yiraahdeen arinta khilaafka keentay ee dhismaha suuqa xoolaha wadahadal ayaanu ku dhamaynaynaa. Taas waxaa ka sii daran nimanka beesha Sacad la shiray maysan ahayn dad ay khusayso ama wax talo ah ku leh suuqa xoolaha, oo ah suuq ay dhisanayaan oo ay leeyihiin beelaha (Reer Khayr) ee gobalka mudug dega.

Intaas ka dib beesha Habar- majeerteen waxay keentay magaalada Gaalkacyo ciidan xoog leh. Dabeed beesha Habar-majeerteen waxay ka codsadeen beesha (Reer Khayr) in maleeshiyo beeleedkooda la keeno xaafadda Garsoor, si ay uga qaybqaataan dagaalka lagulajiro isbahaysiga gal-nus looyaqaan ee mooryaanta ah. Maleeshiyada beesha Habar-majeerteen ay keeneen magaalada Gaalkayo ayaa waxay yihiin niman ay futadu balaaratay siday xaaraan u cunahayeen oo la yiraahdo “Ashahaado la dirirka”. Oo qofka maluugooda arka uu iska garanayo inaysan ahayn niman xaajo rag gelikara, oo isugujira jifooyinka (Ciise Maxamuud) iyo (Cismaan Maxamuud). Maleeshiyada “Ashahaado la dirirka” ah waxaa laga dhigay difaaca labaad ee furinta dagaalka. Laakiin ciidanka ugu tayada fiican ciidamada beesha Habar-majeerteen oo ah jifada (Reer khalaf) waxay safka hore la galeen beelaha (Reer Khayr). Saas darteed istuur-tuurkii magaalada Gaalkacyo ka socdey mudada 3-da asbuuc ah labadii maalmood ee ugu horeeyey marka laga reebo, beesha Habar-majeerteen istuur-tuurka waa’ay ka qaybqaadatay. Laakiin qaabka ay uga qaybqaateen ayaa ah qaab munaafaqad ah oo beesha (Reer Khayr) ay ka carootay.

Istuur-tuurka dhawaanahaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuligood waxaa lagu jebiyey isbahaysiga mooryaanta ee “Gal-nus”. Waxaana tusaale u soo qaadan karaa weerarkii maleeshiyada “Gal-nus” ay ku qaadeen maleeshiyada beesha Habar-majeerteen ee loo yaqaan “Ashahaado la dirirka”, Maalintii sabtida ahayd ee ay taariikdu ahayd (22/10/2016). Maalin taas maleeshiyada beesha Habar-majeerteen waxay mooryaanta “Gal-nus” ka gubeen 2 gaari oo tignico ah. Waxayna nolol ay ku qabteen nin mooryaanta “Gal-nus” ah. Rag xayn ahna waa ay ka laayeen. Ciidanka dhabarka uga dhuftay oo mooryaanta “Gal-nus” jebiyeyna waxay ahaayeen ciidamada jifada (Reer Khalaf). Sababta oo ah ciidanka la weeraray ee “Ashahaado la dirirka” waa niman munaafaqad magaalada Gaalkacyo loo keenay, oo inaad isdifaacdaan maahane xabad ha ridina uu ku yiri (C/weli Gaas). Marka ciidamada beesha (Reer Khayr) iskadaa gurmad ay u soo gurmadaan’e waaba ay u riyaaqeen markii ay arkeen in kooxda “Ashahaado la dirirka” ah dhufeysyadii ay ku jireen lagu weeraray.

Beesha (Reer Khayr) Oo Fashiliyey Heshiiskii Beelaha (Bah Qumis) Iyo (Habarmajeerteen):

Sidaad ogsoontihiin isbahaysiga loo bixiyey “Gal-nus” oo ka kooban beelaha (Saleebaan) iyo (Sacad) ayaa dhowaan waxaa heshiis munaafaqad ah la galay beesha Habar-majeerteen. Waxayna ku heshiiyeen in suuqa xoolaha ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhisanayso beesha (Reer Khayr) dhismihiisa la joojiyo. Debeedna beelaha (Bah Qumis) iyo Habar-majeerteen ay magaalada Gaalkacyo ku kulmaan. Ayna markaas wadahadal ay ku dhamaystaan wixii khilaafaad ah oo labada beelood ka dhexeeya. Intaasi markii ay dhacday beesha (Reer Khayr) waxay qaaday dhawr talaabo oo ay ku fashilinayso heshiiska beelaha (Bah Qumis) iyo Habar-majeerteen ay gaareen.

1. Beesha (Reer Khayr) waxay magaalada Gaalkacyo ay isugu keentay ciidan xoog leh oo wata hub waaweyn oo u badan B9, B10 iyo gaadiid xayn ah oo u saaranyahay qoriga suuga.
2. Beesha (Reer Khayr) waxay dar-dar gelisey dhismaha mashruuca suuqa xoolaha ee ay beeshu ka dhisanayso galbeedka xaafadda Garsoor, oo xafiisyada suuq iyo xaydaanka darbiga ah ee suuqa xoolaha hada la ebyey. Marka laga reebo qalabaynta xafiisyada iyo hawlo rinjiyeyn ah.
3. Beesha (Reer Khayr) waxay duqayn joogta ah ay ku bilowday xaafadda Baraxley oo ay degto beesha Sacad ilaa xaafadda baraxley laga wada qaxay.
4. Beesha (Reer Khayr) waxay ku qasabtay beesha Habar-majeerteen inay ku balanfuraan beesha (Bah Qumis) kedib markii ay u sheegeen in suuqa xoolaha aysan waxaba ka qusayn.

Qaraaradii Shirkii Beelaha Reer (Reer Khayr) Ee Gobalka Mudug :-

Istuuryaynta munaafaqadda ah ee ka socota magaalada Gaalkacyo waxay sharafdhac iyo ilhaano ay ku tahay umadda reer Tanadland oo dhan. Waxayna si gaar ah sharafdhac ugu tahay beelaha (Reer Khayr) ee gobalka mudug dega. Sababta oo ah umadda la soo hunguriyeeyey oo dhulkooda lagu cayaarahayo waa umadda reer Tanadland. Beelaha (Reer Khayr) cayaarta istuur-tuurka ah ee magaalada Gaalkacyo ka socota waxayba ula muuqatey markii hore fursad qaali ah. Oo waxay islahaayeen (Reer Khayr) ku “Nabadda Nejis-nejisdhalay baa maala, oo koley iyo koleyba anaga colaadu nooga ay darimayso”. Oo waxay islahaayeen naagaha barida waaweyn leh ee (Pintiland) iyo (Gal-nus) hadaad isku dhufataan waa’ad ka macaashaysaan. Oo qoladaan bekedsan oo barida waaweyn ee la leeyahay waa “Ashahaado La dirir”, oo marka ay rasaasta dhawaaqeeda maqlaan iyagoon qofka xabadda ku soo ridaya aan arag waxay rasaas haystaan meel cidlaa ku hurgufaya. Bay islahaayeen aad ku maadsataan.

Laakiin cayaartu waxay la kharaaraatey beesha (Reer Khayr) markii beesha Habar-majeerteen heshiis qarsoodi ah ay la gashay beesha (Bah Qumis). Arintaan waxaa aad uga carooday beelaha (Reer Khayr) ee gobalka mudug dega. Maalintii jimcaha ahayd ee ay taariikhdu ahayd (14/10/2016) waxaa ka dhacay magaalada (Gaalkacyo) shir muhiim ah, oo ay yesheen lafaha beesha (Reer Khayr) ka dega gobalka mudug ee (Cismaan Yuusuf) iyo (Haashim Khayr “Malismoge”). Shirkaan oo ay gogoshiisa dhigtay beesha reer (Cismaan Yuusuf) ayaa ujeedadiisu ay ahayd sidii duulaan culus loogu qaadilahaa beesha Sacad iyo xulufada ay wataan. Shir kaasi guul buu ku dhamaaday waxaana lagu heshiiyey in beesha sacad iyo xulufadooda la quusiyo oo dhawr aag laga weeraro. Beelaha (Reer Khayr) ee gobalka mudug dega waxay ku heshiiyeen in ciidan lagu ururiyo magaalooyinka (Qansaxle), (Laan-waaley), (Nugaalgibin), (Teerage), (Halabooqad) Iyo (Gaalkacyo). Waxay kaloo ku heshiiyeen in marka laga reebo jifada sharafta leh ee (Reer Khalaf), oo ay ciidamadoodu ka madaxbanaanyihiin mooryaanta barida waaweyn leh ee ka amar qaata agoon (C/weli Gaas) in laga saaro xaafadda Garsoor.

Beesha (Reer Cali Muumin) Oo U Soo Ciidamaysa Beelaha (Reer Khayr) Ee Gobalka Mudug :-

Beesha reer (Cali Muumin) oo aan weligood beelaha kale ee (Muumin Aadan) aan la dagaalgelin ayaa waxay intii ka danbeysey shirkii beelaha (Reer Khayr) ay ku shireen magaalada Gaalkacyo. Waxay caaqilada beelaha (Cali Muumin) ay ku shireen magaalooyinka (Shiilaabo) iyo (Dhanbacaad). Shirar kaas oo lagu ayidey laguna taageeray qaraaradii ka soo baxay shirkii beelaha (Reer Khayr) ee gobalka mudug dega ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo, taariikhdu markii ay ahayd (14/10/2016). Beesha reer (Cali Muumin) ayaa waxay ka soo ciidamayaan degaamada ay ka degaan gobolada (Qoraxey) iyo (Doolo) ee u dhexeeya magaalooyinka (Shiilaabo) Iyo (Wardheer). Iyo degaamada wadada marta harada (Gar-loogube) dhanka koonfureed ka xiga oo dhan. Dhawaan waxaa ka ambabaxay gaadiid kolonyo ah magaalada (Wardheer) oo u ambabaxay dhulka miyiga ah iyo magaalooyinka ay degto beelweynta (Reer Cali Muumin). Waxaana la filayaa in ciidamada beesha (Reer Cali Muumin) maalmaha fooda inagu soo haya ay soo galaan magaalada Wardheer. Dabeedna ay magaalada (Dhudub) u soo kicitimaan oo ay xadka Gobalka (Xariir) ka soo talaabaan. Umadda reer Tanadland ee ku nool magaalooyinka (Wardheer) iyo (Dhudub) ayaa waxay u diyaariyeen ciidamada beesha reer (Cali Muumin), wax alla iyo wixii tasiilaad kale ama sahay ah oo ay u baahnaayeen.

Waxaa jira dareen beesha (Muumin Aadan) ay qabto oo ah hadii dagaal ay gelayaan beelaha (Reer Khayr) ee gobalka mudug dega, oo ay la dagaalamayaan isbahaysiga (Gal-nus) ee ay hubaynayaan mooryaanta xamar fadhida ee dowladda sheeganaya. Bal inta reer (Maxamed Aadan) aan la gaarin oo aysan reer (Cimaan Yuusuf) ka kale soo ciidamin. Waa in lafaha goboloweynta beelaha (Muumin Aadan) ay isu yimaadaan.

Gebagebo :-

Heshiiskii munaafaqadda ahaa ee beesha Habar-majeerteen ay la galeen beesha (Bah Qumis) markii ay beesha (Reer Khayr) fashilisay. Marka hal jifo ah laga reebo jifooyinka beesha Habar-majeerteen waxay taageereen mawqifka beesha (Reer Khayr). Isimadooduna waxay sheegeen heshiis kaas munaafaqadda ah inuu ku koobnaa labo nin oo siyaasiyiin ah oo beesha ka dhashay. Munaafaqaddii ay sameeyeena ku ceeboobey oo iyagu isku fashilay. Laakiin beesha Habar-majeerteen guud ahaan ay ku faraxsantahay sidii ay beesha (Reer Khayr) u fashilisay qorshihii nimankaasi ay wateen. Jifada keliya oo aan weli canbaarayn siyaasiyiinta beesha Habar-majeerteen oo heshiiska munaafaqadda ah la galay beesha (Bah Qumis), aana taageerin mawqifka beesha (Reer Khayr) waa jifada (Reer Mahad) oo ku adeegata nin kaan miskiinka ah ee la yiraahdo (C/weli Gaas). Jifada (Reer Mahad) waa jifo uu mudo dheer yool saaraa dad badanna looga laayey magaalada Gaalkacyo iyo bariga Gobalka mudug oo aad u cuqdadaysan. Waana jifada ugu jilicsan marka ay xaga dagaalka noqoto jifooyinka Habar-majeerteen oo dhan uguna nugul. Waana sababta loogu bixiyey naynaasta lagu xifaaleeyo ee ah “Mahad Qoyane”.

Mideeda kale beesha (Reer Khayr) intaanay heshiin burcadbadeeda Habar-majeerteen iyo mooryaanta Gal-nus, maysan fahansanayn danta laga lahaa in maleeshiyo beeleed Habar-majeerteen ah la keeno xaafadda Garsoor. Maleeshiyadaas oo intaanay magaalada Gaalkacyo iman ay beeshoodu kula soo balantay inaanay ka qaybgelin dagaalka u dhexeeya “Gal-Nus” iyo beesha (Reer Khayr). Taas waxaa ka siidaran libinta ciidamada geesiyiinta ah ee reer Tanadland waxaa sheeganaya niman Habar-majeerteen ah, oo beeshoodu ay kula balameen inaysan dagaalka u dhexeeya beesha (Reer khayr) iyo (Bah Qumis) aysan ka qayb qaadan. Maadaama ay joogaan xaafadda ay cayaartu ka socoto ee Garsoor maleeshiyada beesha Habar-majeerteen. Waxayna ku doodayaan inuu dagaalku u dhexeeyo mooryaanta (Gal-nus) purcadbadeedka Pintiland. Waxaasi ma wax aanu aqbalikarnaa?. Go’aanka ay beesha (Reer Khayr) ka gaartey niman kaasna waxa weeye inay weeraraan oo ay hubka ka furtaan iyagana ay aaqiro u diraan. Beesha reer (Reer Khayr) waxaa ka go’an inay cayaarta ka socota galbeedka xaafadda Garsoor ay ku soo afjaraan halaag iyo baroor.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos