Dagaalka 15 Sano jirsadey Ee U Dhexeeya Jifooyinka (Cali Saleebaan) Iyo (Maxamuud Saleebaan) Oo Wejigiisii Labaad Uu Ka Bilowday Degaanka Qandala.

Dagaalka 15 Sano jirsadey Ee U Dhexeeya Jifooyinka (Cali Saleebaan) Iyo (Maxamuud Saleebaan) Oo Wejigiisii Labaad Uu Ka Bilowday Degaanka Qandala.
Ciidamada Beesha (Cali Saleebaan) Ee Aaga Degaanka Carmo Oo Diyaargarow Dagal Ku Jira.

Ciidamada Besha (Cali Saleebaan) Oo U Diyaargaroobey Inay Ka Hortagaan Maleeshiyada Jifada (Maxamuud Saleebaan) Ee Duulaanka Ku Soo Ah Magaalada Qandalka.

Arar :-

Maleeshiyo beeleedka Jifada (Maxamuud Saleebaan) ee looyaqaan (Ashahaado La’dirirka) oo dhawaan ka baxay magaalada Gaalkacyo iyaga oo aan wax rasaas ah wadan. Markii horana uu fariisinkoodu uu ahaa xaafadda mahbarku ay ka degaan magaalada Garoowe ee horseed. Ayaa waxaa la soo sheegay inay shalay gelinkii danbe ay gaareen meel 7KM u jirta saldhiga ciidamada lafta (Cali Saleebaan). Wararkii ugu danbeeyey ee laga soo xigtey ciidamada jifada (Cali Saleebaan) ee ku sugan magaalada (Qandala) na waxay sheegeen, inay sahankoodu soo ogaadeen meesha ay degeen maleeshiyada jifada (Maxamuud Saleebaan) ee duulaanka ku ah magaalada Qandala. Saadaashuna waxay u badantahay in maalinta beri ah iyo wixii ka danbeeya inay isku dhacaan maleeshiyooyinka jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan). Waxaana saadaashu ay u badantahay in maleeshiyada beesha (Cali Saleebaan) ay weeraraan fariisinka maleeshiyada duulaanka ah ee jifada (Maxamuud Saleebaan). Oo la sheegay inay maantay fariisin ay ka dhigteen oo ay degeen wadada magaalada Qandala ka baxda ee aada magaalada Bosaso. Si ay u qash-qashaadaan shacabka iyo gaadiidka beesha (Cali Saleebaan) ee isaga kala goosha magaalooyinka Qandala iyo Bosaso. Arintaas oo soo de-dejinaysa in ciidamada beesha (Cali Saleebaan) ay weeraraan burcad-badeeda jifada (Maxamuud Saleebaan), oo ay degaankooda ka saaraan.

Jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan) ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyey isu hub iyo ciidan urursanayey. Beesha (Cali Saleebaan) oo degaan keeda duulaanka lagu soo yahayna waxaa la filayaa inay cashar taariihki ah u dhigaan maleeshiyada jifada (Maxamuud Saleebaan) ee dagaalka gardarada ah ku soo qaaday. Maqaal kaana waxaan si qotodheer oo faah-faahsan aan uga hadlidoonaa cadaawadda gaamurtey ee ka dhexaysa labada Jifo. Waxaan kaloo aan maqaalkaan ku falanqayndoonaa awooda labada ciidan iyo asabaabaha dagaalka sababta u ah. Waxaan sidoo kale aan saadaal ka bixindoonaa cida laga yaabo inay ciidamadoodu ay dagaalka ku adkaadaan. Waxaan kaloo aan odoroskayga gundhig uga dhigidoonaa qibradda aan u leeyahay kartida maleeshiyada labada jifo.

Cadaawadda Guunka Ah Ee Ka Dhexaysa Jifooyink (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan) :-

Dad badani waxay rumaysanyihiin in cadaawadda ka dhexaysa jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan) ay soo bilaabatay mudo haatan laga joogo 15 sanaddood. Tan iyo intii uu ay dowladdii dhexe ay bur-burtay oo ay magaalada Bosaso noqotay xarun ganacsi, beesha (Cali Saleebaan) waxay noqotay jifada jifooyinka Habar-majeerteen ee beecmushteriga ugu balaaran ku leh magaalada Bosaso. Arintaas waxaa ka masayray markii ugu horeysey jifohoosaad ka mid ah jifooyinka (Maxamuud Saleebaan) ee Cismaan Maxamuud. Oo ah jifoda kaliya ee lafaha (Maxamuud Saleebaan) ay ka degaan magaalada Bosaso dhawr qoys. Qaasatan jifo-hoosaadda la yiraahdo Bah-gareen.

Maadaama ay beesha (Cali Saleebaan) tahay quwad aan toos loo abaarikarin jifooyinka (Maxamuud Saleebaan) waxay ku heshiiyeen in inta aan beesha (Cali Saleebaan) duulaan lagu qaadin in awooddooda la wiiqo. Iyada oo la adeegsanayo jifooyinka yar-yar ee beesha Habar-majeerteen.

Beesha (Cali Saleebaan) 15 -kii sano ee ugu danbeeyey waxay ku jirtey dagaal joogto ah oo ay kula jirtey 5 beelood oo yar-yar oo beesha Habar-majeerteen ah. Dagaaladaas oo ay abaabushey qarashka ku baxayna ay bixisay jifada (Maxamuud Saleebaan). Dagaalada isdabajooga ah ee beesha (Cali Saleebaan) lagu qaaday ujeedadooduna ay ahayd in awooddooda lagu wiiqo, waxaan ka waraystay waxgarad badan oo beesha (Cali Saleebaan) ah mudo haatan 7 sanaddood laga joogo. Waxaana weydiiyey waxgaradka beesha (Cali Saleebaan) arinta sababta u ah in 3 jifo oo jifooyinka yar-yar ee beesha Habar-majeerteen ah ay beeshooda diriri dhexmarto. Oo Weliba dagaaladaasi ay noqdaan dagaalo isku xig-xiga. Waxgaradka beesha (Cali Saleebaan) sidii aan xaqiiqda u ogaa si la mid ah ayey wax iigu sheegeen.

Mudo Haatan lagajoogo 2 sanadood ayaan waxaanu meel ku kulanay rag aamu xigto nahay oo magaalada Bosaso degan. Ragaas waxaanu isku soo qaadnay halka uu marayo dagaalka lagu hoobtay ee ka dhexeeya jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan). Kulan kaas waxaanu golaha ku fadhiney rag 20 nin ka badan oo beesha (Reer Khayr) ah oo dagaalka ka dhexeeya jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan) xog’ogaal u ah. Jifada (Maxamuud Saleebaan) waxay ku kicisay jifada (Cali Saleebaan) 5 jifood oo jifooyinka yar-yar ee Habarmajeerteen ah oo la dagaalamay. Iyadoo la wada ogyahay in 5 -ta jifo ee la dagaalamay beesha (Cali Saleebaan) ay saanadda, hubka, qarashka hawlgalada iyo saadka duulaamada lagu qaaday beesha (Cali Saleebaan) ay bixisay jifadda (Maxamuud Saleebaan). Dagaaladaas oo loogutalogalay in lagu wiiqo awooda ciidan ee beesha (Cali Saleebaan). Beesha (Cali Saleebaan) waxaa uga dhintay ugu yaraan 37 nin shanta jifo ee lagu hogaamiyeyna waxaaa isugeyn dagaalka uga dhintay 57 nin.

Raga beesha (Reer Khayr) ee aanu golaha wada fadhiney waxay kuligood isku raaceen in dagaalka u dhexeeya jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan), wajigiisii hore uu dhamaaday loogagana adkaaday jifadda (Cali Saleebaan). Maadaama jifadda (Maxamuud Saleebaan) ay awoodii beesha (Cali Saleebaan) wiiqday iyadoo aan weli dagaal toos ah la gelin. Balse ragaas badankoodu waxay saadaaliyeen in mar aan fogeyn uu bilaabandoono dagaalka u dhexeeya jifooyinka (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan) wejigiisa labaad. Dagaal kaas oo ah dagaal toos ah oo ciidamada labada jifo ay fooda iskudarayaan iyadoo hadafku uu yahay in jifaba ay jifada kale ka taqalusto.

Awooda Labada Ciidan Ee Isku Horfadhiya Duleedka Magaalada Qandala :

Dad badan ayaa waxay rumaysanyihiin in maleeshiyada jifida (Maxamuud Saleebaan) ee loo yaqaan “Ashahaado La’dirirka” inay yihiin niman xaaraan quuteyaal ah oo xabadii cirka loo ridaa intay ku soo noqoto ay madaxa jebineyso. Waana niman dakanooyin badan qaba oo u cadawgoodu badanyahay. Intii uu socdey istuur-tuurkii dhawaan ka dhacay galbeedka xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Lafta (Dubeys) oo ka mid ah lafaha beesha Warsangeli, islamarkaasna dega galbeedka gobolka Bari. Waxay ka nasteen xasuuqii iyo gaboodfalkii joogtada ahaa ee lagu hayey. Oo ay ku hayeen maleeshiyo soocan oo ka soo jeeda jifada kibirtay ee (Maxamuud Saleebaan). Laakiin markii ay magaalada Gaalkacyo yimaadeen waxay ku kaceen arin fadeexad ah oo aan rag laga filankarin. Maleeshiyada “Ashahaado La’dirirka” ee jifada (Maxamuud Saleebaan) maaha niman rag lala simikaro ama la heer ah ee waa “Ari”. Maleeshiyada jifida (Maxamuud Saleebaan) waxay ka baqeen inay furinta tagaan oo ay dagaalamaan. Waxay kaloo diideen inay dhufaysyada ay ku jiraan ay ka baxaan oo ay dagaalamaan. Maleeshiyada “Ashahaado La’dirirka” ah waxay 2 todobaad gudahood ay ku lumiyeen 95% rasaastii ay haysatey jifida (Maxamuud Saleebaan). Iyagoo aan xataa rag kula dagaalamin ee dooxo cidla ah ku hurgufayey habeen iyo maalin.

Laakiin arinta ugu layaabka badan ayaa waxay tahay in rag difaaca hore aan ku jirin oo difaaca labaad ah hal mar ah oo weerar lagu qaaday, oo xataa aan loo soo dhawaan looga diley 16 nin. Markaas ayey waxay ku andacoodeen oo ay yiraahdeen “Yool baa na qabsaday” dabeed. Raga jifida (Maxamuud Saleebaan) waa niman aad u nugul oo guraabaas badan. Xabaduna ay weligoodba barida iyo dhabarka ay ka haleesho iyaga oo cararaya. Ayaamahaan intii ay istaagtey xabaddii istuur-tuurka ahayd waxay ku waasheen jifida (Maxamuud Saleebaan) “Baaq Nabadeed” iyo “Dagaalka Hala Joojiyo”. War waxu calool jilicsanaa oo naf jeclaa duf ku baxa!!. Goormuu dagaalku dhacay?, yaase isgaarey?.

Tayada Ciidan Ee Beesha (Cali Saleebaan) :

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Uur Haween Waa Xashin” marka ay arkaan labo qofood oo isku hooyo ay dhashay oo aad u kala dabeecad, baxaali, iyo dhaqan duwan. Run ahaantii aniga aragtidayda dad lays bar-bar dhigikaro iima ay muuqdaan. Jifada (Maxamuud Saleebaan) markay isu soo ciidamaana waa Bahal-higlo isutimid, markay kala maqanyihiina waa Bahal-higlo kal maqan. Laakiin beeshsa (Cali Saleebaan) waa wixii aynu u niqiin “Rag-rag dhalay rujaan cali qooro rugunbaale”. Beesha (Cali Saleebaan) marka jifooyinka kale ee Habar-majeerteen la bar-bar dhigo waa caynad gooniya. Dad badan waxaa u cadaatay bilawgii sanadihii sagaashameeyadii qaasatan dagaaladii gobalka mudug ka dhacay. in beesha (Cali Saleebaan) ay tahay beel fool adag oo dagaalka burji u leh. Aniga oo aragtidaas qaba ayaan waxaan ka bar-bar dagaalamy dagaaladii ka dhacay gobalka J/H ciidan la leeyahay waa Harti. Oo ka kooban (Dhulbahante) iyo (Cali Saleebaan).

Run ahaantii ciidan habaysan oo tigniko wata oo aan ahayn ciidanka beesha (Cali Saleebaan), oo beesha Habar-majeerteen ah dagaaladii koonfurta ka dhacay maba uusan jirin. Walow ay jirto in beesha (Cali Saleebaan) ay mudo dheer ahayd beesha beecmushteriga ugu muhiimsan ku leh beelaha dega magaalada Kismaayo oo dhan. Ayaa hadana taas waxaa u weheliya in dadka Hartiga lagu sheego ee magaalada Kismaayo dega 80% inay yihiin beesha (Cali Saleebaan).

Marka anigu waxaan aaminsanahay in ragii aan aqaaney ee beesha (Cali Saleebaan) aysan u daahayn, wakhti badanna aysan ku qaadanayn inay inta dabada uga dhacaan ay dhabarka ka wada toogtaan, kelaabta baridu ay balaaratay siday xaaraanta u cunahayeen ee (Maxamuud Saleebaan).

Maleeshiyada (Maxamuud Saleebaan) Ee Ku Duuley Beesha (Cali Saleebaan) Dagaalka Yaa Ku Wehesha?

Shantii jifo oo jifada (Maxamuud Saleebaan) ay u adeegsatey inay ku wiiqdo awooda beesha (Cali Saleebaan) ayaa la sheegay inay ku jabeen dagaalka qaybtiisii hore, oo hada ay diideen inay ka qaybqaataan dagaalka xaqdarada ah ee lagulajiro beesha (Cali Saleebaan). Intaanay jifada (Maxamuud Saleebaan) aysan ku duulin beesha (Cali Saleebaan) qorshahoodu wuxuu ahaa, inay jifada (Reer Biciidyahan) oo ay u arkaan inay yihiin dad duurjoog ah oo sahal loo kaxaysankaro laguna dagaal gelikaro inay kaxaystaan. Taladaasna waxaa soo jeediyey nimanka dumarka iyo caruurta ay horay uga laayeen (Reer Biciidyahan) ku ee (Cismaan Maxamuud). Oo jifooyinka kale ku yiri “(Reer Biciidyahan) ku waa cawaan’e inoo soo kexeeya (Cali Saleebaan) markaan iyagana dumarka iyo caruurta haka laayaane. Jifada (Maxamuud Saleebaan) markii hore waxay islahaayeen hadaad beesha (Cali Saleebaan) aad ku shaabadaysaan inay yihiin Daacisha, calooshooda u shaqaysteyaal badan oo beesha Harti ah ayaa hunguri idiin soo doonanaya, oo dagaalka idinla gelidoona. Laakiin xaaladdu sdii ay filayeen Jifada (Maxamuud Saleebaan) aad bay uga gedisantahay duulaanka ay ku qaadeen beesha (Cali Saleebaan) na laguma wehesho.

Hogaamiyeyaasha Labada Ciidan Ee (Cali Saleebaan) iyo (Maxamuud Saleebaan) :-

Jifada (Maxamuud Saleebaan) ayaa intaanay duulaanka ku qaadin beesha (Cali Saleebaan) waxay faafisay hadal aan macno lahayn oo ah in wadaad uu raadinayo dalka maraykanku, lana yiraahdo (Shiikh C/qaadir Muumin) oo u dhashay beesha (Cali Saleebaan). In wadaad kaas iyo ciidan uu wataa ay soo galeen magaalada Qandala. Laakiin xaqiiqdu waxa weeye beesha (Cali Saleebaan) maaha niman ay ka suurowdo inay cadowgooda fursad siiyaan oo ay degaamadooda keenaan nin quwado shisheeye ay raadinayaan. (Shiikh C/qaadir Muumin) na ma u joogo magaalada Qandala. Ciidanka beesha (Cali Saleebaan) ee difaacaya magaalada Qandala na waa rag u dhashay degaanka degmada Qandala.

Maleeshiyada “Ashahaado La’dirirka” ah ee jifada (Maxamuud Saleebaan) oo ah niman rabi iyo islaam ka furtay oo daalimiin ah, ayaa waxaa dagaalgelinaya niman nolosha ka dhacay oo sakhraamiin ah. Marka waxaynu dhawraaba waa waxa ay kala helaan “Ashahaado La’dirirka” barida waaweyn leh ee (Maxamuud Saleebaan) oo fuleyyada ah, iyo xaq-ku-dirirka geesiyiinta ah ee dalkooda difaacaya ee beesha (Cali Saleebaan). Dagaalku marka uu bilowdana waxaa la filahayaa in ciidamo xoog leh oo u wato mujaahid (Cabdisamad Maxamed Gallan), ee ku sugan magaalada (Carmo) inay duulaan qaadaan
oo ay weeraraan maleeshiyada jifada (Maxamuud Saleebaan). Maadaama maleeshiyadii jifada (Maxamuud Saleebaan) magaalada Qandala ay weerareen oo ay ku maqanyihiin.

Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Magaalo Xeebeedda Qandala :-

Magaalada qandala waayihii hore waxay ahaanjirtey magaalada ugu weyn ee ay degto beesha (Cali Saleebaan), balse waxaa jirta in beesha (Cali Saleebaan) ay 25 kii sano ee ugu danbeeyey ay ka guuren magaalada Qandala. Sababo la xiriira dhuldaaqsimeedka degaanka Qandala oo baadkii uu ka xaalufay darteed. Beesha (Cali Saleebaan) na waxay u soo guureen oo ay magaaleeyeen magaalada Carmo oo ku taala wadada iskuxirta magaalooyinka Bosaso iyo Garoowe.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By:Saxardiid Xareed Bulxan.

saxardiid
ADMINISTRATOR
PROFILE

Posts Carousel

Leave a Comment

You must be logged in to post a comment.

Latest Posts

Top Authors

Most Commented

Featured Videos